Cusbitaalka Magaalada Dh/buur Oo Maanta Xadhiga Lagaga Jaray Qayb Cusub oo Qaliinka ah

altJigjiga (CakaaraNews) Magaalada dhagax-buur ayaa Maanta xadhiga lagaga jaray Qaybta Qaliinka ee uu yeelan doono Cisbitaalka wayn ee Magaalada Dhagax-buur, iyada oo halkaasi uu Goob jog ahaa Gudoomiaya Gobalka Badal Xiis Maxamed iyo Gudoomiayayaasha 5 Degmo ee Gobalkaasi ka koobanyahayba

Cisbitaalkan ay Maanta xadhiga kajareen ayaa ah Cisbitaal si wayn baahi looga Qabay Gobalkaasi , iyad oo ay Khudbado kajeediyeen Gudoomiye kuxigeenka Ururka UWSLF C/kariim Max,uud Cismaan iyo Gudoomiyaha Gobalkaasiba.


waxaa kaloo halkaas kasoo qayb galay ergooyin ka socday xafiisyada haweenka iyo caafimaadka ee degmada dhagaxbuur, waxay xafladu ku bilaabantay qudbad uu soo jeediyay agaasimaha cusbitaalka dh/buur, waxaa ku xigay gudoomiyaha gobolkaa, gudoomiyaha degmada iyo madax koxeedka daawoyinka iyo saadka qalabka caafimaadka ee DDS oo ku hadlayay magaca xafiiska.

 

C/fataax maxamuud xasan madax koxeedka daawoyinka iyo saadka qalabka caafimaadka altee DDS oo ku hadlayay magaca xafiiska ayaa balan qaaday in kor loosii qaadi doono tayada adeega caafimaad ee cusbitalka lana kerni doono qalab shaybaad oo casri ah iyo waliba qalabayn buuxda oo cusbitaalka ah mudo dhaw wixii kadhiman.

kadib waxaa hadlay madaxa xafiiska cafimaadka degmada iyo xafiiska arimaha hawenka iayadoo ay ku xigtay hadalo ay jeediyeen bulshadii kasoo qayb gashay oo shheegat sida ay ugu farxeen
kadib waxaa shirka kusoo biiray waftigii ka socday ururka UWSLF markaas ayaa la gudo galay xadhig ka jaristii waaxda qaliinka ee cusbitaalka taasoo oo uu xadiga ka jaray mudane badal xiis.
waxaa xaflada kasoo qaybgalay:-
1. gudomiyaha gobolka dh/bur
2. Gudomiyaha degmada d/buur
3. Agaasinka cusbitaalka dh/buur
4. madax koxeedka daawoyinka iyo saadka qalabka caafimaadka ee DDS
5. madax kooxeedka kahortaga iyo xakamaynta duumada
6. madaxa waaxda qorshaynta ee xafisska HIV/AIDska
Dr ku waxaa kaloo uu noosheegay in waaxda la geeyay dhamaan qalabkii, dawadii loo baahnaa si waax qaliin u bilaabi lahayd una joogtayn lahayd adeega qaliinka culus iyo ka fudud,
Waxaa ka mida qalabkaas:- 1. Miltifunctional Anaesthesia machine(mishiinka suuxinta oo dhamays tiran), 2. two sterlizing machcines(hoair sterlizer and steam sterlizer) 3.operation table 4. Laboratomy set( qlabka qaliinka) 5. All aneasthesia drugs 6. dharka qaliinka 7.operation light( mobile and fixed type) 8. 28 oxygen filled cylinders. qalbkaas oo qiyaastii dhan 1.5million birr
waxaa kaloo halkaas iskii inuu oga shaqeeyo go`aansaday DR. c/raxman xuseen (the surgeon)

    



Radio

Wararkii kudhaafay tvgan yar hoostiisa kadooro

You must have the Adobe Flash Player installed to view this player.
aaaaaaaaaaa
aaaa
bbbb
cccccc

Lorem ipsum dolor

Lorem ipsum dolor sit amet, consectetur adipisicing elit, sed do eiusmod tempor incididunt ut labore et dolore magna aliqua.Ut enim ad minim veniam, quis nostrud exercitation ullamco laboris nisi ut aliquip ex ea commodo consequat.