Godey (cakaaranews) Waxaa shalay iyo maantaba ka soo dagay garoonka diyaaradaha ee godey qurbajoog u dhalatay deegaanka soomaalida itoobiya.
Saaka Ayay garoonka diyaaradaha ka soo dageen tiro qurbajooga oo dhan 32 qof,iyadoona ay sii joogeen qurbajoog dhan 40 oo iyagu shalay yimid magaalada godey.
Markii ay isku soo gaadheen maanta magaalada godey qurbajoog dhan 72 ayaa abaarihii 11:00 duhurnimo loo jihaystay socdaal ku aadanaa dhanka biyo-xidheenka galbeedka- godey halkaasoona loogu sii diyaariyay waftiga qurbajoogta munaasabad qado.
Waftiga oo uu horkacayay gudoomiyaha gobolka godey mudane cabdi xuseen cabdi(sonkor) ayaa intii ay sii socdeen wadada u dhaxaysa godey iyo mashruuca biyo-xidheenka galbeedka godey ku sii hakaday tuulooyin laga hirgaliyay horumar iyo gobo looga qoday warooyin ay ka cabaan xooluhu joogaana dhamaan noocyada xooluhu,
Xubnaha waftiga qurbajogta oo aad u danaynayay daawashada dhulka bilicda badan iyo hab-dhaqameedkii aynu asalka u lahaynba ayaa ka wada daatay baabuurtii laguna xoomay xoolihii aroorka u yimid warta oo isku sawiray isla goobtaasna ku qabsaday dhaanto qurbajoogtii iyo reer-baadiyihihii ku sugnaa warta.
Dhanka kale waftiga qurbabajoogta oo aad ula dhacsanaa nabad-galyada iyo horumarka dhinacyada dawlada iyo shacbiga reer-godey ay ku talaabsadeen
ayaa hadana si gaara u xiisaynayay bilicda dhulka iyo dhirtaba.
Baaxada dhulka loo diyaariyay dejinta qoysaska iyo dhulka loo diyaariyay qodaalka ayaa ah dhul aad u balaadhan iyadoona mason- Kastaba loo sameeyay kali dheer oo ay biyaha lagu waraabinayo mason kasta u soo maraan,iyadoona dhamaan kaliyada waraabiya beeraha ay leeyihiin meel laga kontaroolo furidda biyaha iyo xidhidaba
Ka dib ayaa waftigii qurbajoogta lagu sugay goobtii loogu sii diyaariyay qadada oo ahayd deegaanka mashruuca biyo-xidheenka godey.
Qadadii ka dib ayaa loo baxay dhanka mashruuca biyo-xidheenka galbeedka ee laga sameeyay wabiga.
Qurbajoogta ayaa aad ula dhacday habka loo dajiyay agagaarka wabiga qoysaska iyadoona loo abuuray nolol degan oo ku salaysan qodaalka saracyada kala duwan.
Dhulka loo diyaariyay dajinta dadka ku barakacay abaarihii isdabajooga ahaa ka dib markii ay ka dhamaaden xoolihii si loogu abuuro nolol degan ayaa lagu qiyasay in ka badan 3000 qoys.
Biyo-xidheenka galbeedka-goday oo ay ku baxday samayntiisa malaayiin bir ayaa laga daalacan karaa tirada qoysaska la dejiyay iyo sida ay ugala soo baxayaan dhulkooda dihin dhamaan saracyada beeraha kala duduwan sida galayda,hadhuudh yar-yaraha,sisinta,basasha iyo noocyada khudaartaba.
Waxaa xusid mudan in biyo-xidheenka korkiisa uu abwaan daahiye oo can ku ah gabayada murtida u leh shacabka uu gabay uu ugu talo-galay kaalinta kaga aadan qurbajoogtu deegaanka in ay gutaan iskana jiraan dibindaabyada ay soomaali-weyn inoo maleegayso,isagoona ilmaynayay xiliguu gabyayay.
Dhanka kale Biyo-xidheenka galbeedka goday ayaa la diyaariyay dhul dhan 3144 kuna haboon beerashada,iyadoona ururkii UWSLF ee nabadda qaatay oo door biday in qorigii ay ku badashaan yaambo iyo majarafad ay dhulkooda ku haboon beerashada dalagyada kala duduwan kagala soo baxaan,lagana siiyay dhulka uu mashruuca galbeedka godey u diyaariyay dhul-beereedka 27 hectar sameeysteena iskaashatada beeraha salaam bilawdayna beerista dalag-beereedka.
Ugu danbayntiiWaxaa kaloo sida uu noo sheegay wasiirka xidhiidhka jaaliyaadku cabdi maxamed uu safarkoodu ku beeganyahay marka ay dhameeyaan booqashada gobalka godey dhinaca gobalka qoraxey ka dibna safarkooda ku soo gabagabeeyn doonaan gobalka dhagaxbuur, dhamaan qubajoogta oo aad ugu faraxsan uguna riyaaqsan in ay caga- dhigaan dhulkooda hooyo ee ay kala irdhoobeen beri ayaa waxa ay mahadbalaadhan u soo jeedinayaan sida wanaagsan ee ay u soo dhaweeysay dawlada deegaanka soomaalida, gaar ahaan madaxwaynaha cabdi maxamuud cumar, iyagoo balan qaaday in ay garab istaagi doonaan dawlada deegaanka soomalida iyo horumarinta shacabkaba