Labada magac guud ee “Nabad iyo colaad” waa kuwo aad u da’
wayn, lana
kowsaday jiritaanka aadanaha. Ka hor intaan taariikhda la qorin,
xilli-taariikheedyada loo yaqaanno “Waayadii arahsiga” iyo “Waayadii
ugaadhsiga” dadka waa ay dhexmari jireen colaad iyo nabad labaduba,
balse hadba midka ay doortaan labada qolo ee is haysaa, ayay dhaqayadeed
maali jireen.
Kuwa colaadda doorta, waxay u badnayd, in ay labaduba tirtirmaan ama in midkood la jabiyo oo la gumeeyo. Kuwa nabadda doorta, waxay u badnayd, in labaduba badhaadhaan oo nabad ku wada noolaadaan. Waayadaas, aaladaha iyo xeeladaha dagaal ee la adeegsan jiray waxay ahaayeen kuwo waxyeeladoodu aad u yar tahay, una kooban tahay.
Nabaddu
waa danta shacabka. Haddana, si nabad buuxda loo helo, xilka ugu
horeeya, uguna waynu wuxuu saaran yahay waa shacabka deegaanka. Wuxuu
saaran yahay muwaadin kasta oo u dhashay deegaanka, kuwa dalka gudihiisa
ku nool (reer guuraaga, tuulo joogta iyo degmooyinkaba) iyo kuwa
qurbo-joogta ah ee dibadaha ku nool, labadaba. Si nabad raagta loo
gaadho, dadkuna uu u hiigsado horumar iyo badhaadhe, waxaa lagama
maarmaan ah in dhammaan laga wada qayb qaato sugidda ammaanka.
Hadaba, akhristoow, waxaan halkan idiinku soo bandhigaynaa Gabay Cusub. Gabaygan uu ugu magac daray “Nabadi waa door” waxaa tiriyay Hal Abuur Maxamed Cabdi Gurxan, 8dii bisha Agoosto ee Sannadka 2010.
Gorgor yohow daanshoonahayee samada duulaaya
Adigaan
daruuraha cirkiyo duudo ku celinayne
Adigaan delli iyo ka
dhicin dawyo dhaadheere
Dalkii adigaa durba gaadhiyoon dhexna
ku daahayne
Adigaa waxaan kuu dirsado daacad ii fuline
Hadalka
adigaan doorinayn dulucda maansadane
Daa’imkaan duraamani in
aad nabad dawaaftaaye
Duddooyinkii Nogbeed iyo Jigjiga
Dig iyo Baareyda
Dohdii Awaare iyo Dannood
Doollo idilkeedba
Dahare dooxii Iimeey iyo Godey
wabiga daantiisa
Degdeg fariintan iiga gee gabayga oo
diiran
Ina Daahir iyo waxaad tidhaa duurgal horintiisa
Dalaabid
aan dhammaan dadkay daawadood noqotay
Deeqida dadkaa wada
noqdee loo dardaar weriyo
Daharkii ay lahaayeen dadkaa
dacarta loo mariyay
Dadkaa dayro dhawr eef ka badan dayac ku
soo raagay
Een duunyo xoolaad dhaqane caydha dalandooli
Ee
dagaag inay wada noqdaan daaduf meeraysta
Dadabsiga dadkaas
lagu dhuftaye dawinta loo jeexay
Dadkaa lagu sii diganahayee
dawga laga tuuray
Ee duqay garaad lahayd dabamartiyo caaqil
daadihiya
Dabro taagan waxaa lagu hayee sii dacgabinaaya
Daawaysi
maxaan loogu dayin dujin intaad dhawran?
Waxaad dooni kaad
duudsiyi ka daran daacad hadalkiiye
Duunkiyeel inaad daba
gashaan idinkoo diimoon ah
Duuflaal maxaa idinka dhigay
taladii loo diiday?
Daa’iro marbay kugu dhacdaayoo nuro ku
diidaaye
Darxumana mid baad doorataa midina waa daw e
Duulkaad
jeer is hayseen haddii daaqad laga saaro
Dakano waa hore tii
ahayd haddase duugoowday
Durqumadeed waxaa kaaga roon ama dan
loo qaatay
Dabarliic adigoon dagan ahayn ama diyo u xaydxaydan
Doonta
iyo naakhuudaha inaad dakhalkii noqotaate
Nimanka raaskii
dumaalayee daabbad kooraystay
Dibrin hore dhaxdiinaa ma jirin
lays digdhaway jeere
Dulman baad dhaax wada ahaydeen qoloba
daanteede
Dawliskii hadday iyagu qabteen ama darkii ceelka
Balse
inay kuu doojiyaan wabaxna aad daaqdo
Ood danaanaha isu
gashaan dalladda hoosteeda
Is dugaashi nimankii dalbayee wax
idinla doonaayay
Dabbaan salkii in laga arkiyo diirad shiish
gaaban
Dafdaflayn bay eedday xaajadaan daymo loo badine
Dunidu
sabanba waa nooc dar iyo dabci u gooniyahe
Dunnada kuwii
nala dhacaye duudsi nagu raagshay
Dululaati soow kuwa ka baxay
waliba daanyaysan
Dulan wixii shalay kuu ahaa doobir kuu
noqoye
Soow taa xaqii daahirayee yimid duleedkiinna
Deegaanka
soow taa la dhisay dawlad idiin gaar ah
Soow taa korkiinna
loo dallacay calankii dookhiina
Soow taa xadkuu dalkiinii
lahaa qalinka lagu duugay
Soow taa degmo iyo gobol dunjiyu
mudane soo dooran
Soow taa dadkiinoo madaxu xukunka daadihiyay
Soow
taa diintii dhaqan iyo hiddaha ubadku daalacayo
Soow taa afkeenoo
daabacan dugsiga darsi lagu siini
Soow taa taariikhdiinii
dihnayd daaha laga qaaday
Soow taa wixii Dhergigu dafiray lagu
damaashaadi
Doxore iyo dowdar lama noqdee waxaa dabuubtii ah
Waxaad
dooyo u soo marteen dikhood degelka ciidiinu
Dooddi iyo dayac
shaallee ma galo danbarkan uu dhiiqay
Gurxan dirgaday
danankiyo daryaan aar dinaahini dheh
Dubbad wiilkii lagu
curtiyo dayax laba qarsoonaa dheh
Dambasamo mahiigaan da’ana
badhaha dayreed dheh
Kalaguur mayay daad dhigiyo dabshid
colaadeed dheh
Wadar bisha iyo ururka dagana toddob dillaankii
dheh
Dammani barbaar kuududa daleel ardaal dadabgalkii dheh
Danyar
iyo dalandal kii ururshaa dirac lagu hirtaa dheh
Darab iyo
halganka aad dugsani dibudhac weeyaan dheh
Qaarna dila qaarna
didiya idinna dallici maysaan dheh
Damiir laawe iyo inta daba
gashiyo danayste yeelkii dheh
Diihaal iyo colaad baa darane
nabadi waa door dheh