Jigjiga (CakaaraNews)Waxaa habeen hore Masjidka weyn ee jaamaca Magaaladda Jigjiga Muxaadaro in badan la sugayay ka jeediyay Sh.Maxamed Askar Khaliif.
Muxaadaradaas oo ka hadlaysay In aakhira loo shaqaysto oo adduun kaliya loo shaqaysan ayaa waxaa ka soo qayb galay Dad aad u fara badan oo isugu jiray dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Magaalada Jigjiga, dadka ka soo qayb galay ayaa gaarayay Boqolaal iyadoo Masjidku dadka uu qaadi waayay waxaana dadku ay ka dhagaysaneen Masjidka Dibeddiisa.
Sheekha ayaa Muxaadaradaas si weyn ugu faahfaafihay Mowduuc ay dadku aad u sugayeen kuna booriyay in aan lahilmaamin oo sahay loo qaato aakhiro maadaadama aan Addunkan lagu waareynin qof walbana uu la kulmayo waxa uu shaqaystay.
Dadkii ka soo qayb galay Muxaadaraas ayaa si weyn ugu farxay in maanta ay indhahooda ku arkaan Culimo
Aqoon u leh umooraha Diinta Islaamka oo in badan ka maqnaa Dalka
Waa markii labaad ee todobaad gudihii oo Culimo ka socota UWSLF ay shacabka degen jigjiga ay kala hadlaan Masaajida waawayn ee ku yaala Jigjiga .