Waxaa qeybta war-qabadka si isdaba-joog ah ugu soo dhacayey tan iyo shalay hambalyooyin ku socda madaxweynaha cusub ee Ismaamulka Dowlad Deegaanka Soomaalida, mudane Cabdi Maxamud Cumar, kuwasoo ka kala imanaya jaaliyaadka deegaanka ee aduunka dacalladiisa.
Qoraallada jaaliyaadka oo aanu soo koobnay, idinkana soo qaadnay warka nuxurkiisa, ayaa ka kala yimid dalalka hoos ku qoran:
Mareykanka
Guud ahaan gobollada dalka Mareykanka intooda badan ayaa waxaa ay jaaliyaadku ka soo dirayaan baaqyo taageero iyo hambalyo isugu jira, kuwaasoo ku wajahan madaxweynaha cusub.
Canada
Jaaliyaadka Canada waxey hambalyo iyo bogaadin ballaadhan u dirayaan madaxweynaha cusub, waxeyna aad ugu farxeen isbadalka curtay.
Jarmalka
Jaaliyaadka dalka Jarmalka ayaa si aad ah u taageeray madaxweynaha cusub, soona dhaweeyey hadalkiisi ahaa inuu jaaliyaadku xidhiidh la yeelan doono.
Norway
Jaaliyaadka dalka Norway ayaa madaxweyanaha cusub ugu hambalyeynaya xilka culus ee loo doortay.
Denmark
Jaaliyaadka dalka Denmark ayaa qoraal dheer ku taageeray madaxweynaha cusub ee la doortay.
Holland
Jaaliyaadka reer Holland ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray madaxweynaha cusub ee loo doortay inuu hogaamiyo maamulka dowlad deegaanka Soomaalida.
Sweden
Jaaliyaadka deegaanka ee dalka Sweden ayaa si xooggan u taageeray madaxweynaha cusub ee loo doortay jagada madaxweyne ee dowlad deegaanka Soomaalida.
Ingriiska
Jaaliyaadka dalka Ingriiiska ayaa cod xooggan ku taageeray madaxweynaha cusub, iyagoo muujiyey sida ay ugu faraxsan-yihiin isbadalka maamul ee deegaanka Soomaalida.
Koonfur Afrika
Jaaliyaadka nabadda jecel ee dalka Koonfur Afrika aya si buuxda u taageeray doorashada madaxweynaha cusub.
New Zealand
Jaaliyaadka dalka New Zealand ayaa qoraal ku muujiyey taageerada ay u hayaan madaxweynaha cusub, islamarkaana tilmaamay inay u hambalyeynayaan madaxweynaha cusub.
Gabogabo
Qoraallada oo aad u farabadan darteed, waqtiga ayaa inoo saamixi waayey inaan mid kastaa kaligii si dhameystiran u soo qorno. Qooraallada jaaliyaadka ayaa ka wada siman taageerada ay u hayaan madaxweynaha cusub iyo sida ay ugu faraxsan-yihiin isabadalka siyaasadeed ee ka hanaqaaday Ismaamulka Deegaanka Soomaalida.
Waxey dhamaan qoraallada jaaliyaadku ku adkeeyeen madaxweynaha cusub inuu ku shaqeeyo nidaam ka badalan kii madaxweynihii isaga ka horeeyey, islamarkaana uu isticmaalo qaab ku saleysan cadaalad, horumar jaceyl iyo maamul suuban.