Jaaliyada Soomaalida Degaanka ee Aarhus oo Sameeyay Jaaliyad Guud oo Kulmisa

Aarhus (CakaaraNews) Shir si aad ah loosoo habeeyay oo lagu aasaasayay jaaliyad kulmisa Soomaalida ka soo jeeda Itoobiya ee ku nool caasimada 2aad ee dalka Danmark iyo nawaaxigeeda, ayaa waxaa ka soo qeyb galay Odayaal, aqoonyahano, haween iyo dhalinyara ka soo jeeda dalka Etoobiya oo kunool  magaalada Arhus iyo nawaaxigeeda.

Waxaa ka mid ahaa odayaasha ka sooqeyb galay Sheekh Shaafic sh. Khaliif, Bile Xussen,  C/Rashiid yaasiin, Abdi Khaliif, C/Rashiid Jimcaale, Maxamed C/laahi, Qoraxey,  C/wahab, Maxamed, iyo akhiyaar iyo dubar iyo dhalin yaro badan oo halkan aanan kusoo koobi karin.

Waxaa kaloo ka mid ahaa aasaasayaasha,  Ugaaas Cabdiraxman Ugaas Muxumed, oo xilal kala duwan kasooqabtay Dowlad Deegaanka soomalida ee Itiopia oo ahaa madaxweynihii Dowlad Degaanka Soomaalida ee Ethiopia 1994tii, hadana kunool magaalada Aarhus ee Danmark iyo  Eng. Cabdicasiis Maxamed Ugaas Layli oo mudo badan Dalka Danmark ku noolaa, 10kiisano ee u danbeeyayna dalkii hooyo ubadnaa isagoo, kanoqday maalgaliya mashruuc beereed degmada godey 2002 ilaa 2004,  Mudadii 2006 ilaa 2008kiina ka ahaa Maareeye mashruuca horumarinta waraabka galbeedka Godey ee Dowlad Deegaanka Soomalida ee Itoobiya  si uu ugag faa iideeyo aqoontiisa dadkiisa iyo dalkiisa oo uu wax usoobartay.

Eng. Cabdicasiis ayaa si faah faahsan ugu sharxay qurbajoogata magaalada Aarhus DK, ee qaarkood aan wadanka wali arag ama iyagoo yar ay ugu danbeeysay, waayo arignimadii mudadaas uu dalka hooyo joogay, kuna dhiiri galiyay in dalkii lamaal gashado lana caawiyo iyadoo la iskaashanayo. Uguna bishaareeyay qurbajoogta deegankaa kasoojeeda   in ay ku farxaan in aynu dal qani ah leenahay, dalkuna noobaahan yahay, inaguna aanu u baahanahay, halkaana sawiro iyo cajalado shucuurta qurbajoogta kiciyay ay fursad ugu heleen inay ku .

1. Shirka oo ujeedadiisa 1aad ayaa ahayd sidii jaaliyad kulmisa qurbajoogta deegaanka udhalatay ee kunool magaalada Aarhus iyo nawaaxigeeda oo ay danahooda dalkan Danmark kuxalistaan in la sameeyo, sida dhexgalka bulshada danmark, latalinta dhalinyarada iyo dadka degaanka kasoo jeeda ee ku cusub dalka danmark, haweenka iyo ciyaalka goob  ay ku kulmaan si dhaqanka iyo diintooda ugu ilaa liyaan, iwm.
2. Ujeedada 2baadna in wadankii hooyo iyo bulshadeenii, sidii kaalinta nooga aadan ee horumar iyo nabad aanu uga soo bixi lahayn anagoo isku duuban ugana faa iideyn lahayn hay adaha horumarka u qaabilsan dalka Danmark.  

Ugaaas Cabdiraxman Ugaas Muxumed Qani ayaa ugu baaqay jaaliyada iyo qurba joogta ka soo qeybgalay shirka iyo kuwa kale  ee dibada ku nool in ay ka qeyb qaataan horumarinta  iyo maalgashiga dalkooda kana faa iidaystaan dadaalka dowlada.

Ugaaska oo hadalkaan ka jeediyey hoolka shirka ee Magaalada Aarhus dalka Danmark ayaa sheegay in jaaliyada dibada ay wax weyn u qaban karaan hadii ay si daacad iyo isku duubni ah isukaashadaan isla markaana ay gaari karaan heer ay guul weyn ka gaaraan danahooda qurbaha ay kunool yihiin iyo dalkoodii hooyaba.

Jaaliyadaha waa qeyb ka mid ah garbaha dadka Soomaalida  Itoobiya ay ku taaganyihiin, waxaana aad aanu ugu faraxsanahay dadaalka weyn iyo sida sharafta leh ee ay dowlada ismaamulka deegaanbka soomalida iyo dowlada dhexe ee Itoobiya  ay u muujisay doorka  ku aadan qurba joogta, dadaalkaas oo ay dowladihii hore aysan fulin.  Waxaa sidoo kale fursad noo ah  sida ay  dowlada ugu sameysay xafiis la tacaamulo oo lagu magacaabo xafiiska Jaaliyadaha,waxaa xaqiiq ah hadii ay jaaliyadaha maalgashi iyo mashaariic horumarineed ay dalkii kafuliyaan in waxtar muuqda iyo nolasha bulshada horumarilahayd, sidaa waxaa yiri Bile Huseen oo kamida odayaasha shirka kaqeybgalay.

Soomaalida Itoobiya ee ku nool dibada ayaa ah halbowlaha nololeed ee shacbiga  Deegaanka Soomaalida Itoobiya intooda ku harsan gudaha,waxaana bishiiba ay soo diraan qurbajoogta qurbaha kumanaan kun oo dolar kuwaas oo ay ku caawiyaan qoysaskooda.

Shirkan ayaa sidii loogutalagalay u qabsoomay, Go aamadii kasoobaxay ayaa ah sidan:

  • Waxaa la ansixiyay Xeerka lagumaamulayo jaaliyada danaheeda 2010 ilaa 2011.
  • Waxaa la ansixiyaya magaca Jaaliyada oo ah “ Dan-Etio Forening” oo macnaheedu yahay ”Jaaliyada Dan-Itio ee Danmark”
  • Waxaa ladoortay gudi kakooban 5xubnood, iyo laba xubood oo kaaliyayaal ah. Magaca gudiga waasidan
  • Cabdicasiis Maxamed Ugaas Layli                   Gudoomiye
  • Maxamed C/laahi Gudoomiye                        kuxigeen
  • C/rashiid Shimcaale Kheyr                            Xoghaye
  • Ubax Caydiid Ibrahim                                  Xubin
  • Farxiyo  Sheekh Maxamed                           Xubin
  • Faaiza Layli                                                Caawiye
  • Xassan Aden Xuseen                                  Caawiye
  • Waxaa la ansixiyey qorsho sandeedka jaaliyada oo ujeedooyinka kusaleeysan.
Gudiga ayaa wali kashaqeynaya qaab dhismeedkii Jaaliyada, kuna rajo weyn inay noqoto tii anfacdo bulshada katirsan jaaliyada iyo kuwa laqaba fikradaa ee Danmark iyo dalkii hooyaba. Waxaa sidoo kale uu gudiga ka shaqeyn sidii jaaliyadaha dibada iyo Dowladaba, si  ay mustaqbalka  iskugu xirnaan lahaayeena si ay danohooda si midaysan ugu gaaraan. Jaaliyadan ayaa ah mid ka madax banaan siyaasad, isla markaana waa faqsan xeerka jaaliyadaha ee dalka Danmark. Waxii  macluumaad ah  ee intaa kasii faahfaahsan fadlan kala xiriir  maamulka jaaliyada.

E-mail. This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

Nabad , horumar iyo barwaaqo
Maamulka jaaliyada Dan-Etio ee Danmark

Radio

Wararkii kudhaafay tvgan yar hoostiisa kadooro

You must have the Adobe Flash Player installed to view this player.
aaaaaaaaaaa
aaaa
bbbb
cccccc

Lorem ipsum dolor

Lorem ipsum dolor sit amet, consectetur adipisicing elit, sed do eiusmod tempor incididunt ut labore et dolore magna aliqua.Ut enim ad minim veniam, quis nostrud exercitation ullamco laboris nisi ut aliquip ex ea commodo consequat.