HAMBALYO "Abshir,Abshir" Warsan iyo Weedhsan TV Cusub ee Deegaanka Madaxweyne dareen loo dadkiisii u istaagoo beentii Soo duuboow HAMBALYO.
Dhammaantiin hambalyo golayaasha deegaankee ummadda daadihinaayoow.Dhamaantiin hambalyo xubnaha heer federaaloow.
Dhaamtiin hambalyo bulshadii waddankaay . Waddankiiyoow laftigaaguna hambalyo. Dhammaantiin hambalyo warbaahintii waddankee wararka soo tebinaysaay.
Hambalyo walaalihii Webabkoodu ummadda ay wax tareenoow.TV-gii waad ku sinteen,ummaddu way idin xasuusan oo xiiso weyn baa laydiin hayaa, ee halkiinii yaanay banaanaan oo bartaa uun heedhe ka sii wada!
Hormood kaad ku jirtaan oo horseed baad ka tihiin horumarkaas eegga la gaadhay. Ee warbaahintiin ha samaato,samo bixintii waad wadaan ee HAMBALYO.
Dadku way sugayeen Warbaahintaa eegga la haysto ee hawada soo gashay haatan iyo taa soo socotee saxansaxadeedii na salaantay . Sida aad hadda yeesheen ee UNVERSAL ay ugu Adeegtay ummaddeennii maqnayd ee dibadahaas joogeen ogayn Dalku suu yahay haatan durbadiiba su,aalaa samadaa isku shareeray.
Tu kalaase ka weyn oo waa TV uu yeeshay deegaanku ee dadku aad ugu baahnaa mar haddii aad daah furysaan oo dunidoo dhan laga daawan dhawaan.
Beenay ku hadh saw ma aha? Ku Hadh Weeye Alleelaha!"waa siday tahay" Beenay Ku Hadh !hooy Barteed mari eegga? Hoos dambee kuuma yaal iyo gegi aad hadhsatoo dadka aad hoog uun ugu sheegto.
Beeneey waa run, xagee baad beegsan hadeer? Buulkee baad geli doontaa ?
Runtii baa badisoo Beentii way barro waydey,oo birmad weyday u hiiliya!
Bishaaradaas khayrka leh ee bulshadii soo gaadhay haddeer aad baa loogu buseelay.
Beeni raad ma leh.
Bulshadu kaa ay sugayso, ee ay beegsanayso dhammaan bilicdiisa ilaasha!
Bidhaantiisu wanaag iyo bar aan saxar lahayn ha ahaato!
Baahinta Codkiisuna mid aan googo lahayn iyo saafi ha ahaato!
Barbaarta soo tabinaysaa Asluubtii dhaqameed iyo Aqoon fiican ha la haato!
Barnaamijyadaa loo qorsheeyayna kuwo Beenta Salgooyoo bulshadii la wareegtoo loo bogay ha ahaadaan!
Hambalyadaa naga hooya Halyeeyadii waddankee hawshaa soo fulyoow.
INTII AY DHEGAHOODU HADALKAA KU FARXAYSAAY
Hambalyaan idin Leenahay oo Hambalyaan Idin leenahay halkii aad hadda joogtaanba.
Abdirashid Olad(Shabeel)
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.