Ardayda waxkabarata wadanka Holland ee udhalatay Deegaanka oo bogaadisay Dadaalka Xukuumada DDSI.

Holland (Cakaaranews) Waxaa lawada ogsoonyahay inay arday badan oo deegaanka u dhalatay ay wax kabartaan dacalada dunida iyagoo ku kala sugan heerarka kala duwan ee jaamacadaha ugu caansan wadamada horumaray.

Haddaba waxaa qoraal dheer oo dhinacyo badan taabanaya kuna salaysan tahniyad iyo taageero kuwajahan Dadaalka dheer ee ay xukuumada deegaanku ugu jirto horumarinta deegaanka iyo xasiloonida nabadgalyada deegaanka.

Ardaydan ayaa waxa ay qoraalkooda ku sheegeen inay aad ugu faraxsanyihiin isbadalka lataabankaro ee ay xukuumadu mudada yar kaga muujisay guud ahaan deegaanka soomaalida itoobiya waxayna cadeeyeen inay hiil iyo hooba lagarab taaganyihiin Xisbiga talada deegaanka gacanta ku haya ee xisbiga dimuqraadiga shacbiga soomaalida itoobiya iyo xukuumada uu xisbigu hogaamiyo oo ay ku tilmaameen inay tahay xukuumad marwalba u taagan hirgalinta qorshayaasha horumarineed ee deegaanka iyo shacabkaba islamarkaana utaagan soo afjarida hadhaaga yar ee ubo si uu deegaanku ugaadho heer boqolkiiba boqol ay nabadgalyada deegaanku sugnaato.

Ugudanbayntii Mudane Mukhtaar muxumed oo qoraalkan nasoo gaadhsiiyay kana tirsan ardayda waxkabarata jaamacada holland ayaa isagoo ku hadlaya magaca ardayda jaamacadaas waxa uu bogaadin heer sare ah usoo gudbiyay xukuumada deegaanka, xisbiga talada deegaanka haya iyo guud ahaan shacabka deegaanka wuxuuna sheegay inay dhamaan ardayda halkaas waxkabarataa ay utaaganyihiin sidii ay usoodhamaysan lahaayeen duruusta ay halkaas ujoogaan islamarkaana wadankooda ugusoonoqon lahaayeen si ay deegaankooda iyo shacabkoodaba ugaga faa'iideeyaan waxbarashada ay soo korodhsadeen walaalahooda kalana ugu abuuraan fursada waxbarasho ee ay iyagu heleen oo kale.

Mukhtaar Muxumed Jaamacada Holland

biyoxidheenka qarnigu waa mid muujinaya midnimadeena.xafiiska waxbarashada DDS oo ku deeqay adduun lacageed.

altJigjiga(CakaaraNews)daah inaga saarna in DFI ay ku talaabsatay koboc-dhaqaale amin kastana maskaxtuujin ugu jirto tab kastoo horumar-waara lagu yagleeli karo.

Read more...

G. QURBA JOOGGA DDS EE BOQORTOOYADA BIRITAYN OO BAAQ TAAGEERO U DIRAYA MADAXWEYNE CABDI MAXAMUUD CUMAR ANSIXINTII DEGMOOOYINKA

UK (Cakaaranews) Aniga oo ah Dr Xuseen Cali Ibrahim,  ahna Gudoomiyaha Golaha Qurba Joogga Soomaalida Itoobiya ee dalkan Boqortooyqda Biritayn, kuna hadlaya magacayga iyo kan jaaliyadaba, waxaan halkan taageero iyo hambalyo qaali ah ugu dirayaa  madaxweynaha degaanka ismaamulka Soomaalida Itoobiya mudane Cabdi Maxamuud Cumar go’aanka taariikhiga ee   baarlamaanka deegaanku ku ansixiyay cod buuxa 15ka degmo , 3da madaxweyne ku xigeen iyo go’aamada kale ee muhiimka ah.  Aniga oo aad uga dharagsan madaxweynaha deegaanka mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ah shaqsi daacad ah, hawl kar ah, go’aan adag leh, balanka uu qaadana fuliya, islamarkaana ay ka go’an tahay In uu dadkiisa iyo dalkiisaba gaadhsiiyo horumar la taaban karo muddada uu xilka madaxtinimada hayo; waxaan  u rajaynayaa In xilkaasi culus ee uu umadda u hayo Ilaahay u fududeeyo.

Waxaan hambalyo tan lamid ah u dirayaa baarlamaanka deegaanka Soomaalida oo cod buuxa ku ansixiyay dhammaan arrimihii uu madaxweynuhu soo hor dhigay sida 15 degmo, 3da madaxweyne ku xigeen, qorshaha shanta sano ee soo socota deegaanka waxqabadkiisa ah, gaar ahaan dhinac horumarka, arrimaha bulshada sida caafimaadka, waxbarashada, biyaha, beeraha, isgaarsiinta, jidadka iyo nabadgelyada. Waxa uu baarlamaanka deegaanku ka gudbay xiligii kala qaybsanaanta iyo nin jeclaysiga, waxaana ka go’an inay dadkooda iyo dalkooda wax u qabtaan si wada jir ah, waana runtii arrin amaanteeda mudan.

Dhinaca seddexda madaxweyne ku xigeen ee kala ah mudane Aadan Faarax, mudane Dr. Suldaan Weli iyo Mudane Axmed­­- deeq Maxamed Cabdi oo runtii ah niman da’ yar oo aqoonyahano ah, horayna u hayay xilal culus oo wasiiro ah, kana tirsan golaha dhexe iyo kan golaha fulinta ee xisbiga talada deegaanka gacanta ku haya ee Xisbiga Dimuqraadiga Shacbiga Soomaalida Itoobiya, ayaa ah kuwo lagu soo xulay kartidooda, aqoontooda iyo waayo arragnimadooda loona kala magacaabay waajibaadkooda shaqo oo kala ah Madaxa waaxda arrimaha bulshada, waaxda horumarka iyo waaxda dooxooyinka. Waxaan leeyahay Ilaahay ha idiin fududeeyo masuuliyaddaasi culus ee aad qaadeen, shacabkiinana ugu adeega si caddaalad ah mudada aad xilkaasi haysaan. 

Xagga 15ka degmo ee la magacaabay shacabka, waxgaradka, aqoonyahanka, culimaa u diinka, hooyooyinka iyo dhalinyaradda degaanadaasi ka soo jeeda waxaan kula talinayaa inay ka faa’idaystaan fursadan qaaliga ee la siiyay kana qayb qaataan isbedlka ka socda degaanka sida dhinacyada horumarka, arrimaha bulshada, dib u dhiska iyo nabadgelyada.

Aniga oo aad ugu farxay 15ka degmo guud ahaan, gaar ahaan magaaladii aan ku dhashay, ku soo barbaaray, waxbarashada ilaa aqalka lixaad ku soo qaatay ee degmada Tulli Guuleed oo runtii hodan ku ah dhinaca wax soo saarka beeraha iyo xoolahaba, tirada dadka degana ay aad u badan yihiin; kana mid noqon karta degmooyinka fara ku tiriska ah ee iskood isku filnaansho u gaandhi kara, waxaanan ku kalsoonahay in ay shacabka degmadaasi ku dhaqan fursanddan ka faa’idaysan doonaan.

Ugu dambaytii waxaan u rajaynayaa shacabka degaanka Soomaalida itoobiya gudo iyo dibadba guul, horumar, sinnaan iyo cadaalad inay ku wada noolaadaan.

Dr. Xuseen Cali Ibrahim (Gudoomiyaha Golaha Qurba Jooga Somaalida Itoobiya ee Boqortooyadda Ingiriiska).

Waxaad igala soo xidhiidhi kartaan emailka hoos ku qoran.

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

 

Golaha Qurba Joogga Soomaalida Itoobiya Ee Boqortooyada Biritayn Oo Baaq Taageero U Diraya Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar Ansixintii Degmoooyinka Iyo Madaxweyne Ku Xigeenada La Magacaabay

altAniga oo ah Dr Xuseen Cali Ibrahim,  ahna Gudoomiyaha Golaha Qurba Joogga Soomaalida Itoobiya ee dalkan Boqortooyqda Biritayn, kuna hadlaya magacayga iyo kan jaaliyadaba

Read more...

Qulqulka Fanaaniinta Soomaaliyeed ee Xarunta DDS ayaa Noqotay Mid Dhawaanahan isa Soo Taraya

altJigjiga (CakaaraNews ) Koox Faneed uu hogaaminayo fanaanka weyn ee Cumar Shooli ayaa soo gaadhay Magaalada Jigjiga ee Caasimadda DDS.

Read more...

Qurbajoogta Sweden Oo Hanbalyo Sanadka Cusub 2011 u Direysa Madaxweynaha Iyo Shacabka Deegaankeena Meel Walba Ey Joogaan.

alt

Waxaan Hanbaliyo diiran iyo boogaadin u direynaa Madaxweynaheena H.E Abdi Momahmed Omar iyo

Read more...

More Articles...

  1. DAREENKA JAALIYADAHA IYO DIYAARGARAWGA QAABILAADA AMBASSADOR CABDIRASHIID DUULANE RAFLE OO SI WAYN LOOGA SUGAYAY CARIGA UNITED KINGDOM
  2. Hambalyo TV Cusub Warsan iyo Weedhsan‏
  3. QURBO-JOOG LAGU DIIRSADO NOQDA‏
  4. Hambalyo ku Wajahan Magaalada Jigjiga iyo Maamulkeeda
  5. Qurbo-joogta ku dhaqan Putland oo Hambalyo iyo Bogaadin udiraya Madaxweynaha DDS Mudane Cabdi Maxamud Cumar
  6. HAMBALYO MAAYARKA CUSUB EE MAGAALADA JIGJIGA.
  7. Ugaas Xasan Oo Kamida Qurbajoogta Deegaanka Udhalatay Oo Ku Dhaqan London Ayaa Han-Balyo Udiraya Maamulka Gobolka Fiiq
  8. Beesha Gabooye Oo Hanbalyo Udiraysa Mayarka Cusub Ee Loo Doortay Maamulka Magaalada Jigjiga
  9. Wasiirka Warfaafinta Mudane Maxamad Guure oo diraya Hanbalyo Kulucaam Wa -Antum Bilkhayr
  10. Gabay Cusub: NABADI WAA DOOR Waxaa Tiriyay Maxamed Cabdi Gurxan
  11. Jaliyada ku Dhaqan Scandenevianka oo Taageero Udiraysa Heshiiska UWSLF iyo Dawlada Itoobiya
  12. DHAMBAAL HAMBALYO IYO TAAGEERO: JAALIYADAHA SOOMAALIDA ITOOBIYA EE TORONTO
  13. Fanaan Cabdala Yuusuf Hanuuniye oo Hambalyo Iyo Bogaadin u Soo Diray Madaxawayana degaanka
  14. Jaaliyada Degaanka Soomaalida ee dalka Denmark oo Hambalyo u Soo Diray Madaxwaynaha Cusub ee Degaanka
  15. 175 Hogaamiye Dhaqameedka Degaanka Soomaalida oo Hambalyo & Bogaadin U Diray Madaxwaynaha Degaanka Soomaalida
  16. DHAMBAAL HAMBALYO IYO TAAGEERO: DALLADDA JAALIYADAHA SOOMAALIDA ITOOBIYA EE MIDOWGA YURUB
  17. Golaha Qurbajooga Soomaalida Itoobiya ee UK oo hambalyo u diraya Madaxweynaha Cusub ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.
  18. Golaha Qurbajooga Soomaalida Itoobiya ee UK oo baaq taageero ah u diraya Heshiiska Nabada ee dhexmaray UWSLF, ONLF iyo dawladda Itoobiya
  19. Gudiga Fulinta ee Ururka Somalida Ethiopia ee Scandenevianka HANBALYO MADAXWAYNAHA CUSUB
  20. Hambalyada Madaxwaynaha: Bahda Jigjiga TV, Minnesotta
  21. Ururka Fanka iyo Dhaqanka Soomaalida oo Hambalyo U Diraya Madaxwaynaha Degaanka Soomaalida
  22. NATIONTV OO HAMBALYO U DIRAYA MADAXWAYNAHA CUSUB
  23. MADAXWAYNE KU XIGEENKA PUNTLAND OO U HAMBALYEEYAY MADAXWAYNAHA CUSUB EE DEGAANKA SOOMAALIDA
  24. PRESS RELEASE FROM FIQI-OMER COMMUNITY
  25. CONGRATULATIONS Mr. PRESIDENT By ABDULLAHI GARILLE
  26. GOLAHA NABADA & HORUMARINTA DEGAANKA SOOMAALIDA EE ETHIOPIA Ee Scandanivianka
  27. CONGRATULATIONS TO THE NEW PRESIDENT OF SOMALI STATE
  28. JAALIYAADKA ADUUNKA OO HAMBALYO U SOO DIRAY MADAXWAYNAHA CUSUB
  29. WARSIDAHA XAAJO: Hambalyo Madaxwaynaha Cusub

Radio

Wararkii kudhaafay tvgan yar hoostiisa kadooro

You must have the Adobe Flash Player installed to view this player.
aaaaaaaaaaa
aaaa
bbbb
cccccc

Lorem ipsum dolor

Lorem ipsum dolor sit amet, consectetur adipisicing elit, sed do eiusmod tempor incididunt ut labore et dolore magna aliqua.Ut enim ad minim veniam, quis nostrud exercitation ullamco laboris nisi ut aliquip ex ea commodo consequat.