DHAMBAAL HAMBALYO IYO TAAGEERO: DALLADDA JAALIYADAHA SOOMAALIDA ITOOBIYA EE MIDOWGA YURUB

Brussels, 17 July 2010: Maalintii Sabtida, ee 17ka Luulyo waxaa magaalada Brussels ee waddanka Belgium isugu yimid wakiillo ka socda qaar ka mid ah Jaaliyadaha Soomaalida Itoobiya ee waddamada Midowga Yurub, shirkaas oo lagaga dooday sidii dibuhabay iyo dardar galin loogu samayn lahaa jaaliyadaha ka jira waddamada ku jira Midowga Yurub iyo sidii iskaashi iyo wada shaqayn joogto ahu uu uga dhaxayn lahaa jaaliyadaha iyo waliba Dawladda Deegaanka Qawmiyadda Soomaalida iyo Dawladda Dimuqraadiga ee Xidhiidhka Itoobiya.

Kulanka oo ay ka soo qayb galeen wakiillo ka socda lix waddan, isla markaana ay khadka telefoonka kaga qayb galeen dhawr xubood oo kale, waxaa waxyaabaha la isla soo qaaday ee la iskuna afgartay ka mid ah arrimahan hoos ku qoran:

1. Jaaliyaduhu, iyagoo ka duulaya dadaalikii badnaa iyo waxqabadkii uu muujiyay Mudane Cabdi Maxamuud Cumar intii uu hayay xilka Hoggaanka Caddaaladda iyo Nabadgelyada, doorka uu ka ciyaaray nabad iyo xasiloonida deegaanka, wadahadallada dibuheshiinta iyo waliba xidhiidhinta qurbo-joogta, waxay si kal iyo laab ah ugu hanbalyaynayaan Mudane Cabdi Maxamuud Cumar xilka cusub ee loo doortay ee Madaxwaynaha Dawladda Deegaanka Qawmiyadda Soomaalida. Sidoo kale waxay jaaliyaduhu ugu hanbalyaynayaan Golaha Baarlamaanka Deegaanka iyo Xisbiga Dimuqraadiga Shacbiga Soomaalida Itoobiya sida xilkasnimada leh ee ay u doorteen mas’uul u qalma xilka madaxwayne ee Deegaanka. Waxaa kale oo ay ugu hanbalyaynayaan shacbiga Deegaanka hogaamiyahooda cusub.

2. Waxay jaaliyaduhu si buuxda isugu afgarteen in si toos ah, oo aan hagar lahayn loo taageero, loolana shaqeeyo Madaxwaynaha cusub, Dawladda Deegaanka iyo tan Xidhiidhka Itoobiya. Iyadoo hiil iyo hooba lagu garab istaagayo hawlaha nabadda iyo horumarinta Deegaanka iyo sidii looga hortagi, loolana dagaalami lahaa wax kasta iyo cid kasta oo liddi ku ah danaha shacbiga Deegaanka.

3. Waxay jaaliyaduhu isla garteen dhismaha dallad ka dhaxaysa iyo inay iskaashi iyo wada shaqayn joogto ah yeeshaan, si joogto ah isu dhaafsadaan akhbaarta iyo afkaartooda kala gaddisan. Cududoodana mideeyaan, si wax muuqda loogu qaban karo shacbiga deegaanka ay ka soo jeedaan.

4. Waxay ugu baaqayaan jaaliyadaha waddamada kale ee Midowga Yurub in ay iyana ku soo biiraan dalladdan, taageeraan nabadda iyo horumarinta iyo dawladda cusub ee Deegaanka laga dhisay.

Wakiilada ka soo qayb galay kulankanu waxay kala ahaayeen:

1. Maxamed Cabdi Gurxan        Afhayeenka Dalladda Jaaliyadaha Soomaalida Itoobiya ee Midowga Yurub
2. Maxamed Mursal Shiil           Wakiilka jaaliyadda S. I. ee waddanka Holland
3. Cabdinaasir Xasan Dubad     Wakiilka jaaliyadda S.I. ee waddanka Belgium
4. Xamsa Yaasiin (Xagar-yare)  Wakiilka jaaliyadda S.I. ee waddanka Germany
5. Muxsin Cali Dubad               Wakiilka jaaliyadda S.I. ee waddanka Finland
6. Dr. Xasan Xaaji Barre           Wakiilka jaaliyadda S.I. ee waddanka Denmark

Radio

Wararkii kudhaafay tvgan yar hoostiisa kadooro

You must have the Adobe Flash Player installed to view this player.
aaaaaaaaaaa
aaaa
bbbb
cccccc

Lorem ipsum dolor

Lorem ipsum dolor sit amet, consectetur adipisicing elit, sed do eiusmod tempor incididunt ut labore et dolore magna aliqua.Ut enim ad minim veniam, quis nostrud exercitation ullamco laboris nisi ut aliquip ex ea commodo consequat.