Kulan Lagaga Hadlayay Arimaha N/galyada ayaa Maanta Kafurmay Magaalada Q/dahar

altQoraxay (CakaaraNews) warkan oo anu ka helnay wariye katirsan shabaga CakaaraNews oo hatan ku sugan Magaalada Q/dahar ayaa khadka taleefanka anuu ku waraysanay oo kulankaa isagu goob joog ka ahaa.

Kulankan oo kadhacay Xarunta Maamulka Gobolka Qoraxay ayaa waxaa kasoo qayb galay Mamulka Dagmada, Odayaasha Haweenka iyo waliba Dhalinyarada  ee ku kala dhaqan 3da Xafadood ee Magaalada Qabri-Dahar ee Xarunta Gobolka Qoraxay.

Kulankan wada xajoodka oo ay dulicdiisu ahayd, sidii ay bulshada qaybaheeda kala duwan ee ku dhaqan Magaalada sidii loola socodsiin lahaa wacyiga guud ee Deegaanka imika ka jira, gaar ahaan arimaha Horumarka iyo Nabad galyada.

Hadaba kulankan ayaa waxaa laysku afkagartay dhamaan madaxdii iyo shacabkii kasoo qayb galay oo dhanaa 300 ay isla qateen hada wixii ka danbeeya, sidii dhidibada loogu aasi lahaa heshiis yada Nabadeed ee Deegaanku uu lagaadhay kooxaha hubaysanaa ee kasoo hor jeeday Dawlada, oo hatan ka dhigaysa DDS mid sii laba jibaara hawlaha horu marineed ee wax lagaga qabanayo Bulshada Xoolo dhaqatada ubadan  ee Deegaanka ku dhaqan.

Waxaana imika guud ahaan Gobolka  Qoraxay kajira kulamo uu Maamulku layeelanayo dadwaynaha ku dhaqan Xaafadaha Miyiga ah,taas oo ay kaga dhaadhicinayan isla markaana ku war galinayaan xaalada siyaasadeed ee Deegaanka ka jirta, iyadoo ay taasina garab socoto, Soo dhawayn iyo rayn-rayn ku wajahan hanaanka nabadaynta deegaanka, oo ay ka siman yihiin dhamaan Samodoonka ku dhaqan Deegaanka Soomaalida  yar iyo waynba

 

CakaaraNews

Radio

Wararkii kudhaafay tvgan yar hoostiisa kadooro

You must have the Adobe Flash Player installed to view this player.
aaaaaaaaaaa
aaaa
bbbb
cccccc

Lorem ipsum dolor

Lorem ipsum dolor sit amet, consectetur adipisicing elit, sed do eiusmod tempor incididunt ut labore et dolore magna aliqua.Ut enim ad minim veniam, quis nostrud exercitation ullamco laboris nisi ut aliquip ex ea commodo consequat.