biyoxidheenka qarnigu waa mid muujinaya midnimadeena.xafiiska waxbarashada DDS oo ku deeqay adduun lacageed.

altJigjiga(CakaaraNews)daah inaga saarna in DFI ay ku talaabsatay koboc-dhaqaale amin kastana maskaxtuujin ugu jirto tab kastoo horumar-waara lagu yagleeli karo.

 

dareenka wadaniyadeed ee ka soo burqanaya shucuubta walaalaha ah ee itoobiya,ayaa iyana muujinaya hadba dhiiri-galinta,garab is tagida,kalsooni-galinta iyo ka qayb-qaadashada qorshayaasha hadba ay dawladu jidayso.

hadaba dds oo lagu yaqaan ka qayb-qaadasha hawlaha qaranimo ee guud ahaan ka socda dalka itoobiya,waxaana xaqiiq noqotay in doorka shacabka DDS uu ku leeyahay horumarka iyo koboca dhaqaale ee DFI hiigsanayso yahay mid muuqda.

xafiiska waxbarashada DDS oo qayb ka mida muwaadiniinta mar kastaba taageerada gudboon la garab taagan guud ahaan qorshayaasha horumarineed iyo kobaca dhaqaale ee loo yagleelayo ka faaiidaysiga waxsoosaarka dalka guud ahaan shucuubta dalka itoobiya,ayaa maanta hoolka shirarka ee sayid maxamed cabdulle xasan ku soo bandhigay muujinta taageeradooda ku aadan dhismaha biyo-xidheenka Abbay(Abbay Millenium).

munaasabadan ayaa ay ka soo qayb-galeen masuuliyiin ka tirsan hogaaminta DDS kana mid ahaayeen wasiirka warfaafinta dds mudane maxamed guure,wasiirka waxbarashada dds mudane ibraahin,maareeyaha xafiiska kuliyadaha iyo farsamada mudane maxamuud(Dirir).

sidoo kale waxaa ka soo qayb-galay macalimiin,arday iy shaqaalaha xafiiska waxbarashada DDS oo tiradoodu kor u dhaafaysay 2000.

bandhigan lagu muujinayay taageerada muwaadiniinta bahda waxbarashada DDS ayaa ay ardayda dugsiyadu ku soo bandhigeen heeso ay ugu talo-galeen biyo-xidheenka milleniumka.

wasiirka waxbarashada DDS mudane ibraahin ayaa sheegay in bahda waxbarashada dds ee ay hormuudka ka yihiin barayaasha dds iyo shaqaalaha xafiiskuba goob kasta oo ay ku sugan yihiinba ugu deeqeen biyo-xidheenka Abbay aduun lacageed oo dhan 1,268,289(hal milyan laba boqol lixdan iyo sideed kun laba boqol sideetan iyo sagaal bir).

wasiirka waxbarashada mudane ibraahin ayaa caraabay in lacagtani ay isugu jirto bil mushaara oo ay barayaasha iyo shaqaalaha bahda waxbarashadu u jareen kuna deeqeen biyo-xidheenka Abbay iyo iibsiga pundiyadaba.

dhanka kale waxaa iyana ka hadlay wasiirka warfaafinta mudane Maxamed Guure iyo lataliyaha xafiiska madaxweynaha mudane Ilyaas Cumar oo ka warbixiyay ahmiyadda balaadhan ee uu ku fadhiyo biyo-xidheenku,isla markaana manaafacaadsan doonaan kana faaiidaysan doonaan guud ahaan shucuubta itoobiya.

ka qayb-qaadashada shacabka hawlaha horumarka ka socda dalka ayaa astaan wadaniyadeed u ah kaalinta shacabka soomaalida itoobiya ay kaga jirto ilaalinta qaranimada itoobiya.

Radio

Wararkii kudhaafay tvgan yar hoostiisa kadooro

You must have the Adobe Flash Player installed to view this player.

Lorem ipsum dolor

Lorem ipsum dolor sit amet, consectetur adipisicing elit, sed do eiusmod tempor incididunt ut labore et dolore magna aliqua.Ut enim ad minim veniam, quis nostrud exercitation ullamco laboris nisi ut aliquip ex ea commodo consequat.

Follow Us on Twitter

twitter Bird @Cakaaranews