Xafiiska Adeega Jaaliyada Somalida Ethiopia ee Seattle oo Soo Saaray Baaq
Seattle (CakaaraNews) Shir balaaran oo uu soo qaban qaabiyay xafiiska Jaaliyada Soomaalida Ethiopia ee Seattle, ayaa waxaa kasoo baxay baaq ay ku taageerayaan heshiisyada nabada ee ururada mucaaradka & dawlada Itoobiya ay wada galayaan.
Shirka oo uu hogaaminayo Gudoomiye ku xigeenka Xafiiska Mr. Bashiir Garaad, ayaa baaqiisii gabagabda shirka kusoo af jaray sidan soo socota.
Xafiiskan oo mudobadan usoo shaqaynaay jaaliyada Soomaalida Ethiopia, ee Seattle, ayaa labadii bilood ee ina soo dhaafay uu shirar fara badan ku qabtay magaalada Seattle, kuwaas oo lagaga hadlaayay danaha guud ee, horumarka, nabadgalyada, iyo doorashooyinka xorta ah ee dalka Ethiopia.
Sidaas daraadeed xafiiska oo ku hadlaaya magaca jaaliyada Soomaalida Itoobiya ee Degaanka Soomaalida ee seattle:
1. Waxaan si buuxda u taageeraynaa doorashada xorta ah ee kadhacday dhamaan dalka Ethiopia, taas oo ahayd markii koowaad ee Degaanka Soomaalida Ethiopia ay la jaan qaadeen doorashada heer Federaal. Isla-markaana suura galiyay inay doorashada dagmooyinka iyo tuulooyinka gobalka Soomaalida oo dhan ay ka dhacdo. Doorashadani taas oo tilmaamaysa in xisbiga talada haya SPDP, uu kasbaday taageerada shacabka guud ahaan iyo gaar ahaanba.
2. Waxaan taageeraynaa Dowlada Federaalka iyo Dowlada Degaanka Soomaalida oo go'aansaday inay wada hadal nabadeed u furaan ururada mucaaradka iyo kuwa nabad-diidka ah. Taas oo xisbiga SPDP iyo EPRDF ay si nabadgalyo ah ugu soo celiyeen dalka oo dhan.
3. Waxaan taageeraynaa heshiiska nabada ee lala saxeexday ururka UWSLF. Heshiiskan oo deegaanka, dadka iyo dowladaba u horseeday nabad iyo horumar iyo iskaashi dhaqan dhaqaale iyo wada shaqayn saafi ah. Waxaana leenahay Nabadu ha waarto.
4. Ururka budhcada hubaysan waxaan ugu baaqaynaa inay iska dhigaan hubka oo ay ka qayb qaataan horumarka, iyo nabada deegaanka iyo dadka. Ururka budhcada waxaan u sheegaynaa inaysan guul iyo horumar ku gaarayn colaad, burbur, dhac, iyo kufsi. Balse nabad iyo xasilooni ay ku gaari karaan heer kasta oo umada raali galisa, sidaas daraadeed hubka dhiga, daaya dadka aad laynaysaan, iyo umada aad dhacaysaan ee ka qayb qaata heshiisyada nabada ee deegaanka.
5. Dowlada Ethiopia waxaan ugu baaqaynaa inay soo dhaweeyaan urur kasta iyo xubin kasta oo ka qayb qaadanaya nabada deegaanka gacana lagu siiyo lana garab istaago sida umada iyo deegaanka loo hormarin lahaa.
Ilaah baa Mahad leh
Wa Bilaahi Towfiiq