Holland (Cakaaranews) Waxaa lawada ogsoonyahay inay arday badan oo deegaanka u dhalatay ay wax kabartaan dacalada dunida iyagoo ku kala sugan heerarka kala duwan ee jaamacadaha ugu caansan wadamada horumaray.
Haddaba waxaa qoraal dheer oo dhinacyo badan taabanaya kuna salaysan tahniyad iyo taageero kuwajahan Dadaalka dheer ee ay xukuumada deegaanku ugu jirto horumarinta deegaanka iyo xasiloonida nabadgalyada deegaanka.
Ardaydan ayaa waxa ay qoraalkooda ku sheegeen inay aad ugu faraxsanyihiin isbadalka lataabankaro ee ay xukuumadu mudada yar kaga muujisay guud ahaan deegaanka soomaalida itoobiya waxayna cadeeyeen inay hiil iyo hooba lagarab taaganyihiin Xisbiga talada deegaanka gacanta ku haya ee xisbiga dimuqraadiga shacbiga soomaalida itoobiya iyo xukuumada uu xisbigu hogaamiyo oo ay ku tilmaameen inay tahay xukuumad marwalba u taagan hirgalinta qorshayaasha horumarineed ee deegaanka iyo shacabkaba islamarkaana utaagan soo afjarida hadhaaga yar ee ubo si uu deegaanku ugaadho heer boqolkiiba boqol ay nabadgalyada deegaanku sugnaato.
Ugudanbayntii Mudane Mukhtaar muxumed oo qoraalkan nasoo gaadhsiiyay kana tirsan ardayda waxkabarata jaamacada holland ayaa isagoo ku hadlaya magaca ardayda jaamacadaas waxa uu bogaadin heer sare ah usoo gudbiyay xukuumada deegaanka, xisbiga talada deegaanka haya iyo guud ahaan shacabka deegaanka wuxuuna sheegay inay dhamaan ardayda halkaas waxkabarataa ay utaaganyihiin sidii ay usoodhamaysan lahaayeen duruusta ay halkaas ujoogaan islamarkaana wadankooda ugusoonoqon lahaayeen si ay deegaankooda iyo shacabkoodaba ugaga faa'iideeyaan waxbarashada ay soo korodhsadeen walaalahooda kalana ugu abuuraan fursada waxbarasho ee ay iyagu heleen oo kale.
Mukhtaar Muxumed Jaamacada Holland