Jigjiga (CakaaraNews)kulankan wada xaajoodka ah oo ka dhacay xafiiska Madaxwaynaha DDS ayaa waxaa kusoo xaadiray in kabadan 50 qurbo joog ah, qaarka mid ah masuuliyiin ka kala socotay xafiisyada xidhiidhka uu la leeyahay Xafiiskan Xidhiidhka Jaaliyadaha ee DDS sida Xafiiska Maal Galinta, Xafiiska Hawlaha Guud Xafiiska Ganacsiga, iyo Xafiiska maamulka dawlada hoose ee Magaalada jigjiga
Waxaa kulankan fikir isweydaarsiga ah hadalo ku furay kusiisimaha Madaxwaynaha DDS ahna Madaxa Xafiiska Waxbarashada DDS Mudane C/raxmaan sheekh Maxamad oo si qoto dheer u faah faahiyay marxaladda uu dagaanku haatan ku suganyahay.
Tilmaamayna dadaalka Dowladdu wado hada iyo kaalinta doorka muwaadiniinta laga filayo in ay buuxiyaaan
iyaguna horumarka iyo nabada dhankooga wixii kaga aadan.
Madaxa Xafiiska Jaaliyadaha DDS Mudane Guleed Aw-Cali oo ah xafiiska isagu soo abaabulay kulankan ayaa sidoo kale qurbo joogta usoo bandhigay qorshaha xariirka arimaha jaaliyadaha ee sanadmiisaaniyadeedkan 2003 qorshaha ku wajahan xoojinta xiriirka ka dhexeeya jaaliyadaha iyo deegaanka.
Mudane Guleed Aw-cali isagoo tibaaxay arimo kale oo ay kamid yihiin sida loo fududaynayo soo dhawaynta ay xubnaha jaaliyaduhu kusoo gaarayaan dalkooda hooyo iyo waliba sida xukumad ahaan ay uga go'antahay soo dhawaynta xubanaha jaaliyadaha ee la diyaarka ah in maskax iyo maalba ay gashaddaan deegaankooda fursadaha maalgashi ee ka jira iyo boosaska ay buuxin karaanba.
Ugu danbayntii waxaa furasad lasiiyay xabnihii jaaliyadaha ee kulankani kasoo qaybgalay si ay usoo gudbiyaan fikiradooda ku aadan fursadaha maal galineedd ee u muuuqda sida ay harumarka deegaanka kaalin muuqata ugu yeelan lahaayeen iyo caqabadaha ilaa iyo eega ay la kulmeen
kulankan uu xafiisku qabtay ayaa qayb ka ah dardargalinta xidhiidhka dawlada deegaanku la leedahay jaaliyadaha dibadda oo aad moddo in dhawaanahan isbadel wayni ka muuqdo ee lagu xaqiiqsan karo gulqulka qurbo joogta ku imaanaysa deegaanka
