ka soo ceshano dhalinyarada dalkooda iyo waalidkoodba anfici lahaa ee ay
awr-kiraalashaya beenquutayaasha ina-cumar dacay iyo bahwadaagtiisa ku tukabaya ganacsiga ku khamaaridda dhiigga Dhalinyarada.
Hadaba Maadaama UBO ku Sirinsirqootay Dabinka iyo Mareegta ay Ciidamada sida Gaarka ah u Tababaran ee Geesiyiinta Liyuu-Booliska ayaa dhaxalsiisay in UBO
Waayadan danbe ay u tafaxaytaan Boobka iyo Gubidda Hantida Shacabka.
Horaa loo yidhi Dacawo meeshay macal uga baratay macaluuli ku dishaaye Maleeshiyada Geesiyiinta ah ee Degmada Shilaabo oo Gudanaya waajibaadkoodii Shaqo ayaa la kulmay Ubo oo xero-ooday Shacabka isla-markaana ku Hardamaya Boobka Hantida Shacabka.
Balse maxaa ka raacay Dagaal yar ka dib ayaa ay Maleeshiyada Shilaabo
indhaha u shideen 18 ka mid ahaa Nabad-diidkii UBO,halkaana kaga badbaadiyeen shacabkii iyo hantidoodiiba iyagoona Badqaba u riyaaqay Wiilashooda Maleeshiyada ah
ee ka badbaadiyay Waxyeeladii Maanlaawayaasha UBO.
Ugu Danbayntiina Alle bari iyo Duco dusha ka saaray Guud ahaan Ciidamada Geesiyiinta ah ee liyuu-Booliska gaar ahaana maleeshiyada wadaniyiinta ah ee Degmada shilaabo
kuna hawlan tabaha badbaadinta shacabka ay daashadeen waxyeelada iyo Boobka UBO.