Qurbo-joogta Deegaanka udhalatay ee ku dhaqan G/minnesota ayaa soo dhaweeyay Nadaba iyo horumarka deegaanka ka curatay
Minneapolis (Cakaarnews Jaaliyadda Ismaamulka Deegaanka Soomaalida ee gobolka Minnesota, cariga mareykanka, ayaa si buuxda u taageertay isku-dayga nabadda ee ka socda deegaanka Soomaalida iyo qorshaha shanta sano ee dowladda dhexe, kaasoo la doonayo in guud ahaan Itoobiya lagaga sameeyo isbadal dhaqaale iyo mid bulsho.
wararka aanka helnay gobolka minnesota ayaa sheegaya in shir ballaadhan oo ay qeybaha kala duwan ee jaaliyaddu isugu yimaadeen shalay galab magaalada Minneapolis ayey jaaliyaddu ku taageertay ololaha nabadgalyo ee ka socda deegaanka Soomaalida.
Jaaliyaddu waxey madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida, mudane Cabdi Maxamuud Cumar, iyo gudoomiyaha xisbiga ESPDP, mudane Cabdifitaax Sheekh Cabdullahi, ku amaantay dadaalkooda ku aadan sidii uu deegaanka Soomaalida u heli lahaa nabad buuxda iyo horumar waara.
Kasoo qeybgalayaashi shirka ayaa sidoo kale u mahadceliyey ururrada nabadda qaatay ee UWSLF iyo ONLF, iyagoo sheegay in hashiiskan uu deegaanka iyo shacabkiisu u horseedi doono nolol wacan.
Jaaliyadda ayaa balan qaaday inay doorka ku aadan ka ciyaari doonto meelmarinta iyo ka-miro-dhalinta qorshaha shanta sano ee xigga ee dalka. Qorshahan ayaa la doonayaa in dalka lagaga sameeyo kobac dhaqaale oo gaadhaya 14.9 boqolkiiba.
Shirka ay yeelatay jaaliyadda deegaanka ee Minnesota ayaa wuxuu ku soo aaday iyadoo uu shalay magaalada Jigjiga soo gaadhay wafti ballaadhan oo ka socda garabka nabadda qaatay ee ururka ONLF, kaasoo uu hogaaminayey gudoomiyaha ururkaas, Eng. Salaxudiin Cabdiraxman Xaaji Macow.
Minnesota ayaa waxaa ku nool jaaliyadda ugu ballaadhan ee deegaanka Soomaalida ee ku dhaqan Waqooyiga Amerika.
Shirkan oo si weyn loo soo agaasimay ayey gabagabadi kasoo qeybgalayaashi isku raaceen in la sii wado kulamada ay yeelanayaan qeybaha jaaliyadda ee taageersan nabadda iyo horumarka deegaanka Soomaalida.