Qulqulka Fanaaniinta Soomaaliyeed ee Xarunta DDS ayaa Noqotay Mid Dhawaanahan isa Soo Taraya

altJigjiga (CakaaraNews ) Koox Faneed uu hogaaminayo fanaanka weyn ee Cumar Shooli ayaa soo gaadhay Magaalada Jigjiga ee Caasimadda DDS.

 Hadaba Fanaankan wayn ee caanka ah Cumar Cabdilaahi Shooli ayaa dhawaanahanba joogay Dalka isagoo ku sugnaa Magaalooyinka sida Adis-ababa iyo Dire-dhaba halkaas oo uu ka qabtay bandhig faneedyo kala duwan.

Shabagada CakaaraNews oo waraysi layeelatay Fanaan Shooli mar uu soo gaaray Xarunta Dhexe ee Shabakadda ayaa wax ka weydiisay ujeedada socdaalkiisa isagoo u sheegay in uu damacsanyahay in Magaalada Jigjiga ka dhigo Bandhig Faneed uu ugu magac daray ''HABEENKII JIGJIGA IYO MADAALAHII WAABARI''.

Fanaan Cumar Shooli ayaa waxaa socdaalkiisan ku wehelinayay kooxdiisa ''SHOOLI BAND'' oo iyaguna kala qayb qaadanaya Bandhig Faneedkan.

Bandhig Faneedkan ayaana lagu beegay 14-Feb-2011 Maalinta Caalamiga ee Jacaylka, iyadoo lagu Qabandoono Mashraxa Sayd Maxamad Cabdule Xasan ee Caasimada Magaalada Jigjiga wakhtigan oo ku beegan Habeenimada Isniinta 7:00 Fiidnimo.

Waxaana Bandhig Faneedkan qaban qaabaddiisa iyo hirgalintiisaba gacan ka geeysanaya Kooxda Fanka iyo Suugaanta DDS ee Wadane Star Band, iyagoo wada jir u sheegay in ay Maqsuudin doonaan Bulshada Fanka jecel ee ku nool Magalada jigjiga, iyadoo ahayd bishii Janaury markii uu Fanaanka weyn ee Boqorka Codka Maxamad Saleebaan Tubeec uu Bandhig Faneed lagu maamusay, SANADKA CUSUB ''HABEENKII BOQORKA CODKA IYO JIGJIGA''

alt

Radio

Wararkii kudhaafay tvgan yar hoostiisa kadooro

You must have the Adobe Flash Player installed to view this player.

Lorem ipsum dolor

Lorem ipsum dolor sit amet, consectetur adipisicing elit, sed do eiusmod tempor incididunt ut labore et dolore magna aliqua.Ut enim ad minim veniam, quis nostrud exercitation ullamco laboris nisi ut aliquip ex ea commodo consequat.

Follow Us on Twitter

twitter Bird @Cakaaranews