Shir lagu qabtey Magaalada London oo lagu sameeyey ururka Jaaliyadda Soomaalida Ethiopia

altLONDON - Waxaa magaalada London lagu qabtay shir ay isugu yimaaddeen ururada iyo jaaliyadaha ku abtirsada gobolka Soomaalida ee Itoobiya. Shirkan ayaa daba socday Shirar isdaba joog ahaa oo bilihii ugu dambeeyay ay yeelanayeen, xubno matelayay jaaliyadaha kala geddisan ee qurbajoogga Deegaanka Soomaalida Itoobiya ee ku dhaqan dalka Biritayn. Ugu dambeynii waxa maalintii sabtida ahayd ee 10 kii bishan lagu dhawaaqay dallad ay ku midaysan yihiin jaaliyadahaasi.

Dalladan oo lagu magacaabo Golaha Qurbajoogga Soomaalida Itoobiya (Ethiopian Somali Diaspora Forum) ayaa kulankii lagaga dhawaaqay waxa uu ka dhacay xarunta London ee dalka UK.  

Waxay xubnaha matalayay jaaliyadaha ee ka soo qayb galay shirku ay si buuxda u doorteen 11 qof oo ka kooban gudida fulinta ee ururka. Waxaa kale oo isla shirka lagu doortay saddexda qof ee ugu sareysa gudida fulinta oo kala ah:

Dr Xuseen Cali Ibraahin - Guddoomiye
Sakariye Maxamed Cumar Ugaas - Guddoomiye ku xigaanka kowaad
Muuse Maxmed Xaaji Xuseen (Sheeka-Xariir) - Guddoomiye ku xigeenka labaad

Xubnaha kale ee Golahan ayaa kal ah:

  • Axmed Sheekh Maxamed Xuseen
  • Maxamed Axmed nuur Dheeg Heebaan
  • Bashiir Suldaan Maxamuud Haybe
  • Cumar Maxamed
  • Nuur Xasan Xuseen
  • Cabdirashiid Cumar Jees
  • Dayib Cabdillaahi Cali
  • Jamaal Abdirisaaq Xaaji Maxamed

Guddoomiyaha ururka cusub Dr. Xuseen Cali Ibraahim, yaa shaaca ka qaadey in golahani aanu wax siyaasad ah shaqo ku lahayn, ujeeddadiisa ugu weynina ay tahay sidii uu uga shaqayn lahaa midnimada iyo wada jirka Jaaliyadda Deegaanka Soomaalida Itoobiya. Taas oo uu ku tilmaamay in marka hore ay tahay sidii ay danaha jaaliyadda wax ugu qaban lahaayeen, marka xigana wax u tari lahaayeen dalkooda iyo dadkooda.

Golahan oo ay ku midoobeen dhammaan jaaliyadaha Deegaanka Soomaalida Itoobiya  ee deggan dalkan Ingiriiska  ayaa ujeeddooyinkiisa ay ka mid tahay in uu ka qayb qaato dhammaan dhinacyadda horumarka sida nabad gelyadda, waxbarashadda iyo in uu qurbjoogga ku dhiiri geliyo sidii ay  maalgashi ugu samayn laheeyeen dalkii hooyo. Waxaa kaloo uu goluhu ka qayb qaadan doonaa sidii bulshadda Somaaliyeed ee Deegaanka Somaalida loo midayn lahaa oo ay wax u wada qabsan lahaayeen dhinaca dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo siyaasadda si ay ula tartamaan qawomiyadaha kale ee Itoobiya.

Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu sheegay in la dhamaystiray nidaamkii iyo xeerkii goluhu ku dhaqmi lahaa isla markaana ay ku gudo jiraan sidii loo dhammaystiri lahaa xilalka guddiga goluhu ka kooban yahay.

Guddoomiyaha ayaa waxa uu ugu baaqay dhammaan dadka u dhashay Deegaanka ee ku dhaqan qurbaha in ay ka qayb qaataan horumarinta iyo wax u qabadka dalkooda.

Dhanka kale Bashir Suldaan Maxamuud Haybe oo ka mid ah xubnaha qabanqaabada shirka isla markaana waqti badan ku soo jirey shaqada ururka lagu dhisayo ayaa sheegay, in ururkani uu ka shaqaynayo nabadda iyo horumarrinta dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Itoobiya.

Waxa uu Suldaanku intaa ku daray, in ururkani u furan yahay cid kasta oo ka soo jeeda gobolka oo diyaar u ah in shacabkooda ay wax u qabtaan, xaqoodana ugu raadiyaan si nabad ah.

Suldaan Bashir waxaa kale oo uu caddeeyey, in dhawr jeer in la baajiyey qabashada shirka balse maanta ay tahay mid lagu farxo madaama lagu guulaystay unkidda wajigii hore ee ururka.

Guddoomiyaha Golaha Qurbojoogga Soomaalida Itoobiya (ESDF) Dr. Xusen Cali Ibraahim, ayaa ugu dambeyntii isagoo ku hadlaya afka guddida iyo jaaliyada deegaanka ee U.K. waxa uu hambalyo u diray hoggaanka sare ee Ururka UWSLF tallaabidii geesinimada lahayd ee ay ku go’aansadeen in ay wadahadal la galaan dawladda Itoobiya iyagoo u danaynaya dadkooda dhibaataysan.

CakaaraNews

Radio

Wararkii kudhaafay tvgan yar hoostiisa kadooro

You must have the Adobe Flash Player installed to view this player.
aaaaaaaaaaa
aaaa
bbbb
cccccc

Lorem ipsum dolor

Lorem ipsum dolor sit amet, consectetur adipisicing elit, sed do eiusmod tempor incididunt ut labore et dolore magna aliqua.Ut enim ad minim veniam, quis nostrud exercitation ullamco laboris nisi ut aliquip ex ea commodo consequat.