Jaaliyada Degaanka Soomaalida oo Si Wanaagsan u Soo Dhaweeyay Raíisal Wasaare Meles Zenawi

Toronto (CakaaraNews) Jaaliyada Degaanka Soomaalida ee ku nool Waqooyiga Ameerika, gaar ahaan dalka Kanada ayaa si diiran oo sharaf leh uga qayb galay soo dhawayntii Ra'iisal Wasaaraha Dalka Itoobiya Mudane Meles Zenawi oo 25 Bishii aan soo dhaafnay booqasho ku gaadhay dalka Kanada si uu uga qayb galo Shirwaynaha Cimilada Aduunka ee lagu qabanayay dalka Kanada.

Subaxii Sabtida oo roob laxaad leh uu ka da'ayay Toronto ayaa jaaliyada asalkooda ka soo jeedo Itoobiya ay isugu soo baxeen inay si balaadhan oo kal iyo laab ah ay u soo dhaweeyaan Ra'iisal Wasaare Meles Zenawi, Ra'iisal Wasaaraha Dalka Itoobiya.

 

 

 

 

 

 

Ra'iisal Wasaare Meles Zenawi waxaa uu u tagay Toronto si uu uga qayb galo Kulamada Kooxda 8aad & 20aad, isagoo u matalaya Qaarada Afrika dhamaanteed.

Jaaliyadaha dalka Itoobiya oo lulaya calanka dalka Itoobiya, isla markaana kor u haya sawirka Ra'iisal Wasaaraha Meles Zenawi, iyo hal ku dhigyo au ku amaanayaan Ra'iisal wasaaraha, ayay ku sharaxayeen amaanta iyo sumcada wanaagsan ee Meles Zenawi aduunka ku yeeshay isagoo matalaya Qaarada Afrika.

Sidoo kale, xubno badan oo ka mid ah Jaaliyada u dhalatay Degaanka Soomaalida ayaa iyagana ka qayb galay soo dhawaynta ra'iisal Wasaaraha iyagoo garab istaagay walaalahooda Itoobiya.

"Looma kala harin, Hooyooyin, Salaadiin, Siyaasiyiin, Dhalinyaro iyo dhammaan qaybaha bulshada Degaanka Soomaalida ee dalkan Itoobiya ee Toronto ku dhaqan ayaan oran karaa" waxaa sidaas yiri Mudane Muuse Maxamed Cali oo sheegay in Ra'iisal Wasaare Meles Zenawi  uu yahay shaqsi qiimo badan, oo qaali ah, dadkiisana si fiican ugu adeega, iyaguna ay taasi maanta ka jawaabayaan, iyadoo ay daliil u tahay sida halkan loogu soo dhaweeyey

CakaaraNews

Radio

Wararkii kudhaafay tvgan yar hoostiisa kadooro

You must have the Adobe Flash Player installed to view this player.
aaaaaaaaaaa
aaaa
bbbb
cccccc

Lorem ipsum dolor

Lorem ipsum dolor sit amet, consectetur adipisicing elit, sed do eiusmod tempor incididunt ut labore et dolore magna aliqua.Ut enim ad minim veniam, quis nostrud exercitation ullamco laboris nisi ut aliquip ex ea commodo consequat.