Daadad ku Fatahay Tuulada Mara Caato oo Khasaare Gaystay: Ciidamada Liyuu Booliska

CakaaraNewsQabri-Dahar (CakaaraNews) War Deg-deg ah oo aan haatan ka helnay Ciidamada Booliska ee Sida Gaarka ah u Tababaran ee Degaanka Soomaalida ee loo yaqaano Liyuu Booliska ayaa sheegaya in togga Qabri-dahare uu maanta ku fatahay qabaleega Mara-Caato oo 30 Km xaga Koonfurta kaga beegan magaalada Qabri-Dahar.

Taliyaha Ciidamada Booliska ee Sida Gaarka ah u Tababaran ee Degaanka Soomaalida ee loo yaqaano Liyuu Booliska ee aagga Mara Caato ayaa CakaaraNews u sheegay in ciidamada Liyuu Boolisku ay badbaadiyeen 46 oo uu daadku la tagay kana soo saareen daadka dhexdiisa. Wuxuu taliyaha ee Ciidamada Liyuu Booliska noo sheegay in ay jiraan dad uu daadku la tagay, balse ayna haatan xaqiijin karin.

Sidoo kale, waxaa Taliyaha Ciidamada Sida Gaarka ah u Tababaran ee Degaanka Soomaalida ee loo yaqaano Liyuu Boolisku uu sheegay in daadadkan sida gadiska ah u soo rogmaday ay waxyeeleeyeen xoolo fara badan. Wuxuu Taliyuhu sheegay in 120 neef oo geel ah uu la tagay daadku. Taliyaha oo CakaaraNews la soo xidhiidhay ayaa ka codsaday in xafiiska u Diyaar-garawga & Ka Hor-taga Masiibooyinka ee Dawlad Degaanka Soomaalida uu la soo gaadho taakulo dadka uu waxyeeleeyay daadkani.

Sida la wada ogsoon yahay, bishii aynu ka soo gudubnay ayaa Degaanka soomaalida waxaa soo food saartay abaar & biyo yari aad u ba'an oo ku habsatay gobolo badan oo degaanka ka tirsan. Waxaa la wada ogsoon yahay in Ciidamada Sida Gaarka ah u Tababaran ee Liyuu Boolisku ay ahaayeen meelihii ugu horeeyay ee soo sheega biyo la'aanta jirta iyo culayka qaab nololeed ee bulshada xoolo dhaqatada ahi ay qabeen xilligaas.

CakaaraNews

Radio

Wararkii kudhaafay tvgan yar hoostiisa kadooro

You must have the Adobe Flash Player installed to view this player.
aaaaaaaaaaa
aaaa
bbbb
cccccc

Lorem ipsum dolor

Lorem ipsum dolor sit amet, consectetur adipisicing elit, sed do eiusmod tempor incididunt ut labore et dolore magna aliqua.Ut enim ad minim veniam, quis nostrud exercitation ullamco laboris nisi ut aliquip ex ea commodo consequat.