Maamulka iyo shaqaalaha shabakadani Xaajo.com waxay u hambalyaynaysaa madaxwaynaha cusub ee dawladda deegaanka Soomaalida mudane Cabdi Maxamuud Cumar.
Madaxwayne waxaan ku leenahay marka hore hambalyo, madax meel ka saraysa oo la salaaxo malahan ee ku soo dhawow kursiga.
Marka xiga Allaha kuu fududeeyo in masuuliyadda aad qaaday aad u gudato sida ugu wanaagsan, ugu cadaaladsan, uguna horumar iyo badhaadhe badan.
Madaxwayne maanta dhamaan indhaha bulshadu adigay ku soo eegayaan, waxa ay kaa sugaanna waa isbadal la taaban karo ood ka samayso dhamaanba deegaannada dalku ka koobanyahay.
Xaajo.com