Kulan Aqoon Is Waydaarsi ah oo Safaaradda Ethiopia ee London ku Dhex Maray Safiiro iyo Aqoonyahano Deegaanka u Dhashey
London (CakaaraNews) Kulan xasaasi ah ayaa Sabtidii lasoo dhaafey 4/07/10 ka dhacay safaaradda Ethiopia ay ku leedahay magaalada London kaas oo looga wada hadley qaabka wax uga socdaan dhulkii hooyo, iyo talaabooyinka ay tahay ama laga filay xukuumadda federaalka Ethiopia iyo ta Degaanka Soomaalida.
Shirkan oo ay kasoo qayb galeen aqoonyahano u dhashey deegaanka ayaa waxaan wararka ku helney iney la kulmeen Safiirka Ethiopia u fadhiya Waqooyiga Yurub kaasoo shirkan uga soo duuley dalka Belguim iyo safiirka waddanka Ingiriiska u fadhiya waddanka Ethiopia.
Shirkan oo ahaa midkii ugu heer sareeyey ee noociisa ah ayaa waxaa ka dhacdey dood adag kaas oo markii hore safiiradu ay warbixin dheer ka dhiibeen hormarka laga hirgaliyey iyo fursadaha hadda soo mudh baxay iyo heshiisyada dawladdu la gashey ururada ka dagaalami jirey waddanka.
Aqoonyahanadii shirka joogey ayaa dhankooda su'aalo aad u badan oo la xidhiidha horumarka & dedaalka maamulka suuban.
Kulankan oo ahaa mid aad u qoto dheeraa oo si balaadhan loo lafa guray ayaa u muuqda mid miisaan ku soo kordhin doona siyaasadda deegaanka mar haddii dareenka qurba joogta ay si toos ah u gaadhaan safaaradaha.
CakaaraNews