Qorax (CakaaraNews) Sida aan wada ogsoonahay dhamaan Gobolada DDS oo dhan ayaa loo sameeyay Gobolkasta 3 xubnood oo ganacsato ah oo liisankii ganacsiga lasiiyay cashuur dhaaf in ay kusoo galiyaan raashinka maceeshada cunada ay ubaahantahay bulshada ku dhaqan goboladaasi kuna keenaan qiimo aad uga jaban kii hada kahor imanayay goboladaasi, isla markaana aysan ugudbin karin gobolba gobolka kale,kan uu shatigiisa haysto moyee.
Fursadan oo ah mid uu kusoo guulaystay Madaxwaynaha Dawlada Deegaanka Soomaalida Mudane Cabdi Maxamed Cumar oo inbadan kala dooday Dawlada dhexe in ay shacabkiisu helaan fursado tanoo kale ah si ay usoo kobciyaan una soo gadhaan deeganada kale madamoo in mudo ah la hadheen dhaqdhaqaaqyada nabadiidku uu ka wadi jiray hada ka hor deegaanka in lasiiyo fursadahan iyo kuwo lamida sida gawaadhida oo iyaguna mid tan lamida loo fasaxay in ay ka faa iidaystaan in mudo ah fursadahan ay deegaanada kale ee ku dhaqan dalka aysan helin.
Hadaba dhawaan ayaa waxaan kula kulanay midka mid ah ganacsatada lasiiyey liisankaas, ee ku qoran Gobalka Qoraxey casimadeeda Qabridahar Mudane Siciid Maxamed Siciid oo ah Maareeyaha shirkada Xarago, Shirkadaas oo ah ta kaliya ee wali kabilawday ganacsigan Gobolkaas in safar kii u horeeyay ay bulshadu aad ugu diirsatay qiimiihii horena ay 200 birr hoos uga rideen taas oo ay bulshadu aad usoo dhawaysay iyagoo kaga qaadanaya jumlad ahaan kagana dabulanayaan gadhi gacmeedyo iyo gawaadhi iyagoo safar dheer ugalin, halka ay awal hore sugayeen safar dheer inuu cooshadayar ama tukaanku uu laba kiish utago magaalo masaafo dheer ujirta mudana ku maqnaado safarkaas in uu si fudud magaalada uga helo iyada oo qiimo kajaban kii hore ah.
Mudane Siciid wuxuu intaas ku daray in uu cabasho u soo jeedinayo taas oo ah in ay ganacsatada Gobolada kale ku qoran
gaar ahaan Gobolka Jigjiga iyo Dhagaxbuur ay ilaaliyaan xeerka iyo shuruucda loo dhigay ganacsatada loo xadiday goobahaas ayka dhaqan galiyaan oo ayna ka soo gudbin Goboladii loogu talo galay.
Ugu danbayntii waxaa kale oo uu mahadnaq balaadhan u soo jeediyay ciidanka amniga ee Gobolka Dhagaxbuur iyo Qoraxay oo si fiican u hirgaliyay sidii loogaadhsiin lahaa badeecadaas wakhtigii loo baahnaa garab na naga siiyay sidii ay noo soo gaadhi lahayd badeecadaasi.
CakaaraNews