Golaha Qurbajooga Soomaalida Itoobiya ee UK oo baaq taageero ah u diraya Heshiiska Nabada ee dhexmaray UWSLF, ONLF iyo dawladda Itoobiya

Aniga oo ah Dr Xuseen Cali Ibraahim ahna Gudoomiyaha Golaha Qurbajooga Soomaalida Itoobiya (ESDF)  ee UK, kuna hadlay magacayga, kan golaha iyo kan guud ee jaaliyadda UK waxaan  hanbalyo iyo taageero buuxda u dirayaa nabadda ay qaateen ururadda UWSLF iyo ONLF ee ay kula heshiinayaan dawladda Itoobiya.

Waan ka wadda dheregsanahay duruufaha qalafsan ee ay soo mareen shacabka Soomaalida Itoobiya  mudadda dheer sida colaada, abaaraha iyo barakaca faraha baddan kuwaasi oo naafeeyay guud ahaan nolosha iyo horumarka shacabka, waxaan marlabaad ugu hanbalyaynayaa Ururaddan go,aanka geesinimadda ah ee ay qaateen iyaga oo u tudhaya shacabkaasi tabaalaysan.

Walaalayaal Somaalidu waxay tidhaa xabad wiil baa ku dhinta ee wiil kuma dhasho, sidaasi darted waxaad nabad ku weydo colaad ku helimaysid, maantana waan la soconaa aduunku meesha uu marayo in wadamadda Yurub badankoodu ay ku midoobeen dhinaca dhaqaalaha, siyaasadda, nabad gelyada iyo waxyaabo baddan oo kale, markaa waxaan leeyahay way dhamaatay xiligii qoriga la isticmaalaayey ee waxaan leeyahay maskaxdu ha shaqayso.

Marka xiga Soomaalidu waxay tidhaa walaalo qoloobay amaa way xoolo yareeyaan ama way xabaal badiyaan, sidaasi darted waxaa ina wada saran masuuliyadda guud sidii loo midayn lahaa shacabka gudo iyo dibadba oo looga saari lahaa kala qaybsanaanta iyo khilaafka dhexdooda ah laguna fikiro sidii aan uga qayb qaadan lahayn horumarka, dib u dhiska iyo nabad gelyadda dalkeena iyo dadkeena.

Dhinaca Masuuliyiinta Kililka waxaan ugu hanbalyaynayaa dadaalka ay wadaan sida horumarka, nabadgelyadda, waxbarashadda, caafimaadka, biyaha, wadooyinka iyo wixii lamid ah; waxaan leeyahay ha ka daalina masuuliyadda aad u haysaan dadka iyo dalkaba, waxaa iga dardaaran ah inaad ka fogaataan cadaalad darada, eexda, ninjeclaysiga iyo hantida shacabka oo la lunsaddo kuwaasi oo keeni kara burbur iyo dib u dhac ku yimaada bulshada ismaamulka Soomaalida, waa in aan ku fikirnaa siddii aan ula tartami lahayn qoomiyaddaha kale ee Itoobiya waxna ula qaybsan lahaayn.

Ugu dambayn waxaan ugu baaqayaa garabka kale ee jabhadda ONLF iyo dawladda Itoobiya in ay miiska wada xaajoodka wada fadhiistaan; waxaan ka codsanayaa garabka kale ee jabhadda ONLF in ay ku dayato ururka UWSLF iyo Ururka ONLF oo qaatay talaabo geesinimo leh oo lagu badbaadinayo shacabka ismaamulka soomaalida.

Waxaan u rajaynayaa shacabka ismaamulka somaalida Itoobiya gudo iyo dibadba midnimo, cadaalad,horumar iyo barwaaqo.

Wixii talo iyo tusaale ah waxaad igala soo xidhiidhi kartaan Emailka hoos ku qoran.

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

Radio

Wararkii kudhaafay tvgan yar hoostiisa kadooro

You must have the Adobe Flash Player installed to view this player.
aaaaaaaaaaa
aaaa
bbbb
cccccc

Lorem ipsum dolor

Lorem ipsum dolor sit amet, consectetur adipisicing elit, sed do eiusmod tempor incididunt ut labore et dolore magna aliqua.Ut enim ad minim veniam, quis nostrud exercitation ullamco laboris nisi ut aliquip ex ea commodo consequat.