Ganacsatada Iyo Masuuliyiinta Qaabdhismeedka DDSI,ee Ka Soo Jeeda Gobolka Dh/buur,Ayaa Kooxda Kubadda Cagta ee Dh/buur ugu Deeqay Lacag Dhan 135,000 birr.‏

altJigjiga (CakaaraNews) Waxaa Waayadanba Ka Socday Magaalada Jigjiga Tartan Kubadda Cagta Ah oo Ay Ka Qaybgaleen Kooxo Ka Socday 9ka Gobol ee uu Ka Kooban Yahay Deegaanka.

Tartankan kubada Cagta ee u Dhaxeeyay Kooxaha Ka Kala Yimid 9ka Gobol Ayaa Soo Gabagaboobay,iyadoona Ciyaartii Kama Danbaysta Ahayd ee koobka ay Isugu Soo Baxeen kooxihii Ka Kala Socday,Golka Dh/Buur Iyo Gobolka Liibaan.

Ciyaartaas oo Xiiso Lahayd,Koox Walbana Soo Bandhigtay wixii xeelad iyo farsamaba haysay,balse 90kii daqiiqo iyo intii lagu darayba waxaa la isla dhaafi waayay 1iyo 1.

Balse Sida Xeerka Iyo qawaaniinta Ciyaaruhu dhigayaan,Ayaa Loo Dhigay Rigoorayaal Si Ay Koox kaliya u Hanato Koobka Ay wasaarada Ciyaaraha Iyo dhalinyara DDSI ugu Talo Gashay Tartanka Kubadda Cagta Ah ee Goboladda.

Nasiib-wanaag kooxdii Ka Socotay Gobolka Liibaan ayaa Nasiib U Heshay In Ay Hanato Koobkaas,Ka Dib Markii Rigoorayaashii Loo Dhigay ay Kaga faramaroojisatay Koobkii Kooxdii Ka socotay Gobolka Dh/buur,oo Iyadu Doorbidaysay Hanashada koobka,marka Laga eego Ciyaarwanaagooda iyo sida ay kooxdu u Dhisnaydba.

Waxaase Ilmadii Ka Tiray Kooxdii Dh/buur,Ganacsatada,Masuuliyiinta Qaabdhismeedka Hogaaminta DDSI Ku Jira,Maamulka Gobolka Dh/Buur Iyo Maamulka Degmada Dh/buur,oo Si Jamac ah Ku Gudoonsiiyay Tababarihii Kooxda Kubadda Cagta Ee gobolka Dh/Buur,Lacag Dhan 135,000 Bir (Boqol Soddon Iyo Shan Kun oo Birr).

Waxaa Xusid mudan,In Ay Garab Istaagaan Kooxdii ka Soo jeeday Gobolka Dh/buur,Ganacsatadooda,Hogaamintooda iyo Maamuladoodaba isla markaana Ualt Muujiyeen Baaxada ay Gaadhsiisan Tahay Ahmiyada gaarka Ah ee Ay u Hayaan,Kooxda Kubadda Cagta ee Ku XCiyaaraysa Magaca Gobolkooda.

Ganacsatada Ku Deeqday lacagta,ayaa waxaa ka mida x,Maxamed Buraale,Xuseen Ciise,Canab Muxumed Nuur Yeey,C/Shakuur Aw raali,Sureer Carab,Mawliid Iyo Sureer Axmed Kaahin Oo Ka Mida Qurbajoogta Ka Soo Jeeda Gobolka Dh/Buur,Dhanka Masuuliyiinta,Ka Qayb-qaadatay Taageerada Iyo Mooraal-Galinta Ciyaartoyda, Ayaa Waxaa Ka mid Ahaa,Hogaanka Nabad-Galyada C/Laahi Yuusuf Weerar,Ku-Xigeenkla Maaliyadda Iyo Horumarinta Dhaqaalaha Mudane Khadar Cabdi Ismaaciil,Wasiirka Qurbajoogta Cabdi Maxamed Gamaadiid.

Bahda Shabakadda Cakaarana iyadoo Garawsan Doorka Ay u Muujiyeen Kooxda Kubadda Cagta Gobolka Dh/buur,ganacsatada Iyo Maamulkuba ayay leedahay "Laa Shukra Calal Waajib" Masuuliyadii Idinka saarnayd Gobolkaad Ka Soo Jeedaan ayaad Gudateen.Gobolada Kalana ugu Baaqaysaa in Ay Ku Daydaan Gobolka Dh/buur oo Kor Loo Soo Qaado Kaalinta kooxaha Kubadda Cagta La Siiyana Dhiiri-galin Joogto Ah

Radio

Wararkii kudhaafay tvgan yar hoostiisa kadooro

You must have the Adobe Flash Player installed to view this player.

Lorem ipsum dolor

Lorem ipsum dolor sit amet, consectetur adipisicing elit, sed do eiusmod tempor incididunt ut labore et dolore magna aliqua.Ut enim ad minim veniam, quis nostrud exercitation ullamco laboris nisi ut aliquip ex ea commodo consequat.

Follow Us on Twitter

twitter Bird @Cakaaranews