Holland, 5 July 2010 (CakaaraNews) Shir uu isugu yimid Magaalada Amsterdam Guddiga Jaaliyadda Guud ee Soomaalida Itoobiya ee waddanka Holland waxay dhambaal taageero, hanbalyo iyo bogaadin ah u dirayaan Dawladda Dimuqraadiga Xidhiidhka Itoobiya iyo tan Deegaanka Qawmiyadda Soomaalidu dadaalka hagar la’aanta ah ee ay ugu jiraan nabadda iyo horumarinta shacbiga Deegaanka Soomaalida.
Jaaliyaddu, iyadoo aaminsan nabadda, xasiloonida iyo wadajirku in ay yihiin furaha horumarka dhaqan-dhaqaale ee bulsho, isla markaana ka dharagsan khilaafka iyo tafaraaruqu dibudhaca iyo darxumada ay ummadda u kasbi karaan, waxay jaaliyaddu soosaartay baaqan hoos ku qoran:
Jaaliyadda guud ee Soomaalida Itoobiya ee waddanka Holland waxay:
1. Si buuxda u garab taagan tahay dadaalka dawladda xidhiidhka iyo tan deegaanku ay ugu jiraan nabadda iyo horumarinta shacbiga Deegaanka Qawmiyadda Soomaalida;
2. Si diiran ugu bogaadinaysaa masuuliyiinta iyo xubnaha jabhadda UWSLF go’aanka geesinimada leh ee ay heshiiska nabadda ku qaateen, colaadiina kaga tanaasuleen. “Geesigu ma ahan kan colaadda abuura, balse waa kan nabadda keena”;
3. Si farxad leh ku soo dhawaynaysaa wadahadallada nabadeed ee dawladda iyo golaha sare ee jabhadda ONLF ku dhexmaray magaalada Frankfurt 12kii iyo 13kii Juun, waxayna rajaynaysaa in natiijo wax ku ool ah laga gaadhi doono;
4. Si adag uga soo horjeedaa cid kasta iyo wax kasta oo caqabad ku ah ama ku noqon kara nabadda, xasiloonida iyo horumarka shacbiga deegaanka;
5. Ugu baaqaysaa dhalinyarada la marin-habaabiyay inay ka soo laabtaan khaladkii hore, oo dantooda iyo tan dadkooda gartaan, diidaanna inay u adeegaan dano shakhsiyeed iyo kuwo shisheeye;
6. Kooxaha nabad-diidka ahu inay ka waantoobaan falalkooda argagixiso, isla markaana doortaan nabadda inta aanay taladu faraha ka bixin;
7. Ugu baaqaysaa shacbiga deegaanka inay garabsadaan dawladdooda ay soo doorteen, kana dhiidhiyaan lugooyada nabad-diidka iyo shisheeyaha;
8. Ugu baaqaysaa dhammaan jaaliyadaha qurbaha ee Soomaalida Itoobiya inay taageeraan, gacanna ka gaystaan nabadda iyo horumarinta dalkoodii ay ka yimaadeen.
Afhayeenka Jaaliyadda Guud ee Soomaalida Itoobiya ee Waddanka Holland:
Maxamed Cabdi Gurxan