Masuuliyiinta X.D.SH.S Ayaa Socdaal Hawleed Ku Maray Degmooyin ka Tirsan Gobolada Godey, Afdheer & Liibaan

Madaxa Arimaha Xisbiga Ahna Madaxa Xidhiidhka D/waynaha Mudane Axmed Cali ayaa Socdaal Hawleed Ku Soo Kala Bixiyay degmooyinka Godey, Doolo Cadow & Hargeele.

Socdaal kooban oo la xidhiidhay u kuur galida nolosha ama xaalada nololeed ee shacabka deeganka soomaalida iyo  horumarinta mashaariicada ka socata gobaladaas ayaa waftigan oo isugu jiray xubno ka tirsan masuulinyiinta xisbiga iyo xubnaha ka tirsan golaha dhexe ee XDSHS waxay socdaalkooda ka bilaabeen magaalada Godey.

Socdaalka uu hogaaminayay Madaxa Xidhiidhka Dadweynaha Xisbiga ee XDSHS xaruntiisa dhexe Mudane Axmed Cali Geedi ayaa ay ku kala mareen 10 degmo oo ka mid ah gobalada Godey, Afdheer iyo Liibaan.

Socdaalkan oo qaatay mudo 20 maalmood ah waxa ay masuuliyiintan la kulmeen ururuda   kala duwan ee bulshada sida haweenka, dhalinyarada iyo culimo u diinka  iyaga oo dadweynaha na ka dhagaystay warbixin la xidhiidha xaalada nololeed ee dadweynaha iyo hawlaha la xidhiidha dhinaca adeegyada bulshada sida caafimaadka waxbarashada iyo biyaha.

Masuuliyiinta waftigan hogaaminaysay waxay shirar kala duwan la yeesheen xubnaha  hogaaminta dhexe ee XDSHS ee gobalada iyo degmooyinka. Madaxa xarunta dhexe ee XDSHS, islamarkaana ah madaxa xidhiidhka dadweynaaha mudane Axmed Cali Geedi  waxa kale oo uu noo sheegay in socdaalkan kala hadleen u diyaar garowga doorashooyinka fooda inagu soo haya sidii ay  dadweynahu uga qayb qaadan lahaayeen si ay doorashooyin kani u noqdaan kuwo u dhaca si dimuqraadiyada ah isla markaana ay dadweynuhu dooran karaan cidii ka shaqaysay horumarkooda iyo nabad galyadooda.

Sidoo kalana intii ay masuuliyintan socdaalkooda ku jireen waxay xadhiga ka jareen mashaariic kala duwanoo ay kamid yihiin dugsiyo waxbarasho iyo xarumo caafimaad oo laga dhisay degmooyinkaas.

Radio

Wararkii kudhaafay tvgan yar hoostiisa kadooro

You must have the Adobe Flash Player installed to view this player.
aaaaaaaaaaa
aaaa
bbbb
cccccc

Lorem ipsum dolor

Lorem ipsum dolor sit amet, consectetur adipisicing elit, sed do eiusmod tempor incididunt ut labore et dolore magna aliqua.Ut enim ad minim veniam, quis nostrud exercitation ullamco laboris nisi ut aliquip ex ea commodo consequat.