Hambalyo iyo Talo Bixin Ku aaddan Ururada Nabadda Qaatay iyo Maamulka SPDP

altUK (CakaaraNews) Aniga oo ah Dr Xuseen Cali Ibrahim ahna gudoomiyaha golaha qurbajooga Somaalida Itoobiya (ESDF) ee UK, kuna hadlaya magacayga, kan golaha iyo kan guud ee jaaliyadda UK waxaan hanbalyo iyo taageero buuxda u dirayaa nabadda ay qaateen ururadda garabka ONLF iyo UWSLF ee ay kula heshiinayaan dawladda Itoobiya.

Waan ka wada dheregsannahay duruufaha qalafsan ee ay soo mareen shacabka Soomaalida Itoobiya mudadda dheer sida colaadda, abaaraha iyo barakaca faraha badan. Kuwaasi oo naafeeyay guud ahaan nolosha iyo horumarka shacabka. Waxaan mar labaad ugu hanbalyaynayaa Ururaddan go’aanka geesinimadda ah ee ay qaateen iyaga oo u tudhaya shacabkaasi tabaalaysan.

Walaalayaal Soomaalidu waxay tidhaa "xabbad wiil baa ku dhinta ee wiil kuma dhasho." Sidaasi darteed waxaad nabad ku weydo colaad ku helimaysid, maantana waan la soconaa aduunku meesha uu marayo in wadamadda Yurub badankoodu ay ku midoobeen dhinaca dhaqaalaha, siyaasadda, nabad gelyada iyo waxyaabo badan oo kale. Markaa waxaan leeyahay way dhammaatay xilligii qoriga la isticmaalaayey ee waxaan leeyahay maskaxdu ha shaqayso.

Marka xiga Soomaalidu waxay tidhaa walaalo coloobay ama way xoolo yareeyaan ama way xabaal badiyaan, sidaasi darteed waxaa ina wada saaran masuuliyadda guud sidii loo midayn lahaa shacabka gudo iyo dibadba oo looga saari lahaa kala qaybsanaanta iyo khilaafka dhexdooda ah laguna fikiro sidii aan uga qayb qaadan lahayn horumarka, dib u dhiska iyo nabad gelyadda dalkeenna iyo dadkeenna.

Dhinaca masuuliyiinta Deegaanka waxaan ugu hanbalyaynayaa dadaalka ay wadaan sida horumarka, nabad gelyadda, waxbarashadda, caafimaadka, biyaha, waddooyinka iyo wixii la mid ah. Waxaan leeyahay ha ka daalina masuuliyadda aad u haysaan dadka iyo dalkaba. Waxa iga dardaaran ah inaad ka fogaataan cadaalad darada, eexda, nin jeclaysiga iyo hantida shacabka oo la lunsaddo. Kuwaasi oo keeni kara burbur iyo dib u dhac ku yimaadda bulshada Deegaanka Soomaalida. Waa in aan ku fikirnaa sidii aan ula tartami lahayn qoomiyaddaha kale ee Itoobiya waxna ula qaybsan lahaayn.

Dhinaca xisbiga talada haya ee SPDP waxaan leeyahay golaha fulinta iyo kan golaha dhexe in la balaadhiyo si uu u noqdo mid bulshada degaanku ay u dhantahay, kuna dhisan sinnaan iyo caddaalad, islamarkaana waxaan ku talinayaa in hoggaanka cusub ee loo dooran doono madaxa Deegaanka aad ku soo xulataan karti, aqoon iyo dadnimo. Kaasi oo leh awood uu dalka iyo dadka ku maamuli karo.

Ugu dambayn waxaan ugu baaqayaa garabka kale ee jabhadda ONLF iyo dawladda Itoobiya in ay miiska wada xaajoodka wada fadhiistaan; waxaan ka codsanayaa garabka kale ee jabhadda ONLF in ay ku dayato ururka UWSLF iyo garabka kale ee ONLF oo qaatay talaabo geesinimo leh oo lagu badbaadinayo shacabka Deegaanka Soomaalida.

Waxaan u rajaynayaa shacabka Deegaanka Soomaalida Itoobiya gudo iyo dibadba midnimo, caddaalad,horumar iyo barwaaqo.

Wixii talo iyo tusaale ah waxaad igala soo xidhiidhi kartaan Emailka hoos ku qoran.

Dr. Xuseen Cali Ibraahim
E-Mail: This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.   

Radio

Wararkii kudhaafay tvgan yar hoostiisa kadooro

You must have the Adobe Flash Player installed to view this player.
aaaaaaaaaaa
aaaa
bbbb
cccccc

Lorem ipsum dolor

Lorem ipsum dolor sit amet, consectetur adipisicing elit, sed do eiusmod tempor incididunt ut labore et dolore magna aliqua.Ut enim ad minim veniam, quis nostrud exercitation ullamco laboris nisi ut aliquip ex ea commodo consequat.