Qabri-Dahar (CakaaraNews) HORDHAC: Gobolka Qoraxay wuxuu ku yaalaa bariga Ethiopia gaar ahaan Dowlad
Deegaanka Soomaalida wuxuuna ka kooban yahay 4 Degmo oo kala ah: Degmada Q/dahare, Degmada Shilaabo, Degmada Dhobaweyn, & Degmada Shaygoosh
SAFARKA QABDIDAHARE:
22-6-2010 Talaado ayaan ka degnay Garoonka Diyiiradaha ee Degmada
Q/dahare halkaa waxaa si diiran noogu soo dhaweeyay Sh.Maxamed Dubad
Xirsi iyo odayaal reer qoraxay ah kadib waxaan u dhaadhacnay magaalada
waxaana ku degnay Hotel Qoraxay oo ku yaala magaalada badhtankeeda.
JAWIGA MAGAALADA
Magaalada jawigeedu aad buu u wanaagsanaa cimiladuna waxay ahayd mid
dhex dhexaad ah cirkuna daruuro fara badan ayuu lahaa waxaana lagu jiray
xilliga Gamashiga.
MUUQAALKA MAGAALADA
Magaalada muuqaalkeedu aad buu u wanaagsanaa dadku way is dhex marayeen
Ganacsi weyna waa uu ka socday waxaana ku hagaagnay xilli magaalada ay
soo galeen gawaadhi fara badan oo siday bagaash iyo raashino kala duwan,
dadkuna waxay ku mashquulsanaayeen kala daabulka gawaadhidii siday
raashinka.
dhanka kale waxay indhahaygu qabanayeen ragga magaalada degen iyo
agagaaraheedaba iayagoo Maqaaxiyaha Magaalada si weyn uga shaaheynaya
iskuna wareysanaya.
DHAQDHAQAAQA GANACSI EE MAGAALADA:
Magaalada waxaa ka jiray ganacsi aan sidaa u sii buurnayn lakiin kolka
loo eego sidii ay ahayd 2bilood ee la soo dhaafay waxaa la odhan karaa
is badal ayaa ku yimid halka bilihii la soo
dhaafay ay maciishadu cirka
isku shareertay ayay maanta gaadhay abid meeshii ugu hooseysay.
shaxdan hoos ku qoran waxay inoo cadeynaysaa halka ay eegga wax marayaan
iyo halkii labadii bilood ee la soo dhaafay ay wax marayeen.
aynu ku horeynee Sokorta ayaa 50kg waxay ahayd 1200 Birr maantana waxay
ahayd 550 Birr Burka ayaa isna wuxuuahaa 25kg 700 Birr halka maanta uu
marayo250 Birr Bariiska ayaa isna ahaa 25 kg 700 Birr halka maanta uu
ahaa 300 Birr, Baastada ayaa iyana ahayd 10kg 210 Birr halka maanta
lakala siisanayay160 Birr Saliida ayaa iyana ahayd markii hore 10 Ltr
440 Birr halka maanta lakala siisanayay 220 Birr.
F.G. waa raashinka Quutul daruuriga ah waxaa jira bagaash laakiin kuwan
ayaan u aragnay in ay muhiim yihiin maadaadama ay yihiin Aas aaska
nolosha.
Shaxdan waxaa ka muuqda is badal weyn oo u dhexeeyo sicirka raashinka
kii hore iyo kan maanta lagu kala iibsanayay Suuqa weyn ee magaalada
Q/dahare, ganacsatada magaalada oo aynu wax ka weydiinay ayaa inoo
sheegay in kala go raashinka ah uu jiray bilooyinkii la soo dhaafay
taasna ay sabab u tahay in maciishadu qaaliyowdo halka raashinka qaar
lagaba waayay intii aanu raashinkan dambe iman maantana ay aad ugu
faraxsanyihiin halka ay wax marayaan ayna waliba rajaynayaan in hoos u
dhac kale uu ku yimaado maalmaha soo socda.
WAFIDIGII UWSLF IYO Q/DAHARE
Wafdigii ka socday UWSLF ee gaadhay magaalada Q/dahare oo uu
Hoggaaminayay Sh.Maxamed Askar Khaliif ayaa intii uu joogay magaalada
waxay kulamo la yeesheen qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan
magaalada Q/dahare.
Ugu horeyn sheekhu wuxuu muxaadarooyin ka jeediyay labada Masjid ee
magaalada ugu waawayn iyadoo uu khudbadii jimcihii 25-06-201- ee la soo
dhaafay ka akhriyay Masjidka wayn ee magaalada khudbo aad u wanaagsan oo
ay ku diirsadeen shacabka reer qoraxay oo ku saabsanayd nabadda iyo
ahmiyada ay leedahay iyo waliba in gacmaha la is qabsado sidii Dalka loo
hormarin lahaa, sheekha oo ku dheeraaday wacdi afsomali ah khudbada ka
hor ayaa tibaaxay ahmiyadda uu islaamku siiyay nabadda isagoo sheegay in
nabaddu tahay shey qaali ah loona baahanyahay in laga wada shaqeeyo
sidii loo xaqiijin lahaa.
ugu dambayntii sheekhu wuxuu dardaaran u jeedin shacabka Reer Qoraxay
isagoo ugu dardaarmay in la is cafiyo wixii horena aan dib loogu noqon
loona jeesto xagga Horumarka.
SHIR KA DHACAY Q/DAHARE
Shir ayaa waxaa uu ka dhacay Axadii la soo dhaafay 27-06-2010 magaalada
Q/dahare, shirkaa ayaa Munaasabadiisu ahayd 20 Saney oo ah maalintii la
aasaasay Xisbiga talada deegaanka haya ee (X.D.SH.S) shirkaa ayaa waxaa
lagu casuumay Waftigii UWSLF ee joogay Degmada Q/dahare.
shirka ayaa waxaa isugu yimid dad fara badan waxaana shirka ugu
horeynaba furay Gudoomiyaha Degmada Q/dahare Maxamuud Islaam oo hadal
kooban uu halkaa ka soo jeediyay ayaa wuxuu uga war bixiyay xisbiga iyo
xiligii la aasaasay iyo waxyaabihii uu u qabtay Shacabka Deegaanka ku
dhaqan isaga oo sheegay in ay maanat tahay 12 Guuradii kasoo wareegtay
Maalintii dhidibada loo taagay Xisbiga kadib wuxuu ku soo dhaweeyay
Microphoneka Sh.Maxamed Dubad Xirsi, sheekha marka hore wuxuu u mahad
celiyay shacabkii meesha isugu yimid sheekha ayaa hadalkiisa inta badan
ay u badnayd mahad celin uu ga mahadcelinayo uruka Golaha sare ee ONLF
tallaabadii geesinaimada lahayd ee ay qaadeen sheekha ayaa hadaladiisii
waxaa ka mid ahaa maanta waxaan aad ugu faraxsanahay go aanka ay
qaateen walaalaheena ONLF ee geesinimada leh waxaad ogaataan reer
qoraxayow in aan isku mid nahay una taaganahay soo dhaweynta
walaalaheena sheekha ayaa sidoo kale baaq u diray garabka kale ee aan
wali isagu qaadan wadada nabadda waxaana hadaladii sii ka mid ahaa
walaalaheena kalena waxaan ugu baaqaynaa in ay tafaraaquna naga
ilaaliyaan oo ay midnimada iyo kulanka ay nagula soo dhawaadaan kadib
waxaa microphone ka lagu soo dhaweeyay Sh.Maxamed Askar Khaliif oo isna
hadal dheer ka jeediyay madasha shirka oo taabanayay dhinacyo kala duwan
. Sheekha ayaa kahadlaya arrimo dhowr ah oo ay kamid yihiin Horumarka,
Nabadgalyada, Dacwada iyo Talooyin uu siiyay qaybaha kala duwan ee
Bulshada iyo Maamulkaba.
Sheekha ugu horeyn wuxuu ku billaabay wacdi Diini ah kadibna wuxuu Dadka ku booriyay in la adkeeyo nabadda hadda ka dhalatay Gobolka Allahna lagu mahdiyo oo aan lagu caasinin si nimcadu u sii daa imto.
Sidoo kale Sheekhu wuxuu ku dheeraaday ahmiyada uu Leeyahay Gobolka
Soomaalida isagoo sheegay in Gobolka uu yahay Gobolka ugu khayraadka
Badan Geeska Afrika isaga oo intaa raaciyay in gobolka waxa kaliya ee uu
u Baahanyahay ay tahay Nabad.
Shekh Askar ayaa sidoo kale Waano iyo Talooyin u ujeediyay Maamulka Gobolka isagoo ugu Baaqay in ay shacabka u Cadaalad Falaan oo ayna u kala eeXanin Maalmaha yar e ay meesha mas uul ka yihiin ama ay xilka u hayaan Shacabka Ruux walbana laxisaabin Doono waxa uu Ummada u Qabtay Aduun iyo Aakhariba.
Waxaa kale oo uu baaq u Jeediyay Ciidamada Qalabka sida Gaar ahaan
Ciidamada Booliska isaga oo ugu Baaqay in ay shacabka u dhimriyaan oo ay
wax kabadalaan dhaqamadoodii horay loogu yaqaanay wuxuuna sheegay
Sheekhu in maalmihii lasoo dhaafay ay Magaalada kajirtay dadka oo
habeenkii Guryaha loogu dhaco siiba Dumarka kadibna habeenimo lagala soo
boxo Guryahooda loona taxaabo Xabsiga, Sheekha ayaa aad oogu Dheeraaday
in arintaa lajoojiyo oo ay oo ay meel kadhac iyo gaf wayn ay kutahay
sharciga Islaamka iyo Dhaqanka Wanaagasan ee Soomaalida iyo Sharciga u
yaala Dalka, waxaa intaa kudaray sheekhu in Ruuxii laso Xidhayo Si
Sharci ah loo maro Dumarkana la xaqdhowro Maadaama ay yihii Dad Daciif
ah
Shacabkii kasoo qayb galay shirka ayaa si wayn usoo dhaweeyay Qodobadii
looga hadlay Shirka Mahad Ballaadhana u Jeediyay Wafdigii UWSLF ee
halkaasi kusugnaa. Shiraka ayaa ugu dambayntii ku soo gaba gaboobay Jawi Wanaagsan iyo Rayn
rayn
WAFDIGA OO BOOQDAY CISBITAALKA WAYN EE QABRI-DAHARE
Maalintii Arbacada oo ay Taariikhdu ahayd 28/06/2010 waxaa Booqoasho
kutagay Cisbitaalka Guud ee Gobalka Qoraxay Wafdi kasocda UWSLF waxaana
halkaa si diiran ugu soo dhaweeyay madax Cisbitaalka Dr: Mulugeta Lemma
isla markaana ahna Diktoor takhasus u leh Qaliinka
Diktoorka ayaa Wafdiga kusoo wareejiyay Dhamaan qaybaha uu ka
koobanyahay Cisbitaalka sida: Qaybta daryeelka Hooyada iyo dhallaanka, Qaybta Dhalmada, Xarunta Neersiga, Waaxda xanaanada Caruurta, Qaybta Raajitada, Qaybta Qaliinka, Iyo qaybo kale oo ay eegga Dhismayaal ku socdeen waxaana dhisayay Ha ado
ka shaqeeya samafal .
Ugu Horayntii Waxaan ku Hormarnay Qaybta Dhalmada Waxaana halkaa kula
kulanay Dumar badan oo ku umalay Cisbitaalka wajiyadooda laga dareemayay
Caafimaad waxaana ka mid ahaa Gabadh Baadiyaha laga keenay oo ku soo
silicday kadibna qalliin lagu sameeyay Allana uu u sahlay si fududna ay
Cisbitaalka ugu umashay
Dr.Mulugeta Lemma oo Waraysi Gaaban siiyay Shabakadda Soomaaligalbeed.com ayaa u sheegay in Cisbitaalka ay ka caawiso xagga daawada Hay,ad Lagu magacaabo (MEDEINS DU MOND) cisbiyaalkuna uu haysto daawo ku filan waxaa kaloo uu noo Xaqiijayay in ay Daawadu tahay Lacag la,aan sidoo kalana Dhamaan howlaha uu qabto Cisbitaalku ay yihiin lacag la,aan sida Qaliinka noocyadiisa kala duwan.
Waxaa kale oo xusid mudan in Cisbitaalku uu leeyahay hal Gaadhi oo
Ambulance ah una baahanyahay ambalaasyo kale si ay howshu u sahlanaato
sidaa waxaa yidhi Diktoorka Cisbitaalka.
Kadibna Wafdiga ayaa indha indhayn kusameeyay Xaalada Cisbitaalka iyaga
oo ku soo maray Qaybahiisa kala Duwan waxaana ay indhahooda qabanayeen
Bukaan badan oo Cisbitaalka kujira oo laga kala keenay Dhamaan Qaybaha
uu ka Koobanyahay Gobalka Qoraxay iyo waliba Gobalada ku Dhaw dhaw.
Ugu dambayntii waftiga ayaa u mahadceliyay Shaqaalaha Isbitaalka
Shaqadda ay umadda u hayaan wuxuuna ku booriyay in ay u dhabar adeygaan
howshaa culus.
Waftigii socdaalka ku tagay Magaaladda Q/dahare ayaa halkaa ku sugnaa
muddo Todobaad ah intii ay joogeena waxaa ka muuqatay jawi wanaagsan iyo
horumar la taaban karo marka loo eego halkii ay ahayd billo ka hor.
Waftiga ayaa u mahad celinaya dhamaan Shacabka reer Qoraxay sidii
qiimaha badnayd ee ay ugu soo dhaweeyeen magaalada iyadoo dhowr jeer la
macsuumay.
Wabillahi Towfiiq
warbixintii soomaaligalbeed.com