G. QURBA JOOGGA DDS EE BOQORTOOYADA BIRITAYN OO BAAQ TAAGEERO U DIRAYA MADAXWEYNE CABDI MAXAMUUD CUMAR ANSIXINTII DEGMOOOYINKA

UK (Cakaaranews) Aniga oo ah Dr Xuseen Cali Ibrahim,  ahna Gudoomiyaha Golaha Qurba Joogga Soomaalida Itoobiya ee dalkan Boqortooyqda Biritayn, kuna hadlaya magacayga iyo kan jaaliyadaba, waxaan halkan taageero iyo hambalyo qaali ah ugu dirayaa  madaxweynaha degaanka ismaamulka Soomaalida Itoobiya mudane Cabdi Maxamuud Cumar go’aanka taariikhiga ee   baarlamaanka deegaanku ku ansixiyay cod buuxa 15ka degmo , 3da madaxweyne ku xigeen iyo go’aamada kale ee muhiimka ah.  Aniga oo aad uga dharagsan madaxweynaha deegaanka mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ah shaqsi daacad ah, hawl kar ah, go’aan adag leh, balanka uu qaadana fuliya, islamarkaana ay ka go’an tahay In uu dadkiisa iyo dalkiisaba gaadhsiiyo horumar la taaban karo muddada uu xilka madaxtinimada hayo; waxaan  u rajaynayaa In xilkaasi culus ee uu umadda u hayo Ilaahay u fududeeyo.

Waxaan hambalyo tan lamid ah u dirayaa baarlamaanka deegaanka Soomaalida oo cod buuxa ku ansixiyay dhammaan arrimihii uu madaxweynuhu soo hor dhigay sida 15 degmo, 3da madaxweyne ku xigeen, qorshaha shanta sano ee soo socota deegaanka waxqabadkiisa ah, gaar ahaan dhinac horumarka, arrimaha bulshada sida caafimaadka, waxbarashada, biyaha, beeraha, isgaarsiinta, jidadka iyo nabadgelyada. Waxa uu baarlamaanka deegaanku ka gudbay xiligii kala qaybsanaanta iyo nin jeclaysiga, waxaana ka go’an inay dadkooda iyo dalkooda wax u qabtaan si wada jir ah, waana runtii arrin amaanteeda mudan.

Dhinaca seddexda madaxweyne ku xigeen ee kala ah mudane Aadan Faarax, mudane Dr. Suldaan Weli iyo Mudane Axmed­­- deeq Maxamed Cabdi oo runtii ah niman da’ yar oo aqoonyahano ah, horayna u hayay xilal culus oo wasiiro ah, kana tirsan golaha dhexe iyo kan golaha fulinta ee xisbiga talada deegaanka gacanta ku haya ee Xisbiga Dimuqraadiga Shacbiga Soomaalida Itoobiya, ayaa ah kuwo lagu soo xulay kartidooda, aqoontooda iyo waayo arragnimadooda loona kala magacaabay waajibaadkooda shaqo oo kala ah Madaxa waaxda arrimaha bulshada, waaxda horumarka iyo waaxda dooxooyinka. Waxaan leeyahay Ilaahay ha idiin fududeeyo masuuliyaddaasi culus ee aad qaadeen, shacabkiinana ugu adeega si caddaalad ah mudada aad xilkaasi haysaan. 

Xagga 15ka degmo ee la magacaabay shacabka, waxgaradka, aqoonyahanka, culimaa u diinka, hooyooyinka iyo dhalinyaradda degaanadaasi ka soo jeeda waxaan kula talinayaa inay ka faa’idaystaan fursadan qaaliga ee la siiyay kana qayb qaataan isbedlka ka socda degaanka sida dhinacyada horumarka, arrimaha bulshada, dib u dhiska iyo nabadgelyada.

Aniga oo aad ugu farxay 15ka degmo guud ahaan, gaar ahaan magaaladii aan ku dhashay, ku soo barbaaray, waxbarashada ilaa aqalka lixaad ku soo qaatay ee degmada Tulli Guuleed oo runtii hodan ku ah dhinaca wax soo saarka beeraha iyo xoolahaba, tirada dadka degana ay aad u badan yihiin; kana mid noqon karta degmooyinka fara ku tiriska ah ee iskood isku filnaansho u gaandhi kara, waxaanan ku kalsoonahay in ay shacabka degmadaasi ku dhaqan fursanddan ka faa’idaysan doonaan.

Ugu dambaytii waxaan u rajaynayaa shacabka degaanka Soomaalida itoobiya gudo iyo dibadba guul, horumar, sinnaan iyo cadaalad inay ku wada noolaadaan.

Dr. Xuseen Cali Ibrahim (Gudoomiyaha Golaha Qurba Jooga Somaalida Itoobiya ee Boqortooyadda Ingiriiska).

Waxaad igala soo xidhiidhi kartaan emailka hoos ku qoran.

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

 

Radio

Wararkii kudhaafay tvgan yar hoostiisa kadooro

You must have the Adobe Flash Player installed to view this player.

Lorem ipsum dolor

Lorem ipsum dolor sit amet, consectetur adipisicing elit, sed do eiusmod tempor incididunt ut labore et dolore magna aliqua.Ut enim ad minim veniam, quis nostrud exercitation ullamco laboris nisi ut aliquip ex ea commodo consequat.

Follow Us on Twitter

twitter Bird @Cakaaranews