Guddoomiyaha Ururka UWSLF oo Maanta la kulmey Guddoomiyayaasha gobolada Dhagaxbuur iyo Afdheer

altJigjiga (CakaaraNews) Gudoomiyaha Ururka UWSLF Sheekh Ibraahim Sheekh Maxamed Xuseen ayaa Maanta si kala gooni gooni ah u qaabilay qaar ka mid ah Gudoomiyayaasha Gobalada Af-dheer iyo Dhagax-buur.

Gudoomiyaha ayaa Subaxnimadii saaka kulan la qaatay Gudoomiyaha Gobalka Af-dheer Mudane Dayib Axmed Nuur (Raqiib) oo uu Wehliyo Gudoomiyaha Xisbiga Gobalkaasi Mudane Nuur Xayir Qaasim, iyo Dr. Bashiir Xassan Maxamed oo ah Xildhibaan heer Kilil ah oo Gobalalkaasi laga soo doorto.

Mudane Dayib ayaa Gudoomiyaha Ururka UWSLF warbixn Buuxda ka siiyay xaalada Dhabta ah ee ka taagan Gobalkaasi isaga oo Sheegay in Wixii hada ka dambeeya Gobalkaasi uu u Jiheeystay Dhanka Horumarka, isagoo sheegay in ay waxbadana ka qabteen Dhinacyada Caafimaadka iyo Waxbarashada.

alt

Sidoo kale Waxaa warbixintaas lamid ah Gobalkiisa ka siiyay Mudane Badal Xiis Maxamed oo ah Gudoomiyaha Gobalka Dhagax-buur isaga oo Tilmaamay intuu Gobalkaasi joogay in uu Mashaariic Badan ka Hirgaliayay Xooggana uu saaray Goobaha Halbowlaha u ah Bulshada.

Gudoomiyaha Ururka UWSLF Sheekh Ibraahim ayaa maalmahanba waday Dadaalo uu wax badan kaga ogaanayo xaalada Dhabta ah ee ay ku sugan yihiin Shacabka Degaanka Soomaalida isaga oo Kulamo kala Duwan la yeelanayay qaybaha kala Duwan ee maamulka iyo Bulshada deegaanka.

CakaaraNews

Radio

Wararkii kudhaafay tvgan yar hoostiisa kadooro

You must have the Adobe Flash Player installed to view this player.
aaaaaaaaaaa
aaaa
bbbb
cccccc

Lorem ipsum dolor

Lorem ipsum dolor sit amet, consectetur adipisicing elit, sed do eiusmod tempor incididunt ut labore et dolore magna aliqua.Ut enim ad minim veniam, quis nostrud exercitation ullamco laboris nisi ut aliquip ex ea commodo consequat.