Gudiga Dhaadhicinta Horumarka ee Gobolada, Fiiq, Dhagax-Buur iyo Qoraxeey oo la Kulmay Masuuliyiinta XDSHS

Masuuliyiinta xarunta dhexe ee XDSHS ayaa ugu baaqay in ay si adag u gutaan waajibaadka loo xil saaray Gudiga Dhaadhicinta Horumarka iyo Wacyigalinta bulshada ee Gobolada, Fiiq, Dhagax-Buur iyo Qoraxeey.

Gudigan oo shirkiisii ugu horeeyay ku yeeshay xarunta dhexe ee XDSHS ayaa wuxuu si balaadhan uga dooday qorshaha horumarineed ee uu ku hawl gali doono gudigani.

Sidoo kale waxa uu gudigan oo ka kooban 17 xubnood oo ay 5 ka mid ah ay yihiin gudiga sare, ayaa si balaadhan uga dooday waajibaadka & awooda fulineed ee uu yeelan doono gudigani.

Madaxa Xarunta Ahna Madaxa X/dadwaynaha Mudane Axmed Cali Geedi oo hadal furitaana ka soo jeediyay kulankani, ayaa ka hadlay ujeedada & waajibaadka shaqo ee loo aas aasay gudigani iyo sababta keentay inay xukuumada & xisbiguba ay si wada jir ah u aas aasaan gudigani.

Waxaa uu masuulkani carabka ku dhuftay in gudiga laga sugayo waajibaad shaqo oo badan si loo daboolo baahida horumarineed & tan bulsho ee seddexdan gobol.

Sidoo kale waxa uu mudanuhu uu ka hadlay oo uu faahfaahin ka bixiyay qorshaha ku wajahan dhinaca hawlaha xidhiidhka dadwaynaha ee xarunta dhexe ee xisbiga.

Ugu dambaystii, ka dib markii uu gudigu uu si balaadhan uga dooday qorshaha u yeaala & waajibaadkiisa shaqo ayaa waxa lagu soo gaba gabeeyay go’aamo la xidhiidha inuu sida ugu dhakhsaha badan gudigani u guto waajibaadkiisa shaqo ee loo aasaasay.

Gudigani oo laga soo xulay shaqaalaha dawlada ayaa waxaa dhawaan aasaastay xukuumada si loo daboolo baahida horumarinta bulshada saddexdaasi gobol, Gudigan waxay ka shaqayn doonaan dhaadhicinta horumarka & wacyi galina bulshada ee dhinacyada horumarka & nabadgalyada bulshada Soomaalida ee ku nool gobolada Fiiq, Dhagax-Buur iyo Qoraxeey.

Radio

Wararkii kudhaafay tvgan yar hoostiisa kadooro

You must have the Adobe Flash Player installed to view this player.
aaaaaaaaaaa
aaaa
bbbb
cccccc

Lorem ipsum dolor

Lorem ipsum dolor sit amet, consectetur adipisicing elit, sed do eiusmod tempor incididunt ut labore et dolore magna aliqua.Ut enim ad minim veniam, quis nostrud exercitation ullamco laboris nisi ut aliquip ex ea commodo consequat.