Dhiri-Dhaw (CakaarNews)War oo ay na soo gadhsiiyeen wariye yaal ka kala socday Warsidaha CakaaraNews iyo ETV laanta Afka Soomaaliga oo ka anbabaxay Malintii shalay ahayd Magaalada Jigjiga una anbabaxay Gobolka Qabri-dahar iyo Gobolo kale oo xalay ku sugnaa Ismaamulka Magaalada Dhiri-Dhaba,ayaa war khadka taleefanka nagu soo gadhsiiyay in ay waftigii ururka UWSLF oo usocdaalayay 3 Gobol ayaa halkaa iska wada raacay iyaga oo ay hawlo shaqo kasoo qabanayeen.
Ayaa noo sheegay in ay ka ambabaxayaan Magaalada Ismaamulka Dhiri -Dhaba wafti ballaadhan oo ka tirsan ururka UWSLF oo usii jeeda dhanka Gobolada Liibaan iyo Afdheer.
Waftigan ayaa kormeer ku soo mari doona Goboladaas iyo Degmooyinkooda iyagoo kulamo layeelan doona dhamaan qaybaha kala duwan ee Shacabka ku nool Deegaanadaas ugana warbixindoona Heshiiska Dhex maray Ururka UWSLF iyo Dowladda Itoopiya sidoo kale waftigu wuxuu ka warbixin doona halka ay haatan wax u marayaan iyaga iyo Dowladda Dhexe ee Itoopiya.
Waxaan idiin soo gudbin doono Inshaa Allah maalmaha soo socda hadba meesha ay marayaan iyo wixii war ah ee kasoo kordha kormeerkaa waftigu uu ku marayo gobolada.