MADAXWAYNE KU XIGEENKA PUNTLAND OO U HAMBALYEEYAY MADAXWAYNAHA CUSUB EE DEGAANKA SOOMAALIDA

London (CakaaraNews) Madaxweyne Ku-xigeenka maamul gobolleedka Puntland, Cabdisamad Cali Shire, ayaa u hambalyeeyey Madaxweynaha cusub ee Ismaamulka Dowlad Deegaanka Soomaalida, mudane Cabdi Maxamud Cumar.

Cabdisamad, oo la hadlayey Laanta Af-Soomaaliga ee BBC, ayaa marka hore uga mahadceliyey guud ahaan madaxda dowlad deegaanka iyo shacabka reer Jigjiga soo dhaweyntii dhawaan ay isaga iyo waftigiisi kala kulmeen magaallada Jigjiga.

"Waxaan doonayaa inaan mahad ballaadhan u jeediyo madaxda dowlad deegaanka Soomaaliyeed ee Itoobiya iyo shacabweynaha ku nool magaallada Jigjiga, oo runtii si aad iyo aad u weyn oo u xushmad badan noogu soo dhaweeyey, markii aynu booqashada ku tagnay magaallada Jigjiga," ayuu yiri Cabdisamad.

"Waxaa kale oon jeclahay inaan hambalyo iyo bogaadin u jeediyo madaxweynaha cusub, oo loo doortay dowlad deegaanka Soomaaliyeed, Cabdi Maxamud Cumar, anigoo u rajeynaya in Illaahey ku guuleeyo xilkiisa ay umaddiisa ku aamintay, isagoo u horseedi doono sida aan filayo horumar iyo nabadgalyo waarta," ayuu carabka ku adkeeyey Cabdisamad.

CakaaraNews

Radio

Wararkii kudhaafay tvgan yar hoostiisa kadooro

You must have the Adobe Flash Player installed to view this player.

Lorem ipsum dolor

Lorem ipsum dolor sit amet, consectetur adipisicing elit, sed do eiusmod tempor incididunt ut labore et dolore magna aliqua.Ut enim ad minim veniam, quis nostrud exercitation ullamco laboris nisi ut aliquip ex ea commodo consequat.

Follow Us on Twitter

twitter Bird @Cakaaranews