UK (CakaaraNews)waxay si buuxda u taageereysaa Heshiiska nabadeed ee uu Ururka UWSLF la galay Dowlada Ethiopia anaga oo ah Jaaliyada Soomaalida Ethiopia ee ku dhaqan scandenevianka gaar ahaan Dalka Sweden kuna hadleyna dhamaan xubnaha deegaanka ka soo jeeda ee ku dhaqan dalal kaas bahwadaaga ah
Waa Heshiis taariikhi ah oo abid soo mara Umadda Deegaanka Soomaalida taas oo ka timid go'aankii geesinimada ee ururka UWSLF iyo dadaalkii Xukumadu ay ugashay in ay dalka ka dhaliso nabadgalyo waarta iyadoo ay shacabkeeduna la garab galeen waxaana dhihi karaa waa horumar weyn oo laga sameeyey dhinaca Dublamaasiyadda,Siyaasada,Horumarka iyo midnimada.
Waxaan ku farax sanahay labada wiil ee walaalaha ee shalay cadawga isku ahayd maantana gacmaha is haysta inta ka maqana waan ugu yeedheynaa waana raadineynaa waxaana rajeyneynaa inuu noqdo wakhtigii ay Umadayadu midoobi lahayd wakhti xaadirkan waaga cusubi kadhashay deegaanka
Waxaan ugu hambalyeyneynaa dadaalka xawliga ku socda ee ay wado xukumada cusub ee Madaxwaynaha DDS Mudane Cabdi Maxamud Cumar iyo Ururka UWSLF oo muujiyey hogaamin karti uleh inay ku hadasho kuna hagto waxa Umadeedda Danni ugu jirto,danta Umaduna ay kala weyn tahay dan shaqsi iyo mid shisheeyaba
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.
cakaara news stockholm
Eng Cabdi xaliim