Qurbo-joogta ku dhaqan Putland oo Hambalyo iyo Bogaadin udiraya Madaxweynaha DDS Mudane Cabdi Maxamud Cumar

Anigoo ku hadlaya Magaca Beesha Gerikoombe ee ku nool Dowlad Goboleedka Puntland, waxaan halkan Hambalyo iyo Bogaadin uga dirayaa Madaxweynaha DDS Mudane Cabdi Maxamud Cumar iyo Golihiisa Xukuumadda iyo Shacab weynaha DDS, waxaan aad u soo dhaweyneynaa wax qabadka muuqda ee ay ka sameeyeen DDS iyo ururada nabada qaataysida ay usoo dhaweeyeen cidkastoo diyaar u ah nabada iyo wada hadalka nabadeed ee ay ku hawlantahay dawladu iyadoo muujisay daacad iyo ka go naan muuqata dhinaca kale ee horumarkana ay u horumarisay sida isbitaalaadka, Jaamacaadka, Jidadka & Iskoolada iyo dhinaca Amniga.
Jaaliyadu waxay isku ababushaa sidii ay ayo katalinta iyo xoojinta arimaha amniga ee dhankooga kaga aadan ay wax uga qaban lahayeen iskuna ababuli lahayeen ugana qayb gali lahayeen arimaha maalgashiga fursadaha dihin ee dhankooga sidii ay wax muuqda uga qaban lahayeen isla markaana unoqon lahayeen isku xidhka labada wadan iyo inay keenaan ganacsatada ku dhaqan ismaamul goboleedka butland ee danaynaysa in ay ka qayb galaan sidii ay badeecadahooda ugadhsiin lahayeen guud ahaan dalka Itoobiya ayaanu falawgeeda ku jirnaa inaanu noqono furihii iyo dadkii isku xidhi lahaa inaan noqono anaguna guud ahaan bulshada ku dhaqan magaladan boosaaso ee kasoo jeeda DDS anu dalad midaysa usamaysan lahayn, isagana war hayn lahayn midba midka kale ugacan qaban laha.
Waxaan kaloo kula dardaarmeynaa bulshada ku sugan dalka gudihiisa in ay shacab weynuhu ay kala shaqeeyaan DDS amaanka Dalka iyo Horumarka Deegaanka & Wax kastoo baahi ah oo ka timaada DDS.
Talo soo jeedin dhinaca Dowladda.
Waxaan talo ugu soo jeedineynaa wax kasta oo dowladdu u qaban karto shacabkeeda dhinac horumarineed oo dhaqaale ah, dhinac waxbarasho & wax alle iyo wixii ay u heli karto oo kaalmo dibadeed iyo mid guda ah in ay dadka iyo dalkaba ku hormariyaan.
Mahadsanid
Suldaan C/wahaab Sh. Axmed Allaale