Fiilto (CakaaraNewes) Waftigii Ururka UWSLF ee Kormeerka ku marayay gobolada Liibaan iyo Afdheer ayaa habeenkii xalay ahaa ku hoyday magaalada Filto ee Caasimada Gobolka Liibaan.
Magaalada Filto ayaa kutaala silsilado buuro ah dushooda sare waxayna Magaalada Nagayle kaxigtaa Dhanka Koonfureen masaafo dhan 126km, Dhanka waqooyina waxay kaxigtaa magaalooyinka Hudhud oo masaafo dhan ujirta 220km halka ay isla jihadaas kajirto magaalada Mooyaale oo ujirta 480km, Koonfur Bari waxaa kaxigta Magaalooyinka Koolo oo ujirta 190km iyadoo ay isla jihadaas ujirto Doolaw 240km, Dhanka Bari waxaa magaalada Filta 94km wabi looga soo jiiday biyaha ay magaladu cabto.
Shacabka magaalada Filto ayaa Isusoobax weyn oo ay kusoo dhaweynayaan Waftiga Ururka UWSLF Kasameeyay Magaalaas, iyadoo ay madaxdii ururka iyo maamulka iyo waxgaradka gobolka ay shacabka kula hadleen Hollka wayn ee baarlamaanka Gobolkaas.
Shirkas ayay khudbado kajeediyeen Qarrkamid ah madaxdii waftiga UWSLF:-
1- Ibraahim Barkhadle Cowl.
2- Max ed Carab Xiirey
3- Sh. Max ed Xasan
4- Col. Axmed Cali Ismaaciil
5- Hogaanka Nabadgaliyada Gobolka Liibaan Xaaji Cabdow Aaden
6- Wabar Cabdille Wabar Cabdi, wabarka Shacabka liibaan.
7- Macalin Axmed Max uud Odoy Dhaqameed.
8- Sh. Aaden Max uud oo gabay qiiro leh kajeediyay Goobtaas ayay dadkii isugu soobaxay soodhaweyntaasina siweyn ubadalay Shucuurtooda.
9- Sh. Ismaaciil Cabdi oo ah sheekha magaalada Filto ahna Imaamka Masaajidka weyn ee magaladaas.
10- Xabiibo Yuusuf Seed ayaa iyadana halkaas kajeedisay gabayga haween (buraanbur) oo dadka aad uga qosliyay aadna loojeclaystay.
Intaas kadib ayay waftigii booqasho ugu dhaqaaqeen goobaha muhiimka ah ee magaalada filto iyagoo booqashadoodii kabilaabay Isbitaalka weyn ee magaaladaas, Iskuulka Dugsiga sare, Mashruuca Biyo Galinta Magaaladaas oo 94km looga soo jiiday magaalada filto, Warshad weyn oo Qamadiga shiida burna ubadasho oo ku dhextaala beer Qamadi ah dhexdeeda, Xafiisyada Dowlada ee magaaladaas.
Waftiga ayaa magaalada Filta kala kulmay soodhaweyn aad uweyn oo aysan kafilaynin magaaladaas in ay ku noolyihiin dad intaas la eg, waftiga ayaa maanta qado sharaf loogu sameeyay magaaladaas.
CakaaraNews