Shirweyne lagu taageerey heshiiska ONLF iyo Ethiopia oo Seatle lagu qabtey

Seatle (CakaaraNews) Waxaa shalay ka dhacay magalada seattle washington ee dalka maraykanka shirweyne ay soo qaban qaabiyeen jaalioyada ka soo jeeda somali galbeed ee ku dhaqan gobolka washington, shirkan wuxuu daba joogay shirar badan oo ka dhacay waqooyiga America iyo meela badan oo dunida ka mid ah oo lagu taageerayay heshiiskii ay ONLF la sixiixatay Dawlada Ethiopia.

Shirkan oo ahaa mid si weyn looga soo qayb galay dhamaan bulshada noocyadeeda kala duwan, aqoonyahano,culuma;udiin, Odayal dhaqameed, Dhalinyaro iyo Haweenba ayaa waxaa si wayn loogu soo dhaweeyay Heeshisyada ay Ururada Mucaradka lagaleen Dawlada Ethiopia.

Odayaasha iyo wax garadka ka hadlay shirkan shalay ayaa waxaa kamid ahaa; Gudoomiyaha jaaliyada soomalida Ogadenia

1: Abdi Barre Coljoog

Wuxuu si weyn gudomiyuhu u dareensiiyay dadka baahida dhabta ah ee nabada loo qabo dhinac walba, iyo sida ay wax tar ugu leedahay Umada ku dhaqan wadenkeenii Hooyo.

2; Hussein Yusuf Tarabi (Xubin Sare oo Ka Tirsan Golaha Sare)

Wuxuu u sheegay dadweynihii kasoo qayb galay shirkan meesha ay wax marayaan iyo wada hadalda geedi socodka iyo waxa ku kalifayinay ONLF qaadato nabada, sharaxaad dheer ayay labadan masuulba ka bixiyeen xaaladuhu meesha ay marayaan,

Isku soo duuduboo shirka gabi ahaan waxaa uu ku dhamaaday in taageero hiil iyo hooba lala garab istaago ONLF heshiiska ay qaadatay.

GUUL AYAAN ALLAH KA RAJAYNAYNAA.

CakaaraNews

Radio

Wararkii kudhaafay tvgan yar hoostiisa kadooro

You must have the Adobe Flash Player installed to view this player.
aaaaaaaaaaa
aaaa
bbbb
cccccc

Lorem ipsum dolor

Lorem ipsum dolor sit amet, consectetur adipisicing elit, sed do eiusmod tempor incididunt ut labore et dolore magna aliqua.Ut enim ad minim veniam, quis nostrud exercitation ullamco laboris nisi ut aliquip ex ea commodo consequat.