175 Hogaamiye Dhaqameedka Degaanka Soomaalida oo Hambalyo & Bogaadin U Diray Madaxwaynaha Degaanka Soomaalida

Jigjiga (CakaaraNews) In ka badan 175 Hogaamiye Dhaqameedka Degaanka Soomaalida oo isugu jira Garaado, Suldaano, Ugaasyo, Cuqaal & nabadoono ayaa hambalyo & bogaadin u diray Madaxwayanaha Dawlad Degaanka Soomaalida Mudane Cabdi Maxmuud Cumar.

Waxaa hogaamiye dhaqameedku ay Madaxwaynaha Cusub ee Degaanka Soomaalida Mudane cabdi Maxamuud Cumar ugu hambalyeeyeen xilka wayn ee uu u qaaday sidii uu shacabka Degaanka Soomaalida horumar & nabad waaarta uga hirgalin lahaa.

Sidoo kale, waxay hogaamiye dhaqmeedkaasi ay sheegeen inay ku faraxsan yihiin hawlaha wada hadalada nabadeed ee ka dhex socda Dawlada Itoobiya & Ururka ONLF.

Baaq ay soo saareen hogaamiye dhaqameedka, cuqaasha, odayaasha, culima-u-diinka Degaanka Soomaalida ayaa ku sheegeen in ay aad u soo dhaweenayaan wada hadalka heshiiska nabada ee ka dhex socda Ururka ONLF oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha Salaaxudiin Macoow iyo Dawlada Jamhuiuriyada Dimuqraadiga ee Federaalka Itoobiya.

Waxaa kale oo ay hogaamiye dhaqameedku ay aad u bogaadiyeen talaabooyinka niyad dhiska ah ee Xukuumada Degaanku ay cafiska ugu fidisay maxaabiista, iyagoo sheegay in ay tahay talaabo dhanka wanaaga ay xukuumadu u qaaday.

Odayaasha Baaqa soo saaray ayaa waxaa ka mid ahaa kuwa magacyadoodu hoos ku xusan yihiin:-

    * Garaad Maxamuud Dool
    * Ugaas Maxamed Axmed Siciid Cirro
    * Gaboobe Daahir Nuur
    * Cabdiqaadir Axmed Hurre
    * Ugaas Badal
    * Yuusuf Kaahin
    * Suldaan Cabdulaahi Galool
    * Garaad Cabdiqani Cusmaan
    * Ugaaas Cabdisalaan
    * Ugaas Maxamed Badal
    * Sheekh Muxiyadiin Sheekh Maxamed
    * Ugaas Axmed Xaaji Cumar
    * Ugaas Diiriye Ugaas Askar
    * Ugaas Maxamed Ugaas Faatule
    * Suldaan Maxamed Xasan Gabaaba
    * Suldaan Cabdiraxmaaan Duulane
    * Suldaaan Cabdiraxmaan bade
    * Suldaan Aadan Yuusuf Taani
    * Xirsi Ismaaciil Muuse
    * Sheeklh Axmed Yuusuf Ismaaciil
    * Xaaji Maxamed Ibraahin
    * Ugaas Xasan Suldaan Biixi
    * Maxamed Xaaji Ciise
    * Sheekh Cabdulaahi Yare
    * Suldaan Badal Daahir
    * Ibraahin Sheekh Ismaaciil
    * Maxamuud Muxumed Axmed
    * Suldaan Cabdi Qani Axmed Dheeg
    * Suldaan Shaqale Cali Dheere
    * Suldaan Axmed Nuur Cabdiraxmaan
    * Axmed Raabi Yeey
    * Suldaan Buseeri Nimcaan
    * Garaad Axmed Rashiid Af Waranle
    * Caaqil Qiyaas Xuseen Nuur
    * Axmed Xaaji Cumar
    * Axmed Yuusuf Ismaaciil
    * C-qaadir Axmed Hure
    * C-qaadir C-laahi Daahir
    * Caaqil Seeraar Nuur Xirsi
    * Halgame- C-laahi Gamaas Xasan
    * Sh-Muxiyadiin Sh-Maxamed Sh-Muuse
    * Suldaan Badal Suldaan Daahir Suldaan Ismaaciil
    * Suldaan C-casiis Suldaan Maxamud Haybe
    * Suldaan Farxaan Maxamed Macalin
    * Suldaan Maxamed Xasan Gabaabe
    * Suldaan Xasan Suldaan Biixi
    * Suldaan Yuusuf Kaahin Yuusuf
    * Ugaas C-salaan Ugaas Muxuxmed Ugaas Cumar
    * Ugaas Cabdi Ugaas Maxa'ed
    * Ugaas Haaruun Ugaas Dacar Ugaas Bucul
    * Ugaas Maxamed Badal Ugaas Cabdi
    * Ugaas Nuur Cali Rooba
    * Xaaji Maxamed Ibraahim Muxumed



& kuwo kale

CakaaraNews

Radio

Wararkii kudhaafay tvgan yar hoostiisa kadooro

You must have the Adobe Flash Player installed to view this player.
aaaaaaaaaaa
aaaa
bbbb
cccccc

Lorem ipsum dolor

Lorem ipsum dolor sit amet, consectetur adipisicing elit, sed do eiusmod tempor incididunt ut labore et dolore magna aliqua.Ut enim ad minim veniam, quis nostrud exercitation ullamco laboris nisi ut aliquip ex ea commodo consequat.