Fanaanka Caanka ah ee aadka loo wada yaqaan ee Cabdala Yuusuf Hanuuniye ayaa hambalyo & Bogaadin u soo diray Madaxwaynaha Cusub ee Degaanka Soomaalida Mudane Cabdi Maxamuud Cumar, isagoo uga hambalyeeyay xilka wayn ee loo magacaabay.
Fanaan Cabdala Yuusuf Hanuuniye waxaa uu Madaxwaynaha Mudane Cabdi Maxamuud Cumar Eebbe uga baryay in xilka & waajibaadka balaadhan ee uu qaaday Ilaahay ku asturo.
Dhanka kale, waxaa uu Fanaan Cabdala Yuusuf Hanuuniye salaan kal & laab ah u soo diray Madaxa Xafiiska Warfaafinta Dhaqanka & Dalxiiska ee Dawlad Degaanka Soomaalida Mudane Guuleed Casoowe, isagoo uga mahadnaqay sida xil kasnimada leh ee uu uga qayb qaatay kobcinta suugaanta & dhaqanka shacabka Soomaalida.
Sidoo kale, waxaa fanaan Cabdala Yuusuf Hanuuniye uu sheegay inuu filayo inuu Madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar noqdo madaxwaynihii wax wayn ka tara Ilaalinta & kobcinta Dhaqanka, Fanka, Hidaha & Suugaanta dhamaan Soomaalida.
CakaaraNews