Hud-Hayd (CakaaraNews) Dagmada hud-hayd ee Gobolka Liibaan ee Dawlada Deegaanka Soomaalida ayaa waxa ay hir galisay Mashaariic kala duwan oo ku baxday in kabadan 15malyuun Gudoomiyaha Dagmada Hud-hayd Mudane Cabdi Maxamad oo uwaramayay warbaahinta ayaa sheegay in laga dhisay sanadkan dagmadan 56 Ceel oo isugu jira kuwo dhadheer iyo kuwa dhaxdhaxaadaba, Laba Riig iyo 8 xarumoo Cafimaad ah.
Gudoomiyaha ayaa ka war bixiyay Rugaha Caafimaad ka ah ee Dagmada laga dhisay in ay udhamays tiran yihiin dhamaan qalabkii rugtaasi sida, Sariiraha Jiifka,Shaybaadhyada, Dawooyinka iyo Qolol loogu tala galay in ay bixiyaan adeega lagu bixiyo Cafimaadka ee dagdaga ah.
Sidoo kale dhinaca biyaha oo ah biyo laga shaqeeyay cafimadkooga, ayaa iyaduna ah mid uu dhamaaday
mashruucaa biyo galinta oo isla wakhtigan xaadirka ah mid siiya bulshada adeegii loogu tala galay,
Dhismaha biyahan ayaa waxa uu sheegay Gudoomiyuhu in uu wax wayn ka dabooli doono baahidii ay uqabtay Dagmadu dhanka biyaha oo hadaan dib umilicsano tirada dadka ka faa' iidaysanayaa Mashruucan biyaha oo aan oran karo 56kun oo qof in kabadan ayaa ka faa'iidaysanaysa, waxaa kaloo ka faa iidaysanaya biyahan 120kun oo neef oo Degmada ku Nool.
Ugu danbayntii wuxuu Masuulku tilmaamay adeega Caafimaadka ee Dagmadan Hud'hayd in caafimaadku hada ka hor ahaa 39% isla markaana hada waxa uu gadhay 35% sidoo kalena dhanka adeega Biyaha oo hada ka hor ahaa 40% ayaa hada wuxuu marayaa 59%, hadaba waxaa si wada jir ah iskaga kaashaday fulinta mashruucan Dawlada Fadaraalka iyo Dawlada Deegaanka Soomaalida, hadaba miisaniyada guud ee Mashruucani lagu fulinayay ayaa waxa ay dhanayd 12.7milyan oo kamida lagacagta mashruucaasi ku baxday ayaa waxa dabooshay Dawlada Dhexe, halka 2.3milyana aay ka dabooshay Dawlada Deegaanka Soomaalida.
CakaaraNews