Dhagax-Buur (CakaaraNews)Munaasabadan oo shalay uu Madaxwayne Daa'uud Maxamad Cali, xadhiga ka jarayay Mashruucan Biyo Galinta oo si wayn loosoo agaasimay ayaa waxaa ku wehelinayay Madaxa Xafiiska Biyaha Macdanta iyo Tamarta Dr Suldaan Wali.
Mashruucani cusub ayaa waxaa hir galiyay Xafiiska Biyaha ee DDS, halkaas oo lagu qabtay Garoonka Kubada Cagta ee Magaalada Dh/buur isagoo madax waynuhu kula hadlay kumanaan dadwayne ah kuna booriyay in ay Xukumada iyo Maamulka Gobolka kala shaqeeyaan garabna istaagaan bulshadu hawlaha ay kusii karaar galinayso horumarka,nabadgalyada iyo maamulka suuban.
Wuxuuna Madax waynuhu sheegay in uu mashruucani waxka badali doono nolosha bulshada magaalada Dh/buur isagoo carabka ku dhuftay in ay mudo badan soo mareen dhibaatooyin badan oo ku wajahan dhinaca biyaha.
Mashruucan oo bilaabmay dabayaaqadii sanadkii 2000 Tirsiga taariikhda ethiopia (TTI)waxaana dhismahooda ladhamays tiray Laba dhisme oo kaydka biyaha ah, Qasabado dhararkoodu gaadhayo inka badan 9km oo magaalada gudaheeda la galiyay,sidoo kalena waxaa lagaliyay Laba Riigaga ama Bamka biyaha tuura,dhismahani mashruucan biyo galinta oo fulinteeda uu lahaa Hirkada Dhismaha ee Xawo Aadan conistaracion Compani, waxaana ku baxday aduun dhan 10.8Malyuun oo Birr.
Ugu danbayntiina dadwaynihii ree Dhagax-Buur ee goobtaasi ku sugnaa ayaa waxay dhankooda aad uga muujiyeen dareenkooda farxadeed ee munaasabadan iyo fursadan ay maanta fusata u heleen.