Jigjiga(CakaaraNews)Tobabarkan oo uu hogaaminayo Madaxwaynaha DDS Mudane Daa'uud Maxamad Cali ayaa lagu qabtay madasha shirarka ee hoolka Xafiiska Haweenka ee DDS.
Tobabarkan oo lasiinayay Hogaaminta sare, madaxda Xafiisyada kala duwan ee heer Degaan, maamulada heer Gobol iyo kuwa Dagmooyinka DDS.
Waxaa tobabarkan furay Madaxwaynaha DDS Mudane Daa'uud Maxamad Cali, wuxuuna sheegay Madaxwaynuhu in doorashadan Dalka iyo Degaankaba kadhici doonta ay kaga duwan tahay doorashooyinkii hore, dib u habaynta lagu sameeyay qabaleeyada deegaanku ka kooban yahay.
iyo udiyaar garawga doorashada oo sibalaadhan loogu diyaar garoobay lanasoo gabagabeeyay sidii ay deegaanka uga qabsoomi lahayd Sixor ah, Cadaali ah,Dimuquraadi iyo Nabadgalyo ah ugadhici lahayd.
Madaxwayne Daa'uud Maxamed Cali ayaa mar uu uwaramayay laanta Afka Soomaaliga ee TVga Itoobiya iyo warbaahinta X.W.Dh iyo Dalxiiska usheegay in ahmiyada ugu wayn ee tababarkani uleeyahay xubnahani ay tahay barashada iyo kudhaqanka istaraatijiyada doorashooyinka,bayaanka anshaxa doorashooyinka xisbiyada siyaasadeed.
Madaxwaynuhu waxa uu carabka kudhuftay in madaxda heer deegaan fadhiga kakacaan oo guntiga dhiisha iskaga dhigaan siina karaar galiyaan hawlaha Horumarka ee socda islamarkaasna xisbigooda lagarab istaagaan hiil iyo hooba, sidii uu doorashadan fooda inagusoohaysa uu ugu guulaysan lahaa.
Sidookale waxaa iyakuna Tababaradan oo kale lasiinayaa wariyeyaasha kaladuwan ee deegaanka kahawlgala maalmaha xiga.
Ugu dambayntiina Tababarkan oo soconaya mudo lix bari ah ayaa waxaa iska kaashaday xarunta dhexe ee X.D.Sh.S iyo rugta wararka ee Walta iyadoo cashiradana ay kubaxayeen aalada (Video Confrence) sitoos ahna looga soo tebinayay caasimada Adis Ababa.
CakaaraNews