Minneapolis (CakaaraNews) Shalay ayaa waxaa ka dhacay magalada Minneapolis ee dalka maraykanka shir ballaaran oo lagu taageerayo heshiska nabadda iyo xabad joojinta ee dhexmaray dowlada Ethiopia iyo ururka ONLF.
Shirkaas oo ay soo qaban qabiyeen taagerayasha ONLF; Ayaa waxaa si ballaaran uga soo qayb galay jaaliyadda degaanka kasoo jeeda ee ku dhaqan gobalka Minnesota.
Waxaa kale oo shirkaasi ka gayb galay Ururka Horumarinta Dhaqanka iyo Dhaqaalaha Soomaalida Ethiopia, iyo Ururka Horumarinta Nabadda Soomaalida Ethiopia, iyo waliba bahda Jig-jiga TV.


Shirkan oo ahaa mid aan loo kala hadhin waxaa qadka telephanka isna kaga soo qayb galey hogamiyaha ururka ONLF mudane Salaxudiin Macoow isago oo ka warbixiyay heerka uu heshiisku marayo, isaga oo si gaar ah u tibaaxay in maanta ay tahay xilli shacabku uu ka daalay dhib iyo xabad loona baahan yahay in shacabka loo daneeyo; nabadana lagu soo dabaalo guud ahaanba deeganka.


Hadaladi gudoomiyuhu waxaay noqdeen kuwo qanciyay taageerayaasha iyo jaaliyadiba gaba gabadiina wuxuu amaan uso jeediyay dhamanba dadkii shirkaas isugu yimid.

Waxaa kale oo shirkaa hadalo koob kooban ka soo jeediyay qaar ka mid ah jaaliyadda oo ka war bixiyay taarikhdii iyo halgankii dalka loo soo maray iyaga oo hadalkodii ku soo geba gabeeyay inay si buuxda u taageersan yihiin heshiiska nabadda ee dhex mary ONLF iyo dowlada Ethiopia, iyagoo ku duceeyay in heshiskaasi noqdo mid umadda u horseeda guul, barwaaqo iyo horumar.
CakaaraNews