Gobolada Dhagax-Buur & Jigiga oo Ka Faa'iidaysanaya Heshiis Koronto Galin oo Dhex Maray Itoobiya & Bankiga Horumarinta Carabta

ADDIS ABABA - Dalka Itoobiya iyo Banagiga Horimarinta Carabta ee Afrika ayaa maanta ku kala saxeexday Addis Ababa heshiis lagu guudoon-siinayo dalka Itoobiya lacag qadarkeedu dhan yahay $ 10-milyan oo dayn ah.

Lacagtan ayaa waxaa loogu talagalay in wax loogu qabto tuulooyin ka mid ah gobolada Dhagaxbuur iyo Jigjiga ee Ismaamulka Soomaalida iyada oo loo iticmaali doono galinta tamarta laydhka Haydro Electric iyo dhisida warshado dhaliya quwad koronto oo joogto ah.

Tani waxay u saamaxaysaa in tuulooyin fara badan oo ka tirsan Gobolka Jigjiga & Dhagax-Buur la galiyo quwada laydhka korontada.

Waxaa heshiiska qalinka ku duugay wasiirka dhaqaalaha iyo maaliyada ee Itoobiya Sufiyan Axmed iyo gudoomiyaha Bangiga horimarinta Carabta ee Afrika Yuusuf Ibrahim Al--baseem.

Deyntan ayaa dalka Itoobiya u suurta galin doonta kor u qaadida nolosha iyo dhaqaalaha dadka reer miyiga ah.

Ismaamulka Soomaalida ayaa aad ugu baahan adeega bulshada oo ay ku jirto korontadu iyada oo meelo badan oo gobolka ahi ayna lahayn ilo laga dhaliyo quwad koronto joogto ah.

Xigasho: SomaliState

Radio

Wararkii kudhaafay tvgan yar hoostiisa kadooro

You must have the Adobe Flash Player installed to view this player.
aaaaaaaaaaa
aaaa
bbbb
cccccc

Lorem ipsum dolor

Lorem ipsum dolor sit amet, consectetur adipisicing elit, sed do eiusmod tempor incididunt ut labore et dolore magna aliqua.Ut enim ad minim veniam, quis nostrud exercitation ullamco laboris nisi ut aliquip ex ea commodo consequat.