Warsaxaafadeed: Qurba Joogga Gobolka Dhagaxbuur ee Waqooyiga Amerika oo ka hadley Shirkii Faafan

altQURBA-JOOGGA G/DHAGAXBUUR , DDS, ETHIOPIA
WAQOOYIGA AMERICA
AUGUST 29, 2010
WAR SAXAAFADEED

Waxaanu la soconay Shirka Nabadoonimada ee ay hormoodka ka ahaayeen Cuqaasha iyo wax-garadka bulshada ku dhaqan G/Dhagaxbuur oo galabta lagu soo gabo-gabeeyey Xarunta Cilmi-baadhista ee dooxada Faafaneed, Dhagaxlle, Jigjiga, DDS Ethiopia.

Anagoo, hadaba, tixraacayna shirkaas waxaanu doonaynaa, marka hore, inaanu kobtan ka muujino sida aanu raali uga nahay hadafka iyo natiijooyinka shirkaas ka soo baxay. Waxaanu taageersanahay dadkii soo agaasimay, kuwii hirgaliyey iyo kuwii ka qayb-galay intaba.

Waxaanu, marka xiga, ku faraxsanahay inaanu aragno bulshada: DDS guud ahaan, gaar ahaan bulshada G/Dhaxbuur oo u dhaqaaqsan dhanka: NABADA, HORUMARKA iyo NOLOSHA tayada leh. Waxaan isleenahay waxaa halkan ku haboon inaan soo xigano erayadii Dr. Martin luther King Jr markii uu lahaa  Darkness cannot drive out darkness; only light can do that.   oo macneheedu yahay  mugdigu kaama saari karo mugdi; iftiin umbaa kaa saari kara mugdiga. .

Waxaynu ognahay in dagaalkii iyo dadaalkii Jabhadaynta ayna meel fog ina gaadhsiin marka aan bar-bardhigno kharashkii naf-iyo-maalka lahaa ee aan galinay 50-kii sano ee ugu dambaysay. Sidaa darteed, wuxuu cagliga fiicani inoo tilmaamayaa inaan la nimaadno tabo iyo xeelado cusub oo aan kula tacaali karno xiligan la jooga si dadkeenu uga midnoqdo bulshawaynta caalamka ee ka badbaaday cidhibtirka kayimaada dagaalada, cudarada, gaajada iyo kuwa lamid ka ah.

Waxaynu ognahay in 9-ka gobol ee DDS ay Jabhadayntu ka jirto sadex ilaa afar gobol oo kaliya macneheeduna noqonayo 60-70% inay ka maqanyihiin saaxada waxa aynu ugu yeedhno  Halganka . Tusaale ahaan, G/Shiniille, G/Liben iyo G/Afdheer oo ah kan ugu balaadhan dhanka masaaxada (land-mass), waxaan ku doodi karnaa inaan laga aqoonin macnaha JWXO iyo  Halgankeeda  hubaysan toona. Dhanka kale, G/Jigjiga waa gobolka ugu dadka badan ee ay ku taallo caasimada Jigjiga, miyeynu maqalay wax halgan ah oo ka socda?

Waxaan bulshada G/Dhagaxbuur xasuusinaynaa inay  iyaga  dani ugu jirto ololaha nabada ee ka aloosan DDS, sidaasi darteed waa inay gacmaha-u-furaan! Waxaa kale oo aan bulshada G/Dhagaxbuur xasuusinaynaa in ururkii ONLF inuu ku biiray ururadii fashilmay ee aan taariikhda horay ugu maqalay; wax xil ah oo  iyaga  si gaar ah uga saaranina  ka wal-walkiisa  ayna jirin. Waxaan bulshada G/Dhagaxbuur iyo bulshada DDS ku la talinaynaa inay u dhaqaaqaan dhanka: Nabda, Horumarka iyo Hal-abuurnimada (creativity).

Ugu dambayntii waxaanu munaasibada uga faa iidaysanaynaa inaanu hambalyo u diro Madaxweynaha cusub M. Cabdi Muxumed Cumar oo goob-joog ka haa shirka G/Dhagaxbuur ee maanta la soo gabagabeyey iyo madaxa gobolka Dhagaxbuur mudane Badal Xiis oo si gaar ah ah isaga xilsaarey shirkan qabsoomidiisa. Waxaa kale oo aanu halkan mahad uga celinaynaa: madaxdii kale iyo madax-dhaqameedyadii beelaha DDS ee shirkaa ka soo qayb gashay.

Gabagabadii waxaan PM Dowlada Ferdaraalka Ethiopia M Meles Zenawi iyo Madaxweynaha DDS M Cabdi Muxumed Cumar ka cadsanaynaa:

1. In cadaadiska milatari iyo kan siyaasadeedba laga qaado D/Dhagaxbuur,

2. In la siidaayo maxaabiista siyaasadeed ay ka midka yihiin caaqiliinta iyo baayac-mushtarka iyo dadka kale ee rayidka ah,

3. In ololaha nabadeed oo ay ku dheehantay niyad wanaag la siiwado, lana balaadhiyo iyadoo maskaxda lagu hayo wadiiqooyinka  win-win  ku waas oo horoy lagu xaliyey khilaafaadyo badan.

Mahadsanidin

Waxaa lala xidhiidhi karaa:
Maxamed Kaahin
Maxamed Q Yuusuf
Suldaan Cumar
Cabdi Bulxan

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

Radio

Wararkii kudhaafay tvgan yar hoostiisa kadooro

You must have the Adobe Flash Player installed to view this player.
aaaaaaaaaaa
aaaa
bbbb
cccccc

Lorem ipsum dolor

Lorem ipsum dolor sit amet, consectetur adipisicing elit, sed do eiusmod tempor incididunt ut labore et dolore magna aliqua.Ut enim ad minim veniam, quis nostrud exercitation ullamco laboris nisi ut aliquip ex ea commodo consequat.