hirgalinta Dhismaha mashruuca biyo xidheenka wabiga abay ee dalka ethiopia lagu wadana in laga dhaliyo quwada korantada ayaa malinba malinta ka sii danbaysa waxa isa soot taraya in bulshadu ay kaga qaybqadanayaan maalkoda kuwas oo kakoban kililada dalka o dhan.
Hadaba DDS ayaa laga dareemayay waayadan taageerada buuxda ee ay u hayaan Dhismaha Biyo-xidheenka Dib u Curashada Dalka Itoobiya Halka ay Shaqaalaha,Ardayda,Degmooyinka iyo Ganacsatada DDS ay Ku Deeqeen Lacag isla Markaana ay iibsadeen Bondigii laga iibsanayay goob kasta oo bankiga Ganacsiga itoobiya ka Furan yahay.
Sidoo kalana Guud ahaan shacabka ku dhaqan degmooyinka DDS ayaa ayaa banan baxyo tagero ah ku mujiyay Dareenkooda Wadan jacayl iyo aqoonsiga Waxtarka biyo-xidheenku u leeyahay Dalka.
Dhanka Kale Shacabka ku dhaqan gobalka qoraxay Gaar ahaan Magalada Q/dahare ayaa ka mid ah meelaha sida wayn loogu muujiyay Banaanbaxyada lagu taageerayo Dhismaha Biyo-xidheenka loogu magacdaray Dib u Curashada Itoobiyada Cusub.
Isu soo baxaas ayaa ay ka qayb qaadanayeen dhamaan qaybaha bulshada mamulka gobalka iyo dagmada bananbaxan ayaa ay shacabku ku muujinayeen
farxadooda iyagoo caleemo qoyan,calamo,boodhadh ay ku xardhanaayeen Halku dhegyo iyo ciyaar-dhaqameedba ku damaashaadayay Barxadda wayn ee hoolka shirarka Magaalada Qabridahar.
Bbanaanbaxan magaalada Q/dahar ayaa ku soo beegmay mar ay Wasiiradda Haweenka DDS Marwo Raxma Maxamuud Haybe Socdaal hawleed ku tagtay Gobolka Qoraxeey, Marwo Raxma oo la hadlaysay shacabkii isusoo baxa ka qayb qaadanayay,
Ayaa ku Booriday in shacabka Qoraxeey dareen-wadaniyadeed ku muujiyaan ka qayb qaadashada hawlaha Horumarka iyo Nabadgalyada Garab istaagaana Xukuumadda isla markaana ka faaiidaystaan qorshaha horumarineed ee 5ta sano ee soo socota dalka laga hirgalin doono.
Banaanbaxan ayaa ugu danbayn ku soo afjarmay jawi xasiloon,farxadeed iyo nabadeedba halka ay ciyaarihiina halkaa ka sii socdeen
