Shuftaygii Sheekh Axmed Xuseen Xasan (Yogol) Oo Dagaal Lagu Qabtay iyadoo 7 Indhaha Loo Shiday

altFiiq (CakaaraNews) War degdeg ah oo naga soo gaadhay Ciidamada Sida Gaarka ah u Tababaran ee Degaanka Soomaalida ee Loo Yaqaano Liyuu Booliska ayaa sheegaya in dagaal saaka subaxnimadii ka dhacay meesha la yidhaahdo Bali Qabri Yaale oo ku taala duleedka Sibi una dhaxaysa Sagag & Garbo in nabad-diidka shuftada ah ee ubo lagaga dilay 7 budhcad iyadoo kuwo kalana nolol lagu qabtay.

Wararku waxay intaa ku darayaan in kuwa nolosha lagu qabtay uu ka mid yahay Shuftayga la yidhaahdo Sheekh Axmed Xuseen Xasan (Shaydaan Yogol) oo ka mid ahaa budhcada ugu naxariista daran ee shacabka Degaanka ku soo xasuuqay wakhtiyo kala gadisan.

Wararka oo aanu ka helnay Taliyaha Ciidanka Sida Gaarka ah u Tababaran ee Degaanka Soomaalida ee loo Yaqaano Liyuu Booliska ayaa sheegay in Shaydaan Yogol ay dagaalka ku dhex qabteen isagoo dhaawac ah isla markaana wakhtigaa dhakhaatiirta Ciidanka Gaarka ahi ee Liyuu Boolisku ay siinayaan daryeel caafimaad.

Sidoo kale, waxaa Taliyaha Ciidanka Sida Gaarka ah u Tababaran ee Degaanka Soomaalida ee loo Yaqaano Liyuu Booliska uu sheegay in dagaal kale oo kan la mid ah oo Ciidanka Liyuu Boolisku ay ku qaadeen nabad-diid ku dhuumaalysanayay agagaarka Daara Salaam ay indhaha ugu shideen 5 budhcadaa ka mid ahayd.

Taliyuhu wuxuu CakaaraNews u sheegay in dagaalkaas ka dhacay agagaarka Daara Salaam uu ku yimid markii Ciidanka Sida Gaarka ah u Tababaran ee Degaanka Soomaalida ee loo Yaqaano Liyuu Booliska ay ka war heleen in shuftay nabad-diid ah ay wadada ka dhul jiifeenayaan iyagoo carqaladeenayay isku socodka gaadiidka shacabka.

Wuxuu Taliyuhu intaa ku daray in markii ay ciidanku arrintaas ay ogaadeen ay hawl gal ugu baxeen, isla markaana ay ku dul qabteen budhcada oo baadhanaysa baabuur shacab iyagoo farataysanayay guntiga haweenka & hooyooyinka.

Dhinaca kale, qabashada maanta la qabtay Shaydaan Yogol, iyadoo hore indhaha loogu shiday Shayaadiin badan oo budhcada uboda ka tirsanaa, ayaa waxay shacabka Degaanka Soomaalida ay haatan rajaynayaan in Shaydaan Deeq uu noqon doono ka xiga ee indhaha loo shido.

Wararka ugu danbeeyay ee aan haatan ka helnay Xafiiska Hogaanka Maamulka Cadaalada & Nabadgalyada ee Degaanka Soomaalida ayaa sheegaya in Hogaanka Nabadgalyadu uu u hambalyeeyay ciidankaas Booliska Gaarka ah ee gacanta ku dhigay Shaydaan Yoqol. Waxaa uu Hogaanku ciidankaa Booliska Gaarka ah ee qabtay Shaydaan Yogol ugu bishaareeyay in abaal marin loo siin doono ama bonus ahaan loo siin doono Musharka bil dheeraad ah. Taas oo ka dhigan in Ciidankaas ay sannadkan qaadan doonaan mushahar 13 bilood ah.

CakaaraNews

Radio

Wararkii kudhaafay tvgan yar hoostiisa kadooro

You must have the Adobe Flash Player installed to view this player.
aaaaaaaaaaa
aaaa
bbbb
cccccc

Lorem ipsum dolor

Lorem ipsum dolor sit amet, consectetur adipisicing elit, sed do eiusmod tempor incididunt ut labore et dolore magna aliqua.Ut enim ad minim veniam, quis nostrud exercitation ullamco laboris nisi ut aliquip ex ea commodo consequat.