Doorka Dihin ee Qurbo-Joogta Kaalinta Cosobka ah ee Xoogagga Jaaliyadaha Dibadda ee DDS ee Itoobiya By Maxamed C. Gurxan

altBooqashadii wafdigii ballaadhnaa ee ka socday Dawladda Deegaanka Qawmiyadda Soomaalida Itoobiya, uu ku kala bixiyay qaar ka mid ah waddamada Yurubta Galbeed bishii Agoosto ee kal hore, waxay abuurtay ifafaalo siyaasadeed iyo mid diblomaasiyadeed oo waji cusub leh, waxayna yididiilo galisay dad badan oo ka mid ah indheergaradka ka soo jeeda deegaankaas ee ku sugan qurbaha.

Markuu wafdigu soo gaadhay magaalada Stokholm ee caasimadda waddanka Sweden, 14kii Agoosto 2009kii, waxay muwaadiniinta nabadda iyo horumarka waddankooda jecel u ahayd maalin farxadeed. Waxayna isu diyaariyeen inay gacmo furan ku soo dhaweeyaan mas’uuliyiinta deegaankooda, ee safarka dheer u soo galay, inay wadatashi iyo warbixin ka siiyaan xaaladda guud ee siyaasad, dhaqaale iyo bulsho ee ka jirta waddanka.

Kulamadii ay xubnaha wafdigu kula yeesheen magaalooyinka Stokholm iyo London jaaliyadaha qurba-joogta ee Yurubta Galbeed, oo ahaa kuwo taariikhi ah, noocooda oo kalena aan hore loo abaabulin, waxay saamayn aad u ballaadha ku yeesheen, wax badanna ka badaleen afkaartii guud ahaanba Soomaalida dibadjoogga ah. Tallaabadan oo muujisay siday dawladda xidhiidhka Itoobiya iyo tan deegaankaba uga go’an tahay inay soo dhaweeyaan isla markaana dhiirigaliyaan jaaliyaduhu siday wax ula qabsan lahaayeen dawladda iyo dadka dalka ay ka soo jeedaan.

Sidoo kale, warmurtiyeedkii uu 18ka Abriil soo saaray madaxwaynaha Dawladda Deegaanka Soomaalida Mudane Daa’uud Maxamed Cali, ayuu isna si qalbi furan ugu baaqay shacabka deegaanka, gaar ahaanna kuwa ka shaqaysta waddamada dibaddu inay kaalin wax ku ool ah ka qaataan horumarinta dhaqaalaha iyo aqoonta dalka. Isagoo madaxwaynuhu balanqaaday inay dawladdiisu u fududay doonto muwaadin kasta oo mashaariic maalgalin ka hirgalinaya deegaanka.

Intii ka dambaysay bishii Agoosto ee sannadkii hore, waxaa shirar dib loogu dhisayo guddiyo jaaliyadeed ay ka dhaceen meelo kala duwan adduunka. Waxaan tusaale u soo qaadan karnaa:

•    Bishii Febraayo, 2010, waxaa shir jaaliyadeed lagu qabtay magaalada Capetown ee waddanka Koonfur Afrika, oo guddi maamul ay jaaliyaddu ku samaysatay;
•    Bishii Maarso, 2010, wuxuu kulan jaaliyadda maamul loogu samaynayo ka dhacay waddanka Norway;
•    Bishii Abriil, 2010, waxaa shirwayne aad u ballaadhan la isugu yimid magaalada London ee cariga Ingiriiska, oo isna lagu dhisay Guddiyo jaaliyadeed.
•    Bishii Abriil 2010, shirwayne ay isugu yimaadeen qurbo-joogta ku nool wadanka Denmark, oo lagu qabtay magaalada Herning ayaa lagu dhisay maamul jaaliyadda Soomaalida Itoobiya ee wadankaasi.

Inkastoo jaaliyadahan meelaha kala duwan laga sameeyay, intooda badan, aanay ahayn kuwo matalaya dhammaan qabaa’ilka wada dega deegaanka Qawmiyadda Soomaalida ee Itoobiya, haddana waxay arintanu muujinaysaa bislaansho iyo tallaabo cusub oo rajogalin wayn leh.

XAALADDA QURBO-JOOGTA DEEGAANKA SOOMAALIDA

Inkastoo ay jireen dad yar oo wakhti dheer ku noolaa waddamada dibaddu, haddana rasmi ahaan xoogga qurbo-joogta ka timid deegaanku waxay billaabatay intii ka dambaysay sannadkii 1980kii, markii waddamada Reer Galbeedku ay billaabeen inay dad ka soo qaadaan xeryihii qaxootiga ee ku yaallay Jamhuuriyadda Soomaaliya. Waxayna aad u sii korodhay sannadihii sagaashameeyadii kadib burburkii dawladdii Muqdisho.     
Tirada dadka asal ahaan ka soo jeeda Deegaanka Soomaalida Itoobiya ee haatan ku sugan waddanka dibaddiisa, waxaa lagu wadaa inay qiyaastii ku dhaw yihiin nus malyuun* qof. Dadkaas intooda badani waxay ku nool yihiin waddamada Yurubta Galbeed, Waqooyiga Ameerika, Bariga Dhexe, Afrikada Bari iyo Koonfur Afrika.

Iyadoon shaki ku jirin in tiro iyo tayaba ay xoog jira yihiin, haddana waxaa in badan oo qurbojoogta ka mid ah wajahay mushkilado wajiyo iyo qaabab kala duwan leh. Dhibtan oo qayb ahaan salka ku haysa marin habaabin siyaasadeed oo taariikhi ah, waxay saamayn wayn ku yeelatay in badan oo dadka dibadda ku nool ka mid ah. Qurbo-joogtu waxay u qaybsan yihiin lixdan qaybood ee kala ah:

1.    Dhab ku nool

Waxaan ku bilaabaynaa qaybta ka midka ah qurbo-joogta, oo ah kuwa ka war haya kuna nool xaqiiqada dhabta ah ee ka jirta dalkii ay ka yimaadeen iyo kan ay maganta u yihiin labadaba. Waxay aaminsan yihiin nabadda iyo horumarka waddankooda, waxayna jecel yihiin, isuna diyaariyaan inay dadkooda iyo dhulkooda wax u qabtaan, mashaariic maalgalinna ka sameeyaa, mar walbana soo booqdaan. Waxay ka soo horjeedaan cid kasta iyo wax kasta oo carqalad galin kara xasiloonida iyo horumarka deegaanka.

2.    Dhalasho-wareer

In badan oo ka mid ah qurbojoogta deegaanka wuxuu wareer ka galay jinsiyaddooda ama waddanka ay u yaqaanaan inuu yahay koodii. Waxaad arkaysaa qof ku dhashay degmo ka mid ah deegaanka Soomaalida, sida Ayshaca, Qabribayax, Xarshin, Qabridahare ama Galaadi, oo waalidkii ama qaraabadiisii inta badan ay halkaasi wali ku sugan yihiin, oo isagu isu yaqaanna inuu yahay muwaadin Jamhuuriyadda Soomaaliya ama Jabuutiyaan, ama Kenyan.

3.    Dhalan rogan

Qaybtan kale ee ka midka ah qurbojoogtuna waa kuwa waddamadii ay tageen inay ka mid yihiin isu arkay, isla markaana aan aqoonin ama is iloowsiiyay dadkii iyo dalkii ay ka soo jeedeen. Dadka noocan ahi waxay u badan yihiin kuwa muddo dheer ku noolaa qurbaha iyo kuwa ku dhashay. Waxaa badakooda ka lumay xataa afkii Soomaaliga ama lamaba barin yaraantoodii. Waxayna sheegtaan oo kaliya waddanka ay qoxootinimada ku tageen, oo si rasmi ah ugu milmeen.

4.    Dhagdhac

Waxaa ku dhacay qayb kale oo ka mid ah dadka ku nool qurbaha waxa aan ugu yeedhi karo dhagdhicidda. Qoladani waa kuwa ay ugu dambaysay Deegaanka wakhti hore, maskaxdoodana ay ka guuxayso barabagaandhii colaadaha iyo nicii jiray wakhtigaas. Wax badan kalama socdaan, mana rumaysna isbaddalka ka dhacay Itoobiya iyo dhismaha Deegaanada Qawmiyadaha. Dadkan badankoodu kuma  dhexjiraan, lamana socdaan arimaha siyaasadda ee Geeska Afrika. Waa dad xogta ay helaan ay aad u yar tahay.

5.    Dhafoorahays

Waxaa jira qayb aan tiro ahaan badnayn oo ka mid ah Qurbo-joogta, oo markii hore ay khaldeen ururada nabad-diidka ah oo ka urursan jiray qaaraanka, hadana ka salgaadhay beenta iyo sheekada dhalanteedka ah ee ay ku qadhaabtaan. Dadkani, inkastoo aysan hadda wax lug ah ku lahayn nabad-diidka, haddana waxaa wali ku jira jaha-wareer iyo kalsooni daro.

6.    Dhalanteed

Qaybtan ugu dambaysa ee qurbo-joogta, oo ah tiro aad u yar, una liidata, waxay aaminsan yihiin, kuna hamiyaan sheekada dhalanteedka ah ee ay ku qadhaabtaan nabd-diidku. Waa kooxo yar oo mashaqaystayaal ah, oo been iyo khiyaanno ku nool ah. Waxay dhex wareegaan dadka oo cidii ay khaldi karaan barabagaandho been ah u akhriyaan kana qaataan qaaraan. Lacagta ay urursadaan inta badan way qaybsadaan oo ku qayilaan.

Waxay isku dayaan inay jaaliyadaha afduubaan oo ku adeegtaan. Waxay isticmaalaan magac qabiil, si ay dadka wada dhashay u qaybiyaan oo qaar ugu danaystaan. Waxay meel walba la taagan yihiin dacaayad raqiis ah iyo warxumo tashiil. Waxayna ka xun yihiin, kana soohorjeedaan nabadda iyo horumarka deegaanka.

AWOODDA DHAQAALE IYO AQOON EE QURBO-JOOGTA

Qurbojoogtu waxay isugu jiraan qaar ganacsto hanti qaangaadh ah leh, ganacsato yar yar, aqoonyahanno, xirfadlayaal, xoogsato iyo kuwo ku dul nool waddamada ay ku sugan yihiin. Dhaqaale ahaa, waxay leeyihiin dakhli celecliskiisu gaadhayo qoyskiiba ugu yaraan 18,000.00 Doolar* (sideed iyo toban kun oo doolar) sannadkii.

Waxaa jira hantiilayaal ka soo jeeda Deegaanka oo maalgalin malaayiin doollar ah ka sameeyay waddamada ay ku sugan yihiin ama kuwo kaleba. Waxaa ka mid ah, oo aan tusaale u soo qaadan karnaa magaalada Nairobi ee waddanka Kenya iyo magaalada Dubai ee Imaaraadka.

Sidoo kale waxaa jira ganacsato dhexe iyo kuwo yaryar oo awood u leh inay sameeyaa maalgalin boqollaal kun oo doollar ah. Ganacsatada heerkan ahi waxay ka shaqaystaan meelo kala duwan oo adduunka ah, waxayse u badan yihiin wadamada Ingiriiska, Maraykanka, Koonfur Afrika iyo Bariga Dhexe.

Waxaa iyana jira qurbo-joog isugu jira aqoonyahanno, xirfadlayaal iyo xoogsato muddo dheer ka shaqaysanayay dibadda, gaar ahaanna Yurubta Galbeed iyo Waqooyiga Amerika, oo urursaday dhaqaale badan oo u kaydsan. Dadka ku sifaysan qaybtan, oo qaar ka mid ah ay walwal ku hayso lacagta ay haystaanu, waxay aad ugu baahan yihiin dhiirigalin iyo jahayn. Inkastoo dhaqaalihii ay u baahnaayeen ay haystaan hadana waxaa ka maqan kalsoonidii, dhiiranaantii iyo qorshihii ay kaga samayn lahaayeen maalgalin deegaanka ay ka yimaadeen.

Walow guud ahaan Soomaalida qurbuhu, aanay aad ugu dadaalin inay ka faa’iidaystaan fursadaha badan ee u saamaxaya inay helaan waxbarasho sare oo tayo leh, hadana waxaa jira dad badan oo kasbaday aqoon heerar kala duwan leh. Inta badan dhalinyarada ku barbaartay waddamada Reer Galbeedku way heleen waxbarasho illaa heer kuliyad ama jaamacadeed. Waxaana jira kumannaan aqoonyahanno iyo xirfadleyaal ah oo u dhashay deegaanka, oo maanta ka hawlgala meelo badan oo adduunka ka mid ah.

KAALINTA DIHIN EE QURBOJOOGTA

Qurbojoogtu waa xoog dihin, oo haddii hab cilmiyaysan loo abaabulo, loona hawlgaliyo ka ciyaari kara horumarinta Deegaanka door aad u ballaadhan oo isbaddal dhaqan-dhaqaale oo degdeg ah horseedi kara.
Waxaan halkan ku eegaynaa qaar ka mid dhinacyada kala duwan ee dhaqaalaha, siyaasadda iyo bulshada, iyo kaalinta dihin ee qurbo-jooggu ka qaadan karo:

1.    Dhaqaalaha

a.    Maalgalinta

Qorbo-joogta ku nool wadamada Galbeedku waxay haystaan fursad aad u ballaadhan ee dhinaca farsamada iyo teknolojiyada. Waxay maalgalin ballaadhan ku samayn karaan dhammaanba dhinacyada kala duwan ee waxsoosaarka iyo adeegga bulshada ee deegaanka.

Waxay kaalin ka qaadan karaan warshadaynta, iyagoo awood u leh inay ka dhisaan deegaanka warshado yar yar oo soosaara waxyaabaha daruuriga ah, sida: hargaha iyo saamaha iyo waxyaabaha ka samaysan; kiimikada sida saabuunta iyo shaambada; cuntada sida burka iyo baastada, buskudka, nacnaca, iyo qasacaynta hilibka iyo khudaarta. Waxay door wayn ka ciyaari karaan waxsoosaarka beeraha iyo xoolaha.

Sidoo kale waxay wax wayn ku kordhin karaan adeegyada bulshada sida: dalxiiska iyo hoteelada; waxbarashada; caafimaadka; gaadiidka; madadaalada, iwm.

b.    Dalxiiska

Dalxiisku wuxuu ka mid yahay ilaha kobcinta dhaqaalaha kuwa ugu sahlan uguna faa’iidada badan. Haddii la dhiirigaliyo lana xoojiyo wuxuu soo hoyin karaa malaayiin lacago adag ah sannad kasta.
Kumannaan ka mid ah qurbo-joogtu waxay sannad kasta u safraan, iyagoo dalxiis ah waddamo kala duwan, gaar ahaanna waddamada Bariga Africa iyo Bariga Dhexe. Haddii loo abaabulo inay waddankooda ama deegaankooda u aadaan dalxiis dakhli badan ayay soo galin karaan waddanka.

c.    Mataanaynta magaalooyin

Jaaliyaduhu waxay door wayn ka ciyaari karaan isku xidhka ama mataanaynta magaalooyinka ay ka jiraan ama deggan yihiin ee dibadda iyo degmooyinka deegaanka. Taas oo macnaheedu yahay inay qurbo-joogtu dawladaha hoose ee magaalooyinka ay deggan yihiin ay la xidhiidhiyaan maamulada degmooyinka deegaanka iygoo siimaraya dawladda xidhiidhka Itoobiya iyo tan deegaanka Soomaalida labadaba.

Mataanayntan magaalooyinku wuxuu kasbi karaa: in degmooyinka deegaanku ay ka helaan magaalooyinka ay la mataanoobaa mashaariic horumarineed, tababaro, gaadiid iyo qalab kale. Tusaale ahaan: haddii jaaliyadda Mineabolis ay ku guulaysato inay magaalada Jigjiga la mataaneeyaan magaaladooda, waxay ka heli kartaa qalabka ay u baahan tahay sida, gaadiidka dab-demiska, gaadiidka bulaacadaha iyo qashinka, ambalaasyada isbitaalada, gaadiidka xabsiyada, iwm. Waxay maalgalin uga heli karaan mashaariic sida, nalalka jidadka, dhismaha wadooyinka magaalada, biyo galinta, dhismaha goobo nasasho,iwm.

2.    Aqoonta

Dadka ku nool waddamada Reer Galbeedka, oo qaar badanu fursado u heleen inay wax ka bartaan culuunta kala duwan, gaar ahaanna teknolojiyada casriga ah, waxay deegaanka u soo gudbin karaan aqoontooda farsamo, oo uga faa’iidayn karaan dadwaynaha deegaanka iyo kuwa degmooyinkii ay ka yimaadeenba. Sidoo kale waxay wax wayn ku kordhin karaan waxbarashada, midda tooska ah ee dugsiyada iyo midda dadban ee guud ahaanba bulshada.

Waxay gacan ka gaysan karaan dhismaha goobo waxbarasho oo cusub iyo dayactirka kuwii hore. Waxay kaalmo dhaqaale, kutub iyo qalab waxbarasho oo kala duwan ku taageeri karaan dugsiyada ka jira deegaanka.

3.    Nabadgelyada

Waxaa jiray halkudhag odhanaya, “Qofka meesha hantidiisu taallo, ayuu qalbigiisuna yaallaa.” Qof kasta oo maalgalin ka sameeya deegaanku wuxuu isku dayayaa inuu ka shaqeeyo sidii deegaanku nabad ku ahaan lahaa, ama ugu yaraan wuxuu ka dheeraanayaa cid kasta iyo wax kasta oo deegaanka ammaankiisa wax u dhimaya.

Qurbo-joogta oo deegaanka maalgalin ka sameeya iyo jaaliyadaha oo xidhiidh wada shaqayn la yeesha Dawladda Deegaanku, waxay jab iyo hoog u tahay nabad-diidka Ubo oo ay ka soo xidhmi albaabadii ay ka qadhaaban jireen.

Waxaana taas markhaati ka ah siday Ubo iyo taageerayaashoodu uga cadhoodeen imaatinkii Yurub ee wafdigii Dawladda Deegaanka. Iyagoo u arkay in godkii ay ka cabbi jireen loogu soo galay. Tallaabadii ugu horaysay ee ay Ubo iyo xaabshaankeedu qaadaanna waxay ahayd in ay weerar gacan-qaad ah ku soo qaadeen Maxamed Mursal Shiil, oo ka mid ahaa xubnihii ka socday jaaliyadda waddanka Holland.

Sidoo kale waxay Ubo weerar gacan qaad ah ku qaadday xubin ka mid ah guddigii loo doortay jaaliyadda Norway. Waxaa kaloo ay canbaareeyeen dhismihii jaaliyadda Koonfur Afrika, oo uu waliba halkaas tagay ninka Ubo madax u ahu.

4.    Dibloomaasiyadda

Jaaliyadaha dibaddu waxay, iyagoo la shaqaynaya safaaradaha, kaalin wax ku ool ah ka ciyaarin karaan dibloomaasiyadda iyo siyaasadda dibadda ee guud ahaan waddanka, gaar ahaanna arimaha ku wajaha deegaanka Soomaalida.

Waxay jaaliyaduhu xidhiidh wada shaqayn oo wanaagsan la leeyihiin ama la samayn karaan dawladaha waddamada ay ka jiraan. Waxayna fikir sawir togan leh ka bixin karaan dawladda Xidhiidhka Itoobiya iyo tan Deegaanka labadaba. Waxay cagta marin karaan dacaayadaha raqiiska ah ee ay la wareegayaan nabad-diidka iyo cadawga waddanku. Inkastoo ay dawladdu awood u leedahay inay is difaacdo dhan kasta, hadana taageerada shacabkeedu wuxuu muujiyaa kalsoonida lagu qabo.

Wakhtiyada ay masuuliyiinta dawladda xidhiidhka iyo tan deegaanku booqashada ku yimaadaan waddamada ay ka jiraan, waxay jaaliyaduhu u qaban karaan shirar soodhawayn iyo bannaanbaxyo taageero ah. Sidaa kale go’aanada dawladda ayay ka taageeri karaan halkooda iyagoo bannaanbaxyo iyo shirar qabanaya.
Waxay wasaaradaha arimaha dibadda iyo iskaashiga dhaqaalaha ee wadamada ay ku nool yihiin uga soo dhamayn karaan dawladdooda mashaariic horumarineed oo waawayn.

Inkastoo kaalinta ay qaadan karaan jaaliyadaha qurbo-jooggu aysan intaa uun ku ekayn, haddana halkan kuma wada sheegi karo doorka ballaadhan ee ay ka ciyaarin karaan dhinacyada kala duwan.

SOOJEEDIN

Waxaan qoraalkaygan ku soo gabagabaynayaa soojeedinno aan u arko inay lagama maarmaan u yihiin sidii shacab waynaha Itoobiya iyo kan deegaanka Soomaalidu uga faa’iidaysan lahaayeen waxtarka dihin ee qurbo-joogta, isla markaana iyagana loogu faa’iidayn lahaa iyo waliba sidii xidhiidh wada shaqayn oo toosan looga dhex abuuri lahaa jaaliyadaha dibadda iyo dawladda. Waxaana soo jeedinayaa dhawr qodob oo aan is idhi waxay u baahan yihiin in si gaar ah ay dawladdu u xoojiso, si jaaliyaduhu u noqdaan kuwo waxtar wayn leh, kuwaas oo kala ah:

1.    In dawladda Xidhiidhka Itoobiya, gaar ahaan wasaaradda arimaha dibaddu inay abuurto, haddii uu jiran ay xoojiso, qayb ka mid ah xafiiska jaaliyaha oo si gaar ah uga shaqeeya, ulana shaqeeya jaaliyadaha dibadda ee Soomaalida.

2.    In safaaradaha ka jira waddamada ay qorbo-joogta deegaanku ku badan yihiin la geeyo qof deegaanka u dhashay oo wakiil ka ah arimaha jaaliyadda, si joogto ahna ula shaqeeya jaaliyadda;

3.    In madaxda dawladda xidhiidhka iyo tan deegaankuba ay soo booqdaan jaaliyadaha, oo la yeeshaan shirar iyo kulammo dhiirigalin iyo wacyigalin oo xiliyaale ah;

4.    In garab lagu siiyo sidii ay u midobi lahaayeen jaaliyadaha intii isku waddan ka jirtaba lana dhiirigalyo dhismaha jaaliyado ka kooban dhammaan dadka qabaa’ilka deegaan ee ku sugan qurbaha;

5.    In si joogto ah loola socodsiiyo xaaladda waddanka, loona soo diro jaaliyadaha warbixinno ku saabsan halka uu hadba marayo isbaddalka siyaasad, dhaqaale iyo bulsho ee waddanku;

6.    In warfaafinta waddanku, sida telefishinnada, idaacadaha iyo jaraa’idku ay la xidhiidho qurbo-joogta iyo jaaliyadaha, la yeelato waraysiyo, arimahoodana u gudbiso dadwaynaha kuwa gudaha waddanka iyo qurbo-joogta kaleba. Tani waxay muujin xidhiidhka wanaagsan ee ka dhexeeya dawladda iyo qurbo-joogta. Waxayna kalsooni galin jaaliyaduhu inay isku daydaan.

* Tirada guud ee qurbo-joogta iyo dakhli-sannadeedka labaduba waa qiyaas uu sameeyay qoraaga maqaalku.   

 

Radio

Wararkii kudhaafay tvgan yar hoostiisa kadooro

You must have the Adobe Flash Player installed to view this player.
aaaaaaaaaaa
aaaa
bbbb
cccccc

Lorem ipsum dolor

Lorem ipsum dolor sit amet, consectetur adipisicing elit, sed do eiusmod tempor incididunt ut labore et dolore magna aliqua.Ut enim ad minim veniam, quis nostrud exercitation ullamco laboris nisi ut aliquip ex ea commodo consequat.