Herning (CakaaraNews) Magaaladda Herning ee dalka Denmark ayaa waxaa ka dhacay shir ay isu yimaadeen Odayaal , aqoon yahay iyo dhallin yaro . Shirkan ayaa waxaa lagu falanqeeyay xaaladda uu marayo gobolka somalida etiopia waxaa sidoo kale aad si faahfaahsan looga hadalay arimaha Nabadda iyo heshiiska dhex maray Ururuka Midowga Jabhadda Somali galbeed iyo Dowladda dhexe ee Ethiopia iyo dowladda Deegaanka ee Gobolka oo isku dhinac ah.
Odayaasha shirka joogay islamarkaana ka hadlay waxaa kamid ahaa; Ugaas Faarah bootaan, iyo oday Subeyr Cabdi karim. Waxay labaddaa oday aad uga faaloodeen dhibaatooyinka ka dhashay colaadda baahsan ee kajirta goboladda iyo deegaanka soomaalida
Xuseen baynah oo ahaa waxgaradkii shirka joogay ayaa isna aad uga falooday wanaagga ay leedahay nabaddu iyo in maanta loobaahan yahay inaan garano hanaanka nabadda iyo siyaasadaha cusub ee kajira geeska Africa.Xubanaha kale ee iyana kahadlay shirka, ahaana qababqaabiyeyaasha martida loo ahaa ayaa waxaa kamid ahaa;
1. Cashir Cabdi Shiekh Khalif shirgudoonka shirka
2. Cumar Jiirow
3. Xuseen Cabadullahi
4. Mohammed Cabdi
5. Cabdi khaliif yuusuf dhonbe
6. Ugaas faarax botaan
7. Suldan subeer c/kariim
Shirka loogu magac daray shirkii Nabadda iyo Horumarka ee Somalidda Ethiopia ee denmark ayaa waxaa iyana kahadlay goobjoogyaal kale oo dhammaan taladoodda inta badan ku dhiibtay sidii looga midha dhalin lahaa heshiiska hadda dhexmaraya ururka Somali galbeed iyo Dowladda Ethiopia.
Shirkan magaaladda Herning ka dhacay ayaa waxaa dhidibadda loogu aasay Jaaliyadd loogu magac daray Jaaliyadda Somalidda Ethiopia Ee Denmark. Waxaana loo doortay maamul hogaamiya Jaaliyadan Cusub.
Maamulka Ladoortay ayaa Waxay kala yihiin;
1. Dhuux Abdi cumar xaaji : Gudoomiye
2. Ibrahim Cabdalla :G/kuxigeen
3. Bishaar Yusuf Gamadid : Xoghayn
Ugu danbaystii waxaa shirka lagu soo xidhay Hogaanka Nabadgalyadda ee Dowladda dagaanka Somalida Mr Cabdi Maxamuud Cumar, wuxuuna hogaanku shirka uga warbixiyey howlaha Gobolka iyo in loobaahan yahay iskaashi dhexmara dadka Qurba joogta iyo dowladda deegaanka.
Shirk Jaaliyadda Somalida Ethiopia ee Denmark ayaa wuxuu ku dhamaaday jawi wanaagsan iyo Isafgarad laga gaadhay dhamaan qodobaddii lasooqaaday, waxaana lagu heshiiyeyey in labalaadhiyo fikirka Nabadda , loona howlgalo sidii looga midha dhalin lahaa Howsha Nabadda ee hadda bilaabatay, loonataageeri lahaa heshiiska dhawaan dhexmaray dowladda Ethiopia iyo Ururuka Midowga Jabhadda Xoraynta Somali Galbeed.
Waxaa shirku ugu danbaystii ugu baaqay qaybaha kaladuwan ee Bulshadda kasoo jeeda deegaanka soomalida ee kukala nool dacaladda Adduunka inay usoo jeedsadaan , taageeraana Hanaanka nabadda cusub, si loogaadho Hormar aan kaga sookabano Dhibaatooyinka Baahsan ee la soogudboonaaday shacabkeena.